Afgooye (PP) - Kooxo hubeysan ayaa xalay bam-gacmeed ku weeraray Madaxa garsoorka maamula Dgemada Afgooye ee Ururka Xisbul Islaam, kaasoo aan geysan wax khasaare ah.
Mas'uulka la weeraray oo lagu magacaabo Sheekh Cismaan Fiidow Xasan ayaan ka hadlin weli sababta loo weeraray iyo cidda weerarkaas ka dambeysay, iyadoo aanu bamkaas geysan wax khasaare ah.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in bamku uu burbur u geystay qaybta dambe ee guriga sarkaalka ka tirsan ururka Xisbul Islaam, iyadoo kooxaha weerarka geystayna ay baxsadeen.
Mar uu saakay saxaafadda hadal kooban siiyay Sheehk Cismaan Fiidow Xasan, wuxuu sheegay inuu faahfaahin ka bixin doono weerarka, isagoo sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay.
Dadka degmada Afgooye ku nool ayaa cabsi xooggan muujiyay markii ay maqleen qaraxa bamka, waxaana saakay ay dadku aad u hadal hayaan weerarkii xalay lagu qaaday sarkaalka ka tirsan Xisbul Islaam.
Waa markii labaad oo weerar noocan oo kale ah lagu qaado sarkaal ka tisran ururka Xisbul Islaam muddo hal todobaad gudahood ah, iyadoo dhawaan lagu weeraray Muqdisho bam gacmeed sarkaal kale oo lagu magacaabo Barre Cali Barre, mana jiraan cid sheegatay labadan weerar.