Muqdisho (PP) - Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa saakay ka bilowday deegaanno ka tirasn tirsan waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare nafeed.
Inta la oghayay dagaalkaas waxaa ku dhintay 4-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo shacab ah kusoo ay ku dhacday rasaasta iyo madaafiicda ay dhinacyadu isku adeegsanayeen.
Dhaawacyada ayaa la sheegay inay weli ku jiraan guyo ku yaalla halka uu dagaalku ka dhacay welina ka soconayo, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacayaa meel ku dhow Hotelka Global ee degmada C/casiis oo ay labadan isku horfadhiyeen.
Xoogaga Islaamiyiinta ah ayaa la sheegay inay weerarka iyagu qaadeen, inkastoo aanay weli ka haldin dagaalka, waxaase ka hadlay sarkaal ka tirsan Dowladda oo sheegay in dhankooda aysan jirin khasaare gaaray ayna dagaalka guulo ka gaareen.
Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka Shibbis, Kaaraan iyo C/casiis oo uu dagaalku ku leeyahay saameyn weyn ayaa u sheegay saxaafadda in dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo ay isku adeegsanayaan hubka noocydiisa kala duwan.
Maydadka dagaalka ka dhashay oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii uu dagaalu u dhexeeyay ayaa la sheegay inay weli yaallaan deegaannada uu dagaalku ka socdo, iyadoo dhinac koox walba ay ku sugan tahay sida wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan goobihii ay dagaalladu ka bilowdeen.