Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CAABUD-WAAQ: Ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray Degmada Caabud-waaq saakayna dib uga baxay halkaas
Posted to the Web Feb 29, 02:43

Caabud-waaq (PP) - Ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray gallinkii dambe ee shalay degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxay isaga baxeen halkaas saakay waaberigii hore.

 

Ciidamadaan markii ay gaareen Degmadaas waxay sheegeen inay ku wajahan yihiin dhanka Degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolkaas, balse ay ku sugnaanayaan degmada caabud-waaq inta uu waagu ka baryayo.


Saakay ayaa la arkay iyadoo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee soo gaaray degmadaas ay ka baxayaan halkaas, waxaana dadka degmadaas oo ka mid ah degmooyinka ugu xasilloon Gobolka Galguduud ay arkeen ciidamada oo ku raran gaadiidkooda una jahaystay dhanka xuduudda Ethiopia ee ay ka yimaadeen markii hore.

 

Warar ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha ciidamadaan watay ay kulammo la yeesheen mas'uuliyiinta Degmadaas, iyagoo kala hadlay sida ay wararka la helayo tibaaxayaan xaaladda ammaanka ee Degmadaas iyo sidoo kale in maamulka degmadaas ay la shaqeeyaan ciidamada Ethiopian-ka ah ee ku sugan deegaanka Kala-bayrka ee Gobolka Hiiraan oo ah xarunta ugu weyn ee Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihii Gobollada Dhexe.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Degmadaas oo ku saabsan wadahadalladii ay la qaateen saraakiisha Ethiopia, waxayna ku gaabsadeen oo qura inay kala hadleen ammaanka Degmada iyo deegaannada ku xeeran.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho

E-mail: Jantiile@gmail.com    

 


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Feb 09 MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Feb 09 MUQDISHO: Culummaa'uddiinka Ahlusunna oo daboolka ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay ku jiraan
Feb 09 MUQDISHO: Shabakadda Al-Qaacida oo sheegtay inay qabsanayso marin-biyoodka Baabul-mandab ee badda cas
Feb 09 AFGOOYE: Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu weeraray deg. Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
Feb 09 MUQDISHO: Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo baxay Mareykanka

 

 
INDONESIA IS GOING GLOBAL (Feb 01, 05:00)

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>