Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Dowladda Somalia iyo Xarrakatul Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaalkii maanta dhacay
Posted to the Web Mar 10, 05:05

Muqdisho (PP) - Dowladda Somalia iyo Xarrakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalo saakay ka dhacay qaybo ka tirsan waqooyiga Muqdsiho, iyadoo dhinac walba uu sheegay inuu dhinaca kale la awood roonaaday.

Mas'uuliyiinta u kala hadlay labadan dhinac ayaa dhinac walba wuxuu shaaciyay inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo dhinacooda soo gaaray, balse ay dhinaca kale la awood badiyeen.

"Dagaalka waxaa soo qaaday Xarrakatul Shabaab waana jabinay, goobtana waxaa yaala maydad badan oo labada dhinac, balse faahfaahin kama bixin karo" ayuu yiri Sheekh C/risaaq Qaylow oo u hadlay Dowladda Somalia.

Sidoo kale afhayeenkan u hadlay DFKMG ah wuxuu sheegay in ciidamadooda ay gaareen goobihii ay horay ugu sugnaan jireen xoogagga Xarrakatul Shabaab, ayna xaaladu haatan tahay mid daggan.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere oo isaguna shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku guulaysteen inayna ku sugan yihiin agaagii ay horay ciidamada dowladu ugu sugnaan jireen.

"Dagaalkii saakay wuxuu ahaa mid aan ku jabinay cadowgeena, waxaana sii wadi doonaan dagaalada aan uga horjeedno dowlada inta aan ka gaarayno Madaxtooyada" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Marka la isku soo wada duubo dagaaladii saakay ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay ugu yaraan 5-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban qof oo kale, kuwaasoo ay gaadiidka gurmadka deg-degga ah qaadeen.
 
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>