Muqdisho (PP) - Ra'iisul wasaaraha dalka Britain ayaa ugu deeqay Dowladda Somalia lacag gaaraysa 5-Milyan oo Gini taasoo uu ku sheegay inuu ugu talogalay inay dowladda Somalia u kaashato dagaalka ay la galayso kooxaha kasoo horjeeda iyo dhisma hay'adaha ammaanka.
Golden Brown oo uu soo xiganayay Wargeys kasoo baxa London ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay deeqo ay dowladda Ingiriisku ugu talogashay inay ku taageerto dowladda Soomaaliya.
Lacagtan ka badan 30-Milyan oo Gini ayuu sheegay Ra'iisul wasaaraha Britain inay ugu talogaleen inay ku taageeraan Dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasoo dhawaan sheegaty inay dagaal la galayso mucaaradkeeda.
Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku jooga dalka Britain, isagoo kulammo la qaatay Madaxda dalkaas, wuxuuna ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay subax qabtay in dowladdiisu ay ballanqaad buuxa ka heshay UK.
Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna dhawaan sheegtay inay qayb ka qaadanayso dagaalka ay sheegeen inay ciidamada Somalia la galayaan kooxaha kasoo horjeeda si ay dib ugu soo celiyaan goobaha ay gacanta ku hayaan Islamiyiinta ee ku yaalla koonfurta dalka iyo caasimadda.
Gen. Maxamed Geelle Kaahiye ayaa dhawaan sheegay in dowladda Maerykanka ay kala qaybqaadan doonaan ciidamadooda sidii ay Magaalada Muqdisho dib ugu qabsan lahaayeen.