Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Guddi ka tirsan Qarammada Midoobay oo sheegay in la musuq-maasuqo gargaarka Somalia iyo Fiisooyinka
Posted to the Web Mar 10, 05:05

Muqdisho (PP) - Guddi ka tirsan Qarammada Midoobay oo baaritaanno ku sameyay gargaarka la geeyo Somalia ayaa sheegay in la musuq-maasuqo gargaarka laguna kala iibsado suuqyada waaweyn ee Somalia.

Warbixin arrintan ku saabsan oo lagu daabacay wargeysyo kasoo baxa dalka Maerykanka ayaa lagu sheegay in gargaarka ay musuqmaasuqaan Hay'adaha Qarammada Midoobay iyo Qandaraas-layaasha la shaqeeya.

Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada Dowladda Somalia ay si aan sharci ahayn u Isticmaalaan Fiisooyinka ama dal-ku-gallada ay ka helaan dalalka calaamka, gaar ahaan kuwa Yurub iyo America ku yaalla.

Waxay sheegeen in fiisooyinka qaarkood lala gato kooxo burcadbadeed ah oo xiriir la leh wasiirrada, iyagoo xusay in lagu sameeyo baaritaanno labadan arrimood si wax badan looga ogaado, inkastoo wasiirrada DFKMG ah ay diideen eeddaas.

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ayaa si gaar ah looga codsaday inuu ku sameeyo baaritaano gargaarka la la lunsado iyo fiisooyinka la siiyo Madaxda Dowladda si ay ugu booqdaan dalalka calaamka.

Afhayeen u hadlay Hay'adda WFP ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, balse wuxuu sheegay inay baaritaano ku sameyn doonaan eedaha loo soo jeediyay, iyadoo horay uu Mareykanku u joojiyay gargaarkii uu siin jiray Somalia.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>