Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Al-Xayaat ee Magaalada London ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dagaal la gasho kooxaha kasoo horjeeda.
"Dowladda waxaa ka go'an inay dib u soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta, waxaana naga go'an si ay taasi u hirgasho inaan dagaal la galno kooxaha naga soo horjeeda oo diiday nabad" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in dagaalka ay dowladdiisa gacan ka siinayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, halka dhanka cirkana ay ka taageerayso Dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay in caalamka uu ka codsanyo gargaar.
"Ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxay gacan ka geysan doonaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha mucaaradka ah, iyagoo ka barbar dagaalami doona ciidamadeenna lugta" ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Burcadbadeedda isagoo ku sheegay inay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan dalka Somalia, wuxuuna ku baaqay inay sii daayaan lamaanaha u dhashay dalka Britain ee ay haystaan.
Dhanka kale, Sheekh Shariif wuxuu gurigooda ku booqday qoysk ay kasoo jeedaan Paul iyo Xaaskiisa Richel Chandler oo lagu haysto Somalia, kuwaasoo kooxaha ku haysta afduubka ay dalbadeen in laga siiyo madaxfurasho lacageed.