Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

GOTENBERG: Anigu markaan Ku biiray Dowladii Carte , Nuur Cadde Wuxuu Madax ka noqday Bisha Cas . W/Q, G/Sare Dr. Shariif Sheekhunaa
Posted to the Web Jan 16, 10:37

Fakirkaaga ka dhiibo Faalada (10-kii Janaayo iyo Raysalwasaare Nuur Cadde), ku soo hagaaji fakirkaaga webmaster@puntlandpost.com


Ra'iisal Wasaaraha DFKS Nuur Cadde Awood wuu u Leeyahay Inuu Dhamaystiro Barnaamijkiisa

W/Q: G/Sare Dr. Shariif Sheekhuna

L/H. Göteborg (Sweden)

Email: shariifmaye@hotmail.com

Nuur Cadde Wasiirka koowaad ee SoomaaliyaGotenberg: Anigoo daba-joogo su’aashii aad u soo bandhigteen dadweynaha, Websat-ka Puntlandpost aad ku daabacdeen taariikhdu markay ahayd 10.01.08, su’aashaas oo ahayd Nuur Cadde awood ma u yeelan karaa dhamaystirka hawlaha ku wajahan: "Xasilinta amniga & nabadgelyada Soomaaliya, Dib u heshisiinta iyo Dib u habaynta Dastuurka Soomaaliya", muddada yare e Dowladda u harsan gudaheeda.

Haddaba, bacdamaa uu Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) saaxibkeyga koowaad yahay, aqoon dheerna aan u leeyahay shakhsiyadiisa, dabcigiisa & dhaqankiisuba, waxaan doorbiday in aan jawaab ka bixiyo su’aashiina kor ku xusan.

 Soomaalidu waxay tiraahda "Haddii aad rabto in aad baratid qof ama jid la mar, ama jabad la deg ama jading la cun". Marka laga yimaado seddaxdaas maraaxil, waxaa meelaha kale ee la isku barto ka mid ah: Xafiis laga wada shaqeeyay, Shirar la wada galay, hawl laga wada qayb galay iwm.

Haddaba, aniga iyo Nuur Cadde waxaan is-baranay maalintu ay taariikhdu ahayd 25 Agosto 1958, waa maalintii aan wada qornay Ciidankii la oran jiray Guardia di Finanza. Sannadku markuu ahaana 1965 waxaan ku biirnay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo aan ku gaarnay ilaa derejada hadda aan sidano oo ah Gaashaanle Sare.

Aniga iyo Nuur Cadde meelo kala gedisan ayaan ka wada shaqeenay, dhawr tababar waan ka wada qayb galnay, ugu dambeyntiina dhawr sanadood waxaan ka wada shaqeenay Maxkamadda Badbaadada Dalka, asaga Xeer Ilaaliyaha Guud ayuu ahaa anigana Kuxigeenkiisa ayaan ahaa.

Xiriirkeena oo soo jireenka ah, marna ma kala go’in, hakadna ma galin, inkastoo uu Waddanku ka dhacay dagaal sokeeye, haddana mar kasta waan isla xiriiri jirnay. Markii anigu aan ku biiray Dowladdii Carta lagu dhisay oo aan noqday Xildhibaan, asaguna Madax ka noqday Hay’adda Bisha Cas Qaybta Soomaaliya, mar kasta waan isla xiriiri jirnay, waxaana isku weydaarsan jirnay talooyin iyo aragtiyo ku salaysan sidii Waddanka loogu soo dabaali lahaa nabadda, Dowlad soo celisa sharciga iyo kala dambaynta la helo iyo in dib loo dhiso Ciidanka Boliiska oo nabadda iyo xasiloonida ka soo shaqeeyo.

Haddii aan intaas ku joojiyo xoog-waranka la xiriira is barashada aniga iyo Nuur Cadde, waxaan faalladii aad ka biseen Nuur, idin ku kordhinaaya in Nuur Cadde ku sifoobay kuna can baxay in uu yahay: "Nin hawl kar ah, daacad ah, fir-fircoon, adkaysi badan, hawlihiisa sida ugu fiican ee ugu nadiifsan u guta, kana barax tiran eex, musuq, qaraabo-kiil iwm. Waa nin lagu yaqaano run sheeg, xaq soor, hoggaamintiisuna ku dhisan caddaalad iyo sinnaanba.

Sidaas darteed, waxaan hubaa in Nuur Cadde uu awood u yeelan karo dhamaystirka hawlaha la xiriira Nabadda, Dib u heshisiinta iyo Habaynta Dastuurkaba, muddada gaaban ee Dowladda u harsan, haddii uu helo kaadiriin si hagar la,aan ula shaqeeyo, balwadna lahayn, fahmaanna Nuur aragtidiisu iyo hadafkiisu, haddii kale waxba ma dhaqaajin karo keligiisa. Horeyna waxaa loo yiri "Far keliya fool ma dhaqdo iyo gacmo wada jir bey wax ku gooyaan".

Nuur balwadiisu waa mintidnimada waajibaadka saran, hal qabsigiisu waa "Hawl aan ku hurin horaa loo qabtaa", had iyo jeerna wuxuu ku dedaala in fuliyo qorshihiisu, ballankana oofiyo.

Nuu Cadde dhaqamadiisa waxaa ka mid ah si uu xog-ogaal ugu noqdo maalin kasta shaqada la qabtay, waxa uu caado ka dhigtay in khamiis kasta galabteeda uu la shiro Hawlwadeenada, mid kastana wuxuu ka dhegaystaa warbixin la xiriirta waxqabadkiisa hawlaha uu qabtay asbuucaas iyo inta uusan qabanin intaba, isla markaana wuxuu qiimeeya taladii iyo ra’yiga ay soo jeediyaan hawlwadeenada oo ku aadan qorshaha hormarinta iyo wanaajinta hawlaha la qaban lahaa asbuuca dambe iyo dhamaystirka hawlihii aan fulin oo qabyo ku noqday asbuucaas.

Markaas kadib, wuxuu tilmaamo iyo talo ka bixiyaa meelihii uu dhaliil ku arko ama u muuqdo in aysan u fulin hasha sidii loogu tala galay., kadibna wuxuu Hawlwadeena u qaybiyaan mid kasta shaqadii uu fulin lahaa asbuuca soo socota.

Waxaan ogsoon-nahay in mas’uuliyadda saran Nuur ay tahay mid aad u culus, siiba waqtigaan xaadirka ah oo xaaladda Waddanka Soomaaliya meel halis ay marayso, laakinse isla markaana leh abaal marin weyn, marka laga eego xagga Ilaahay hortii iyo sida ay taariikhdu xusi doonto IF & AAKHIROBA, haddii waajibaadka saran loo fuliyo si caddaalad ku dhisan oo waddanninimo ku dheehan tahay.

Sidaas darted, waxaa waajib naga saran in aan Ilaah uga barino Nuur Cadde iyo Kooxdiisa in uu siiyo caafimaad iyo cimri dheer si ay awood uga helaan in ay ummadda soomaaliyeed u adeegaan, dibna noogu soo celiyaan sharafteena iyo karaamadeena oo lumay. Aamiin, Aamiin.

Waa Billaahi Towfiiq.


10-ka Janaayo iyo Raysal-wasaare Nuur Xasan Xuseen [ Cadde]
Waxaa diyaariyey; Said Warsame

(Puntlandpost): Salaan guud ka ddib waxaan rabay in aan fikir yar ku darsado ama aan ka dhiibto arrinta ku saabsabsan maqaalka aad qorteen ee PP lagu daabacay  oo cinwaan u ahaa: ( 10 Janaayo iyo Dowlada Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen Cade ).

Marka hore waxaan rabaa in aan u Hambalyeeyo Dowlada Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen Cade sida habsamida leh oo ay ugu Guuleystey ansixinta ay ka heshey Barlamaanka soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa in uu inuu ILAAHAY la garab galo howsha culus ee hortaala.

Hadaan u soo laabto fikirkeygii maqaalka. Tan koowaad oo aheyd xasalinta amniga iyo nabadgalyada soomaaliya . Aniga waxay ila tahay in maanta xaalada amniga wadanka guud ahaan in ay aad u wanaagsan tahay , Gaar ahaan Muqdisho oo ah meesha xiliyadii ugu danbeysey Qalaalasada ka dhamaan weysey laakiin hada u muuqata mid kasoo reeneysa ka gadaal dadaal naf iyo maalba ay u hurtey dowlada federaalka iyo Beesha caalamkuba.

Tan xigtaa oo aheyd iyana dib u heshiisiinta iyo gargaarka biniaadanimo iyo tan dib u heshiisiinta waxaan qabaa aniga in aysan jirin awalba shacab is dagaalsanaa oo ay aheyd wax siyaasad ka danbeysey, hadana siyaasadii lagu soo heshiiyey oo ay ka dhalatey dowlada federaalka oo aan jirin xiligan somali siyaasad isku dagaalsan.

Dhinaca qabaailada oo iyaga dhul iyo daaq dagaalkoodu ku saleesan yahay uu yahay mid iska sahlan oo Oday dhaqameedyo dhameen karaan, iyadoo weli xusid mudan in ay qabaailada oo dhan ay ku kulmeen hada ka hor magaalada Muqdisho oo ahaa shir dib u heshiiseed taasna guul laga gaarey oo wax yaabo badan la isku cafiyey guulna la taaban kara laga gaarey.

Hadaan usoo laabto tan gargaarka beniaadanimo, waxay ila tahay marka hore in ay ku xiran tahay amniga oo la xasiliyo si fiican, hadii amni la helo oo nabad buuxda la gaaro in meel walba la gaarsiin karo mucaawimada dadka qaarkoodna in aysan u baahan mucaawimo, hadii ay helaan in ay nabad ugu soo laabtaan guryahoodii inta ka barakacdey.

Tan sedexaad oo ah tan ugu danbeysa ee dib u habeynta dastuurka,waxaan rajeynayaa in ay dowladani hadii ay sameystaan Wasaarado iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan ka ddibna ay si dhaqso leh ay ku howlgalaan oo ay ku maareeyaan howlaha culus ee sugaysa inay qabtaan in ay ku guuleysaneyso iney ka hirgeliso wadan oo dhan Maamulka Federaalka, sidaasna lagu gaaro doorashooyin xor ah oo one man one vote ah. Xittaa hadii uu waqtiga ku yaraado in culayska saaraan inay arrinkaas  taaba geliyaan.


10-ka Janaayo iyo Raysal-wasaare Nuur Xasan Xuseen [ Cadde]

Waxaa Diyaariyey; Sociologist Kahin Enow

kafi24@hotmail.com


 
(Puntlandpost) :  Mudande Nuur Cadde waxaan aqoon u lahaa tan iyo maalintii aan dhashay. Jaarnimada ka sokoow waxaa aad u xusuustaa howlihii kala duwanaa uu u soo qabtay Qaranka Somalia, gaar ahaan Fooska Ciidanka Polizka, hadii ay noqon lahayd Guardia Di Finanza (ilaalinta cashuuraha),  Maamulka Xafiiskii Qorsheynta iyo Tabararada Poliska, ama hadii ay noqon lahayd Xagga ka shaqeynta Howlaha Maxkamadaha iyo sharciyadda u yaaladay Jamhuuriyaddi Demoqradiga ee Somalia,  Markii ay Dowladii dhisneyd.
 
Nuur Cadde marka aan eego howlaha uu qabtay, waxaan xusuustaa xilligii Dagaalkii 1977 waxaa uu how wadeen ka ahaa Taliska Ciidan Poliska "Commando Polizia" halkaas ay habeen iyo maalinba u taagnaayeen in ay gacanna ay kula dagaalamaan gumeysigii ka jiray Somali galbeed ee Mingistu gumeysanaayay, gacana ay ku wadaan suggida amaanka wadanka, socodsiinta howlada nabadgelyada, sida saldhigyada poliska, iyo horgeynta dembiyaalaasha maxkamadaha ku shaqada leh.
 
Nuur Cadde iyo ragga ay wada shaqeyn jireen ee Poliska ahaa sida Abdulaahi Caddow, Adan Hersi, Abdi Nuur Musuq maasuq, Hoolif, Matukade, Mohamed Ahemed Eenow, Yusuf Jibriil Carays ku magac dheer Xaaji Dhagax, Mohamed Haaji, Abdirizak Farah Weyrah, Osman Gas Gas, Osman Caanageel, Saciid Quruurux, Bedel Hirsi iyo kuwa kale, waxay ahayeen ragii aqoonta u lahaa farsamada baarista cashuuraha dekeddaha iyo berriga, la dagaalanka Mukhadaraadka iyo suggidda amaanka dalka.
 
Ciidanka Poliska  waxay lahaayeen aqoon ka wanagsan kuwa Militeriga ah, taas oo micnaheeda ahaa , Ciidanka Poliska waxaa tababarka siin jiray Dowlada Talyaaniga, taas oo siin jireen waxbarasho heer caalami ah. Marka raggaas aan soo sheegay oo ahaa fooska Poliska waxay caan ku noqdeen in ay dalka amaankiisa sugaan, tariikhda Somalia meel wanaagsan ka galeen.
 
Nuur Cadde waxaa uu maalintii galinka hore ka shaqeyn jiray Taliska Ciidanka Poliska, garahaan, waxaa uu ahaa taliyaha Hogaanka Qorsheynta & Tababarada (Schoolarship), gelinka dembana waxaa uu si mudadawacnimo ah uga shaqeyn jiray RED CROSS-ka ama Laanqeyrta Cas, halkaas uu u adeegi jiray wax tarka danyarta.
 
Marka waxaa lagu yaqaan in uu yahay Nin Daacad u ah Dalka iyo Dadka, eexasho laáan, karti badan, deggan, qancin kara cid kasta, fiirsasho badan, dhageysta dadka, ixtiraama qof kasta, ha ahaado ruux weyn, haween, caruur.
 
Waad aragtaa sida fudud uu Dowladiisa ku meel mariyey, waa xirfad iyo socialcomptence, an qof kasta heli karin. Marka aarimahaas oo dhan waxay u sahlayaan Nuur Cadde in uu si wanaagsan uga soo baxo howlaha Qaran ee uu ummadiisa u hayo, waxaa kale uu u noqon doonaa tusaale fiican dadka la shaqeeya ama jiilka ka dambeeya.
 
Prime Ministerka waan hubaa hadii uu Ilaah idmo in howlahaa horyaal uu ku fullin doono wakhtiga loogu tala galay insha Alaaah. Waxaan kale oo u sheegayaa Inta ka nool raggaas aan magacyadooda soo sheegay waxay joogaan Debadda ama Dalka gudihiisa, marka Gobollada ay joogaan waxaan oran lahaa maamulada ka jira in ay ka faaíideystaan ragaas, kuwaas aan hubo in ay xagga aqoonta la mid yihiin Carribenieri-ga Talyaani (Polizia Italia)
 
Puntlandpost.com

10-ka Janaayo iyo Raysal-wasaare Nuur Xasan Xuseen [ Cadde]
 Waxaa Diyaariyey; Puntlandpost.com

Baydhabo: (pp)- Waqtigii ay ku beegnayd 10 Janaayo waa maalin aad u qiimo badan oo la dhihi karo waxay furtay jid cusub oo aan lagu aqoon siyaasiyiinta soomaalida. Waa maalin ay codaysay 230 Xildhibaan ayna codka kalsoonida ay siiyeen dowlada Raysalwasaare Nuur Cadde 223 Xildhibaan.

Soomaali badan ayaa u arkayey in Raiisalwasaaraha dowladiisa cusub ay ku adkaan doonto in la siiyo kalsoonida Baarlamaanka , maadaama uu golihiisa uu ka kooban yahay oo kaliya 18 wasiir iyo 5 Wasiiro ku xigeeno.

Runtii dowladan waxaa la dhihi karaa waa dowladii ugu macquulsanayd intii ay jirtay dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa marka laga hadlayaayo tirada yar ee dowlada wasiiradeedu ka  kooban tahay. Waxaana guulweyn ah in Banaanka laga keenay 9 Wasiir oo ka qayb ah Wasiirada cusub ee dowlada , taas oo la dhihi karo guul shacbiga soomaaliyeed u soo hoyatay maadaama baarlamaanka soomaaliya tirada ugu badan ee Wasiirada ay ka imaan jireen qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya.

Tan iyo intii la aasaasay Dowlada Federaalka ee soomaaliya waxaa soo maray 2 Raysal-wasaare oo mid uu ahaa Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Cadde oo hada ah Wasiirka Koowaad ee dowladan hada jirta.

Intii jagada uu hayey Raiisal-wasaare Geedi , marka laga reebo qilaafkii yaraa ee u dhaxeeyey isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxaa la dhihi karaa waxay dowladiisa soo martay waqtigii ugu xumaa ee ay la soo kowsato dhibaato dhan kasta leh.Wuxuu ahaa Cali Maxamed Geedi Wasiirkii Koowaad ee ugu horeeyey ee Soomaaliya mudo dhan 16 sanadood kaddib dowladiisu ay ku shaqayso caasimada Soomaaliya , isagoo suurageliyey in 14 degmo oo Xamar ka tirsan uu ka sameeyey Maamulo ka howlgala degmooyinkaas aan soo sheegnay.

Waxaa kaloo ka horyimi  Mudane Geedi qab qablayaashii dagaalka ee uu jagada Wasiirada ka safay , isagoo rabay inuu ku qanciyo oo ay dowlada la shaqeeyaan. Inkasta markii danbe ay qab-qablayaashii ka taqaluseen Maxaakiimta Islaamka , hadana maxaakiimtii Islaamka ma noqon kuwo waaqiciga ka fakira oo dowlada la heshiiya , iyagana waxay ku noqdeen dowladii jirtay ee Prof. Geedi hogaaminayey mid dagaal la gasha oo u dhaqma sidii qab-qablayaashii oo kale.

Inkasta oo dowladii Geedi ay haraanti culus ku qaaday Awoodii Maxaakiimta ee hubaysnaa,  hadana dowlada Geedi ma noqon mid amaanka soomaaliya oo dhan gacanta soo gelisa. Geedi Waa Masuul ka badbaaday 2 jeer in la qaarajiyo, taasoo na tusinaysa qaabka ay maxaakiimta wax ku doonayeen inay tahay qori caaradiis .

Si kastoo loo dhigaba Mudane Geedi waxaa la dhihi karaa wuxuu si geesinimo leh u soo gaarsiiyey dowlada Federaalka ee soomaaliya meel ay maanta ka anbaqaadi karaan kuwa ka danbeeya oo uu ka mid yahay Wasiirka Koowaad ee hada jagada haya.

Wejiga cusub ee Siyaasadeed iyo Wasiirka Koowaad

Nuur Cadde wuxuu noqday Raiisal wasaarihii bedelay Prof. Cali Maxamed Geedi , waxaana la dhihi karaa wuxuu noqday Nuur Cadde Raiisal-wasaarihii ugu horeeyey ee DFKS ee ay si xor ah isugu raacaan Beesha uu ka dhashay, Wuxuuna noqday masuulka kaliya ee la isku raacay oo aysan dood ka taagnayn inuu meteli karo Beelaha Soomaalida. Ila hada ma jirto Nuur Cadde Beel banaanka la soo istaagtay inaysan taageerayn marka laga hadlaayo dadka soomaaliyeed ee wanaaga jecel. Waxaa la isku raacay inuu yahay shaqsi soomaali ah oo aan ka qayb-qaadan dagaaladii soomaaliya ka dhacay.

Mudanuhu wuxuu tusaale u yahay Soomaali badan oo nadiif ah,  oo xirfad u leh inay dalkooda u shaqeeyaan, ma yara da'diisu,  waa nin waaya arag ah oo aan lagu siri karin taariikhda Soomaaliya.

Waxaa la dhihi karaa waa nin awood u leh inuu qanciyo koox kasta oo si khaldan wax u eegaysa , waana nin soo jiidasho leh oo aad u hadal qabow. Masuulkani wuxuu ku guulaystay inuu isagoo aan lacag isticmaalin in la taageero dowladiisa cusub ee tirada yar. Waxaa la dhihi karaa waa nin farsmo xeeladiisa siyaasadeed  ku fulin kara , isagoo aan u baahnayd cid gaara. Mudanuhu waa nin qunyar socod ah , waxaana la dhihi karaa ilaa hada waa nin ku socda inuu Soomaaliya u furo albaabada Nabada iyo wada noolaanshada.

Isku soo duuboo , Waxaa horyaala Mudane Nuur Cadde arrimahan:

1. Xasilinta Amniga iyo Nabadgelyada Soomaaliya

2. Dib u heshiisinta iyo gargaarka baniaadamnimó fududaynteeda

3. dib u habaynta dastuurka soomaaliya kaas oo ugol xaaraya doorasho xor ah oo wadanka ka dhacda , iyadoo la doonayo in la diyaariyo inta uusan dhamaan xiliga ku meel gaarka ah ee ay jirto DFKS.

Waxaa la isku hayaa , mudane Nuur Cadde dowladiisa awood ma u yeelan kartaa dhamaystirka howlahan, iyadoo dowlada Federaalka ay xilligeedii uu ka dhiman yahay mudo 2 sano ka yar.

Dadka badankiis ayaa qaba su'aalo kala duwan, oo ku aadan arrimahaas Sadexda ah ee kor xusan , waase jawaab furan  oo shaqsi kastaa ka jawaabi karo.Si hufan uga soo talo bixi,  jawaabtaadana ku soo dir webmaster@puntlandpost.com.

puntlandpost.com

 

 Maqaalada Kale halkan Riix ---> :10-ka Janaayo iyo Raysalwasaare Nuur Cadde

Ku gudbi Fikradaada : webmaster@puntlandpost.com.


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>