Kismaayo (PP) - Hawada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu arkay diyaarado dagaal oo dul-heebaabaya iyadoo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen iyo cidda iska leh.
Magaalada oo dhan ayay diyaaradahan oo gaaraya laba waxay ku dul sameeyeen dhowr duulimaad, waxaana ciidamada Xarrakatul Shabaab ee halkaas gacanta ku haya ay rideen qoryaha lidka diyaaradaha.
Diyaaradahan ayaanay jirin wax ay geysteen, balse waxaa jira in cabsi weyn ay ku beereen dadka deegaanka iyadoo lagu soo beegay xilli ay dhawaanahan socdeen warar ku aadan in Dowladda Maeryanka ay dhinaca cirka ka taageerayso DFKMG ah dagaalka ay la galayso kooxha kasoo horjeeda.
Xukuumadda Sheekh Shariif ayaa waxay dhawaan sheegtay inay dagaallo ku qabsan doono goobaha ay gacanta ku hayaan xoogagga kasoo horjeeda sida Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin deegaannada ay gacanta ku hayaan.
Waa markii ugu horreysay oo lagu arko deegaannada ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta diyaaradaha dagaalka ee reer galbeedka, iyadoo maamulka Jubbooyinka oo gacanta ku haya gobolkaas aysan ka hadlin diyaaradahan dagaal.
Gobolka Jubbada hoose ayaa ka mid ah gobollada ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee Dowladda ka horjeeda, kuwaasoo ay hogay ugu dagaalameen labadan kooxood gacan ku hayntooda.