Muqdisho (PP) -
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Max'ud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo jawaab ka bixinayay hadalkii kasoo yeeray sirdoonka dalka Mareykanka ee ahaa in dad Somali ah ay qorsheynayaan inay weeraraan koobka Adduunka.
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay inaysan jirin dad xiriir la leh Al-shabaab oo ku sugan dalka South Afrika, si ay qaraxyo uga geystaan halkaas, balse ujeedada hadalkan ay tahay in lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
"Mareykanka wuxuu ku socdaan xaalad burbur ah, hadalkiisa ah in Dad xiriir la leh Al-shabaab ay weerarro la damacsan yihiin koobka Adduunkana waa madax geed ku garaacid lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhiigga iyo hantida dadka masaakiibta ah ee dalkas ku nool" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay sirdoonka Mareykanka ay mar walba soo dajiyaan qorshe cusub oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, balse ay eedi doonaan.
Dhawaan ayaa wargeysyada dalka Mareykanka waxay qoreen inuu jiro qorshe lagu doonayo in lagu weerarro garoommada ciyaaraha ee dalka South Afrika, kuwaasoo bartamaha sannadkan ay ka bilaaban doonaan ciyaaraha koobka Adduunka.
Wareysyada oo soo xiganayay sirdoonka dalka Mareykanka ayaa sheegay inay jirto heshiis dhexmaray Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugambe iyo xubno ka tirsan Al-Qaacida oo lagu maleegayo qorshayaasha qaraxyada ah, kuwaasoo ay qayb ka yihiin dhallinyaro Somalia ah oo xiriir la leh Xarrakatul Al-shabaab.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com