Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

BAYDHABO: Golaha Malaaqyada Digil iyo Mirifle oo ka hadlay markii ugu horreysay khilaafka u dhexeeya Maamulka Gobolka Bay, kaasoo sababay...
Posted to the Web Nov 22, 01:29

Baydhabo (PP) – Golaha Malaaqyada Digil iyo Mirifle ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafkii soo kala dhexgalay maamulka Degmada Baydhabo iyo kan Gobolka Bay.

 

Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa waxay qoraal kasoo saareen khilaafkii dhaliyay in maamulka degmada Baydhabo xilka laga qaado iyagoo ku sheegay qoraalkooda in ay nasiibadarro tahay in maamul ay doorteen dadka Gobolka Bay ku dhaqan oo dhan uu dhexdiisa heshiin; iyago ugu baaqay inay si deg-deg ah khilaafkooda ku dhameeyaan.

 

“Shacabka Baydhabo waxay u baahan yihiin in wax loo qabto ee uma baahna in maamulkooda uu dagaal dhex-maro, taasna waa wax laga xishoodo oo aan damiirka wanaagsani aqbali karin” ayuu yiri Malaaq Malabood oo ka tirsan golahaan.

 

Waxa kale oo uu sheegay in maamulka ka jira Gobolka Bay looga baahan yahay inay si hoose u xalliyaan khilaafaadkooda, haddii kale ay dhacayso inay iyagu soo farageliyaan ayna dhici karto inay maamul cusub sameeyaan oo kii hore gabigiisa meesha laga saaro.

 

Khilaafkaan ay ka hadleen Golaha Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa yimid kaddib markii xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Gobolka Bay ay ku eedeeyeen guddoomiyihii degmdaas inuu howlihiisa kasoo bixi waayay ayna xilka ka qaadeen, taasoo u diiday Axmed Maadeey Isaaq.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa ku raacay isagu golaha xidlhibaannada Gobolka inay xilka ka qaadeen Axmed Maaddeey Isaaq, taasoo caro xooggan dhex dhigtay maamulka Degmada Baydhabo iyo kan Gobolka Bay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho

E-mail: Jantiile@gmail.com


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>