Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

WAR DEG-DEG AH: Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku dhawaaqay Ra'iisul wasaare cusub
Posted to the Web Dec 16, 01:30

Baydhabo (PP) - Xaflad ka dhacday aqalka Madaxtooyada DFKMG ah ee Baydhabo ayaa lagu magacaabay ra'iisul wasaare cusub oo uu dalka yeesho, kadib markii Madaxweyne Yuusuf uu sheegay inuu shaqadii ka eryay Nuur Cadde.

Mas'uuliyadan ayaa waxaa loo magcaabay Xil. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere), kasoo la saadaalinayay in xilkaas loo magcaabay, waxaana Madaxweynuhu uu sheegay inuu maanta fuliyay hadalkiisii ahaa inuu dalka u magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub.

Madaxweynaha Somalia oo saxaafada la hadlay markii uu xilka ku dhawaaqay ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub uu ku kalsoon yahay kartidiisa iyo waxqabadkiisa, uuna filayo inuu dalka ka badalo sida uu hada yahay.

"Xukuumad cusub ayaa laga doonayaan Gacmodheere inuu soo magacaabo si horteyda loogu dhaarsho, looguna fasaxo inay dalka ka shaqeyso" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

MUdanayaal badan ayaa ka qaybgalay xafladii ku dhawaaqida ra'iisul wasaaraha cusub, waxayna tani sii fogeynaysaa khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaarihiisa.

Gacmodheere oo isaguna hadal siiyay saxaafadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo dhiibay uuna u gudan doono si sharci ah, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono sidii khilaafyada jira meesha looga saari lahaa.

Magacaabidaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xalay uu Ra'iisul waasare Nuur Cadde ku dhaariyay Hotelka Bakiin ee Baydhabo oo uu dagan yahay wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail:
Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>