Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Kooxo hubeysan oo maanta ku toogtay Suuqa Bakaaraha Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam
Posted to the Web Mar 09, 06:20

Muqdisho (PP) - Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta ku toogteen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisul Islaam, kaasoo lagu magacaabi Jiray Barre Cali Barre.

Sakaalkan ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan sida ay sheegeen xubno sarsare oo ka tirsan Ururkan waxaana uu u dhintay dhowr xabbadood oo madaxa looga dhuftay isagoo ku dhacay goobtii lagu toogtay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sarkaalkan uu isdifaacay balse la toogtay, iyadoo kooxaha dilkiisa ka dambeeyay ay baxsadeen, waxaana Madaxa wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay geysteen kooxo burcad ah.

"Waxaa dilkan ka dameeyay kooxo burcad ah aad ayaana uga xunnahay dilka loo geystay marxuumka" ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Cali isagoo intaas ku daray inay kasoo saari doonaan war saxaafadeed.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay dilka marxuumka, kaasoo horay uga soo horjeestay ku biiriddii uu dhawaan Sheekh Xasan Turkey ku biiray Kooxda Al-shabaab, iyadoo habeenkii uu hadalkaas sheegay la weeraray.

Dilka sakaalkan ayaa imaanaya iyadoo uu jiro khilaaf aad u xooggan oo u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin iyo Xisbul Islaam oo dhinac uga soo wada-jeeday Dowladda Somalia.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>