MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOMALIYA
SHIRWEYNAHA MADAX DHAQAMEEDKA PUNTLAND
BAAQ
Waxa kullan socdaymuddo 5 maalmood ahi ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe 130 xubnood oo ah hogaamiyaasha dhaqanka sida Isimada, Cuqaasha, Culimaa’udiinka, waxgaradka, xeeldheerayaasha dhaqanka oo ka kala yimi dhammaan 7da gobol ee Puntland,gudoomiyayasha gudiyada golaha wakiilada, masuuliyiinta Garsoorka, Bo1iska, Wasaaradaha Cadaalada & Arimaha Diinta, dhawrista deegaanka,Arimaha Gudaha , Amniga,Qorshaynta Haweenka & Qoyska, ee Puntland, shirweynahaas oo ay goob joog ka ahaayeen, qaybo ka kala socday ururada bulshada sida haweenka, dhalinyarada, hay’adaha wadaniga ah, xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah. Waxa shirka furay Gudoomiye xigeenka Golaha Wakiilada iyo Isimada Puntland.
Shirwaynahaas waxa lagaga hadlay:-
1. Fallanqaynta iyo dib u eegista qodobada ku jira xeer dhaqameedka ee gabbood falka ku ah xuquuqda insaanka kana soo horjeeda shareecada islaamka sida:-Aanada, Dilka, qaabka diyo kala qaadashada, meel ka dhacyada xuquuqda haweenka, caruurta, qaxootiyada,Barokaca, ajnabiga , Dhibaaada tahriibta iyo tahriibayayaasha, Burcad badeedka,Dhawrista Deegaanka iyo qodobo kale oo muhim ah.
2. Isku xidhka, iskaashiga iyo horumarinta wada shaqaynta madax dhaqameedka.
3. Qaabaynta wada shaqaynta madaxdhaqameedka iyo maamulka ay wada shaqayntu ka dhaxayso sida:- Golayaasha qaranka, Haya’daha amniga garsoorka iyo cadaalada, dhawrista deegaanka , horumarinta iyo guud ahaan adeega bulshada.
4. Xal u helida khilaafaadka beelaha iyo nabadaynta qabaa’ilka.
5. Kor u qaadista tayada hogaan dhaqameedka dalka iyo horumarintooda Si loo helo oday dhaqameedka si buuxda u guta xilkiisa xeer beegtinimo oo ku dhisan cadaalad iyo dhexdhexaadnimo.
6. Dhawrista anshaxa suuban, dabar goynta dhaqan xumada sida: - Mukhaadaraadka, Daawashada aflaamta xunxun, isticmaalka dawooyinka jidhka haweenka lagu dooriyo, dibad uwada baxa dhalinyarada lab iyo dhedig sifooyin aan sharciga waafaqsanayn.
Ka dib markii ay si qoto dheer u lafo gureen shirweynuhu qodobadan kor ku xusan iyaga oo talo bixin, talooyin iyo xogo dheeraad ah ka helay xeel dheerayaasha sharciga madaniga ah, dhaqanka, culimada diinta, Isimada, masuuliyiinta gudiyada golaha wakiilada, garsoorka iyo amniga , maxkamada sare,iyo Taliska guud ee ciidanka Boliska.
Waxay soo saareen go’aamadan hoos ku xusan oo u kala qaybsan sidan:
- Go’aamo loo baahan yahay in loo gudbiyo hay’adaha sharci dejinta qaranka si loo sharciyeeyo, .
- Go’aamo ay ku fillan yihiin fulintooda wada qaadashada iyo ku shaqaynta madax dhaqameedku.
- Baaqyo guud oo ku wajahan dadweynaha, xukuumada, hayadaha caalamiga ah, iyo kuwa wadaniga ah.
Qodobada ka soo baxay shirweynaha
- In la tirtiro dhammaan qodobada xeer dhaqameedka ee ka soo horjeeda shareecada Islaamka lidna ku ah xuquuqda aadamiga iyo nabad kuwada noolaanshaha Bulshada.
- Dilka iyo aanada: - Aanadu waa fal dambiyeed loo gaysto qof aan waxba galabsan iyada oo loo aanaynayo inay isku qabiil , jinsi,midab iyo diin ahaayeen qof horey oo dambi kale gaystay.
iyada oo laga xulanayo Nin doorka loo adeegsan lahaa nabadaynta iyo xal u helida
mushkiladaha, iyo birma geydada sida aqoonyahanka iyo culimada.
Maxaa keena Aanada:
· Cidii fal dambiyeedka geysatay oo aan gacanta lagu dhigin sharcigana la marin.
· Magtii waxyeeladii dhacday lagaga heshiiyay oo aan bixin ama jiitanta.
· Diyada ama Magta oo aan gaadhin cidii lahayd ee ay shareecadu usugtay.
· Dhaca iyo hantida la kala haysto oo aan la isku celin.
Go’aanka qodobkan
v Shirweynuhu wuxuu tirtiray dhaqanka aanada.
v Waa in laga fogaado meeshana laga saaro wax allaale waxii keenaya in aano timaado laguna shaqeeyaa waxii meesha ka saaaraya ficilka Aanada sida :-
v In la soo qabto gacan ku dhiiglaha iyo dambiilaha lana horgeeyo laguna fuliya shareecada islaamka
v in aan la qarin, la fakin ,la isku gudbin hiilna la isla garab taagin gacan ku dhiiglaha, lana mariyo tacsiir cida gaysata falalkaa sida ay dhigayso shareecada Islaamku.
v Magta oo sidii lagu heshiiyay u baxda oo aan jiitamin.
v Xalinta kiisaska qabyada ah oo la dhamaystiro.
v In loo hawlgalo sidii la isugu celin lahaa waxii ku kala maqan dadweynaha ama beelaha.
v Gacan ku dhiiglayaasha iyo dhammaan dambiilaha gacanta lagu hayo oo lagu fuliyo xukunka.
v In ummada laga wacyi geliyo iyada oo la adeegsanayo culimada iyo dhaqankaba.
3. Diyada ama Magta
v Bixinta iyo qaadashada Magta waxa lagu salaynayaa laguna maamulayaa sida ay dhigayso shareecada islaamku.
4. Waxyeelada ka dhalata shilalka gaadiidka badda iyo bariba.
a. Dhibaatada ka taagan
v Markii ay meesha ka baxday caymiskii qaranku,Ciidankii nabad gelyada wadooyinka & shuruucdii adkayd ee lagu maamuli jiray gaadiidka, waxa shilkii gaadiidka badda iyo Barigu ku soo dhex dhacay beelaha iyo xeer dhaqameedka arintaas oo ku keentay culays aan la qaadi karin.
v Waxa la isu haystaa oo diyo laga rabaa shilkii ku dhacay masuuliyad darrada, qadarka, ogaal la’aanta,kuwo xataa darewalkii waday ku dhintay iwm
v Waxa iyana dhibaato ka taagan tahay shilkii badda, doontii degtay tii qofka dhacay oo iyana hada la isu qabsaday.
b. Go’aanka madax dhaqameedka ee qodobkan.
v Waxa loo baahan yahay in la dhiso lana xoojiyo Ciidankii nabad gelyada wadooyinka,hay’adihii caymiska qaranka, lana dhiirigeliyo ururada gaadiidleyda oo ku bahooba inay samaystaan sanduuq caymis oo ay ku bixiyaan wixii waxyeelo kaga timaada shilalka gaadiidka
v Ka dib marka ay kala cadeeyaan ciidanka nabadgelyada waddooyinku qaabka uu shilku u dhacay malag iyo masuuliyad darro, waa in lagu kala baxaa oo kaliya shareecada islaamka.
5.Adkaynta Nabad galyada iyo xalinta khilaafaadka
Adkaynta nabad gelyadu waa himilada iyo masuuliyada qof kasta oo muwaadin ah , waana xilka koowaad ee laga rabo maamulka sidaas darteed waa in :-
v La dhiso Hay’adaha Amniga,ciidamada amniga iyo dhammaan agabka ay ubaahan yihiin iyada oo lala kaashanayo dhaqaalaha maamulka, hay’adaha, bulshada iyo beesha caalamka.
v Waa in aan lala dhex marin magaalooyinka hubka dadweynuhu haysto.
v Waa in sida ugu dhakhsaha badan xilliga ku haboon hubka uga dhigto bulshada, iyada oo la kaashanaysa madax dhaqameedka.
v Waa in la sameeyo nadaam dadka loogu diiwaan galiyo hubka ay haystaan.
v Waa in la ballaadhiyo barnaamijyada wada shaqaynta bulshada iyo Boliska oo midho dhal fiican ka keenay goobihii laga hirgelyay.
v Nabadoonadu iyaga oo la kaashanaya Isimada iyo Culimada diinta waxay go’aansadeen in si degdeg ah looga hawlgalo sidii nabad loogu dhamayn lahaa shaqaaqooyinka ka jira goobo ka mid ah Puntland.
v Xukuumada , ganacsatada , iyo hay’adaha nabadgelyada taageeraba waxa aanu ka codsanaynaa in gacan laga gaysto xalinta khilaafaadkaas.
6. Xuquuqda Haweenka.
Hogaan dhaqameedku waxay go’aamiyeen in la dhawro xuquuqda haweenka iyada oo lagu salaynayo shareecada islaamka, iyaga oo tirtiray dhammaan dhaqamadii xadgudka ku ahaa xuquuqda haweenka sida :-
a. Kufsiga iyo faro xumaynta haweenka.
b. Ceebaynta iyo meel kaga dhacyada.
c. Dhaxal duudsiga.
d. Dummaal ku xanibka.
e. Arimaha guurka, furiinka iyo meherka.
v Waxa loo baahan yahay in kor loo qaado Aqoonta Bulshada ee Barashada Diinta islaamka ee Arimaha Qoyska.
7. Xuquuqda Caruurta
v Waa in la ilaaliyo xaquuqda caruurta iyada oo lagu salaynayo shareecada.
v Waa in la gaadhsiiyo dhammaan Bulshada waxbarashada Caruur iyo Ciroole, lab iyo dhedig , miyi iyo magaaloba.
v Waa in kor loo qaado tirada iyo tayada waxbarashada Diini iyo maadi labadaba.
v Waa in la soo celiyo Dugsiyadii Boodhinka ahaa ee ay wax ku baran jireen caruurta aan waalidkood tahli karin dugsiyada maalin laha ah.
v Waa in loo sameeyo caruurta dib jirta ah iyo kuwa suuqyada ku daadsan xarumo lagu xanaaneeyo.
v Waa in loo sameeyo caruurta, haweenka iyo dadka jillicsan ee dambiyada gaysta xabsiyo ugaar ah.
8. Dadka dhimirka wax ka qaba & Naafada
v Waxa laga maarman ah , in la dayactiro dadka maskaxda wax ka qaba iyo dadka naafada ah , loona sameeyo daawayn , goobo lagu xannaaneeyo iyo in la taageero.
9. Xuquuqda dadka dalkeena Qaxootiga, martida, iyo Baro kaca ku ah
Madax dhaqameedku waxa uu isla qaatay:-
- Qaxootiyada :-In dadka dalkeena jooga ee aan muwaadiniinta ahayn ay magan inoo yihiin iyo marti sidaas darteed loola dhaqmo sidii dhaqankeenu ula dhaqmi jiray maganta iyo martida.
- Waxa reeban wax allaale iyo waxii xad gudub ku ah maalkooda, sharaftooda, iyo naftooda.
- Waxa ay kala mid yihiin dadka muwaadiniinta ah waxii aan ka ahayn jinsiyada wadanka ee Puntlandnimo, dhamaan xuquuqda kale way kalasiman yihiin sida: - Nolosha, shaqada, waxbarashada, caafimaadka, cadaalada iwm.
- Waxa u xilsaaran dhawristooda: — Dhamaan dadweynahaa, Hay’adaha dastuuriga ah ee dawladu magacawday, hogaanka dhaqanka ummada iyo hay’adaha xuquuqal insaanka iyo kuwa qaabilsan qaxootiyada.
- Si looga warhayo xaaladahooda oo ay ugu soo xidhmaan hogaan dhaqameedka, masuuliyiinta maamulka, nabad gelyada, cadaalada iyo horumarinta waxa looga baahan yahay in ay samaystaan odayaal iyo cid ka wakiil ah oo lagala xidhiidho, oo ay ku soo xidhmaan qaybahaas aynu kor ku soo sheegnay.
- Waa in lagu celiyo dalkoodii xilliga ay ku haboonaato si xoriyad iyo nabad gelyo ah.
- Hay’ada UNHCR iyo hay’adaha kale ee deeqda bixiya waxa looga baahan yahay in la daryeelo dadka qaxootiga ah loona sameyo xeryo lagu xannaaneeyo , lagana dul qaado culayska bulshada ay dul saaran yihiin ee iyaduba dan yarta ah.
- Dadka Barokaca ah :- Dadka gudaha ku baro kacay waa muwaadiniin waxay kala mid yihiin Qaxootiga dhamaan qodobada kale ee dhawristooda
- Waa in ummada lagu wacyigeliyaa arimahan.
- Waxa iyagana looga baahan yahay inay ilaaliyaan sharciga, dhaqanka, Anshaxa suuban iyo diinta Islaamka.
10. Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay
Madax dhaqameedyadu waxay isla qaateen in la tirtiro dhaqan iyo caado kasta oo lagu takoorayo dadka laga tiro badanyahay iyada oo la raacayo shareecada islaamka.
- Waa in xeerka ciqaabta la mariyaa cid kasta oo ku kacda falka takooridda iyo kala soocidda ummadda reer Puntland.
- Waa in loo hawlgalo gacana laga siiyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta ay kaga jiraan Bulshada , haday tahay waxbarashada, shaqaalaynta hay’adaha dawlada , kuwa gaarka ah & horumarinta deegaanada ay degan yihiin
- Waxa loo baahan yahay wacyigelin wax loogu sheego dadweynaha oo ku wajahan sinnaanta ummadnimo ee dhan walba siday shareecadu sugtay.
11. Dhawrista Degaanka:
Madax dhaqameedku waxay si wayn isugu raaceen aragtida ku wajahan xaalada baan ee uu hadda ku sugan yahay deegaanku bad iyo beriba taas oo ay isku raaceen inay meel xun marayso oo loo baahan yahay in loo guntado wax ka qabashadeeda sidaas darteed waxay ka soo saareen go’aamadan.
A- Shidista iyo goynta dhirta qoyan hooggaan dhaqameedku waxay ka gaadheen sidan soo socola:
a. Dhaqan ahaan waxaanu mamnuucnay goynta iyo shidista dhirta qoyan. xukuumadana waxaanu u gudbinaynaa inay dhineecada sharci adag ka soo saarto iyo ciqaab.
b. Madax dhaqameedku deegaan walba waxa ay ka hirgelin doonaan muddo dhow gudiyo ka hawl gala dhawrista deegaanka, ganaax la mariyo cidii ku xadgudubta, iyo wacyi gelin.
c. In la joojiyo dhuxusha loo dhoofinayo dalka debediisa iyo ta soo gelaysaba.
d. Waa in la sameeyaa sharci xakamaynaya oo lagu maamulo gaadiidka dhuxusha qaada iyo ganacsatada iyo shaqaalaha ka shaqaysta.
e. Waa in xukuumadda, ganacsatada iyo cidii kale ee danaynaysaa iska kaashato sidii loo heli lahaa tamar kale oo qiimo jaban oo lagu bedelo isticmaalka dhuxusha sida gaasta iyo shooladaha oo cashuur dhaaf lagu sameeyo, dhuxul dhagaxda, tamarta dabaysha iyo cadceeda.
f. Waa in dadka danyarta ah ee nolol maalmeedkooda ka soo saara shidida dhuxusha loo doonaa fursado kale oo shaqo oo ay kaga maarmaan xaalufinta degaanka.
g. Waa in la joojiyaa soo dejinta, soo saaristeeda iyo iibinta kiishashka bacda oo dhaawac wayn u gaysatay degaanka iyo xoolahaba.
h. Waa in biyaha qulqulaaya laga leexiyaa wadooyinka oo isu bedela boholo aanay biyuhu ku joogsan oo qaada siidhkii soo bixilahaa xilliga roobka.
B- Dhul daaqsimeedka sida sharci darrada ah loo ootay, Deegaamada cusub & Dhulka:-
v Ummada waxa uga masuul ah dhulka iyo dhul daqsimeedka xukuumada miyo iyo magaalaba.
v Golayaasha sharcidejintu waa in ay ka soo saaraan sharci lagu dhowrayo degaanka ciqaabna ay ku mutaysato ciddii waxyeelaysaa.
v Waa in dib loo soo celiyaa oo la sameeyaa ciidankii ilaalinta degaanka ee (Forestry Guards).
v Waa in dib loo soo celiyaa samaynta seera xilliyeedkii mar dhul daaqsimeedka la xidhi jiray muddo ama xilli cayiman.
v Waa in Madax dhaqameedku ku wacyigeliyaan dadwaynaha dhawristaa iyo ilaalinta deegaanka.
v Waa in la baabiyaa seera beenaadka xoolaha laga ootay ee ku baahay dhul daaqsimeedkii.
v Waxa reeban abuurida deegaano cusub oo laga dhigayo tuulooyin.
v Waxa reebban in la dhoofiyo gedaha xijiga iyada oo loo qaadayo dalal dibada ah si loogu beero.
v Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha samofalka caalamiga iyo ururada wadaniga ahi inay taageero maaliyadeed ka gaystaan mashaariicda dhawrista iyo ilaalinta degaanka.
C. Dabargo’a ugaadha iyo ka ganacsiga xoolaha dheddig:
v Waa in la dhawaraa Lana ilaaliyaa ugaadha iyo duurjoogta kale.
v Waxa reeban waxyeelaynta , dhoofinta ugaadha iyo ka ganacsiga xoolaha dhedig.
D. Jariifka Baddaha:
Waa in golayaasha sharci dejintu soo saaraan sharci cad oo dhawraya ilaalinayana khayraadka baddeena.
i.
| Live TV |