Muqdisho (PP) - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Japan Kustoya Okada ayaa sheegay in dalkiisu uu ugu deeqayo dalka Somalia 35.2-Milyan Dollar, kaddib markii uu shir saxaafadeed la qabtay wasiirka dhiggiisa Somalia Cali Jaamac (Jangeli) oo dalkaas ku jooga Tokyo.
Dhaqaalahan ayuu sheegay wasiirku in wax looga qabanayo dib u dhiska dalka, sida dayactirka waddooyinka, Isbitaallada, xarumaha dowladda iyo sidoo kale qaabeynta ciidamada.
Japan ayaa sheegay in dowladda Somalia ay gacan ka siin doonaan dib u dhiska dalka, ayna sidoo kale dhawaan bixin doonaan dhaqaale kale oo ay siinayaan DFKMG ah oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Deeqdan lacageed ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ugu deeqo dowladda Somalia hal dal, waxaana dhawaanahan ay wadday Dowladda Somalia kaalmooyin ay weydiisanayso beesha caalamka.
Beesha calaamka ayaan bixin lacago ay ugu deeqday dowladda Somalia ee lagu soo dhigay dalka Jabuuti sannadkii hore, iyadoo taasi ay Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee dowladdu ku sheegeen inay wiiqday awoodda dowladda iyo wax ka qabato rajooyinkeedii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Cali Jangeli ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay socdaallo ku marayay dalal dhowr ah, kuwaasoo uu ka dalbaday taageero dhanka siyaasadda ah iyo mid dhaqaale.