Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LONDON: Madaxweyne Sheekh Shariif oo booqasho ku tagay xarunta Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda
Posted to the Web Mar 10, 02:14

London (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqday xalay xarunta hawlgalka ciidanka badda dalalka Yurub ee la dagaalanta burcad-badeedda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey saraakiil reer Yurub ah oo ay ka mid ahaayeen Rear Admiral Peter Hudson iyo Admiral Bartalome, Admiral Soar, Admiral Ort iyo safiirro iyo madax ciidan oo Yurub ah, kuwaas oo warbixin dheer Madaxweynaha ka siiyey dadaallada, hawlgalada iyo tabta ay Midowga Yurub kula dagaalamaan kuna xakameeyaan burcadda badda Soomaaliya.

Intaas kaddib Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa loo furay albaabadda barta hawl-galka ee ciidankaas iyaga oo la tusay qaabka hawl-galada la dagaalanka burcadda. Dhanka kale, madaxda Midowga Yurub iyo wafdiga Soomaaliya ee Madaxweynuhu uu hoggaaminayo waxa ay is dhaafsadeen fikrado la xiriira sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Kulankaas kaddib ayaa saraakiisha midowga Yurub waxa ay casho sharaf u sameeyeen wafdiga Madaxweynaha iyaga oo Madaxweynaha guddoonsiiyey hadyad.

Dhanka kale, berri ayaa ah maalin kale oo uu buuxo jadwalka shaqo ee wafdiga Madaxweynaha yada oo ay ugu horrayso 8:30am warayisyo is-daba socda oo ay Madaxweynaha la yeelan doonaan televisionada CNN iyo Al Jazeera.

Madaxweynuhu wuxuu subaxii la kulmi doono Wasiirka Horrumarinta Caalamiga ee Britain Mudane Douglas Alexander; duhurkana waxa uu arki doono Wasiirka Arrimaha Gudaha Alan Johnson iyo galabtii qaabili doono u-qaybsanaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah.

Warfaafinta Madaxtooyada
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>