Muqdisho (PP) - Sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisa uu qayb ka qaadanayo weerarrada ay dowladda Soomaaliya ku qaadayso kooxaha kasoo horjeeda ee Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Gen. Williman Ward oo la hadlayay Senet-ka dalka Mareykanka isagoo ku sugan Washington ayaa sheegay in ciidamadooda lugta iyo kuwa cirka ay qayb ka noqon doonaan dagaalka ay dowladdu kula wareegi doonto Muqdisho.
Sarkaalkan oo aan sheegin faahfaahin intaas ka badan ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay taageero aan hagar lahayn siiyaan Dowladda Somalia ee uu Sheekh Shariif hoggaaminayo, isagoo sheegay in dagaalladaas ay wax weyn ka badali doonaan xaalka uu dalku haatan ku sugan yahay.
Xukuumadda Washington ayaa horay hub ugu deeqday Dowladda Somalia, kaasoo ay ku sheegtay inuu qayb ka yahay taageero dhanka ciidamada ah oo ay siinayso si ay ula dagalaamaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaalsan Dowladda.
Dhawaan ayaa sarakaal ku sugan Washington oo Mareykan ah wuxuu u sheegay saxaafadda dalkaas in ciidamo si gaar ah loo tababaray ay qayb ka noqon doonaan dagaallada ka dhacaya Muqdisho, iyadoo aan weli la sheegin inay qayb ka noqon donaan dagaallada ka dhacaya Gobollada koonfurta oo ay gacanta ugu jira kooxaha dowladda ka horjeeda.
Dowladda uu horkacayo Sheekh Shariif ayaa waxay gacanta ku haysaa in yar oo Muqdisho ka tirsan, waxayna sheegeen inay dagaal la geli doonaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.