Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ALXAMDULILAAH : Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyo dagaal dhexmaray oo sababay dhimasho iyo dhaawac
Posted to the Web Mar 19, 03:27

Al-xamdulilaah:-Dagaal shalay dhexmaray Ciidanka Puntland ee fadhiya kaantaroolka magaalada Al-xamdulilaah iyo Maleeshiyo u socotay magaalada Boosaaso oo doonayay in ay gacan siiyaan furitaanka makiinad ballaaran oo ka mid ah Makiinadaha soo saara lacagta faalsada ah oo dawladdu ay xayiraad ku soo rogtay ayaa dagaal dhexmaray wuxuu sababay dhimasho 2 ka mid ah maleeshiyada iyo 1 askari waxaana dhaawacantay illaa 7 ruux.

Ciidanka Puntland ayaa diiday in Maleeshiyadan oo hub watay in ay u gudbaan magaalada Boosaaso.

Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxay dawlada oo ku aadan amuurtan , sidoo kale maleeshiyada ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin isla aaga wadada laamiga ah ee magaalada Kobta.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan wuxuu xayiraad ku soo rogay Makiinadaha waawayn ee sida lixaadka leh u daabici-jiray lacagta faalsada ah ee sicir-bararka keentay taa soo gallaafatay ama waxyeelaysay nolosha boqolaal qof oo u badan dadka danyarta ah.

Hase ahaatee , ka sokow xayiraada daabacadaha makiinadahan ayaa waxaa la sheegayaa in ay dawladdu ay wali si xawli ah ay lacag faalso ah oo ay ku soo daabacay dalka dibadiisa ay si toosa uga soo dajiso garoonka Boosaaso.

Waana sababta keentay in ay Ciidamo-beeleed ay samaystaan dadkii iska lahaa Makiinadaha oo ku doodaya in ay dawladdu ay ka baxday heshiis la gaaray oo sheegayay in aan wax lacag ah lagu daabici-karin dalka gudihiisa islamarkaasna aan laga keeni karin dalka dibadiisa.

Puntlandpost.com


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>