Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

baaq1
Posted to the Web Feb 11, 08:19

Waa in golayaasha sharci dejintu soo saaraan sharci cad oo dhawraya ilaalinayana khayraadka baddeena.

a.      Waa in kormeer joogto ah lagu sameeyaa xeebaha si looga ilaaliyo kallumaysiga sharci darrada ah.

b.      Waa in la xoojiyaa ciidanka ilaalada xeebaha iyo qalabkooda.

c.       Waa in kormeerjoogto ah lagu sameeyaa maraakiibta sharciga u haysata in ay ka kallumaysato baddeena lana hubiyaa in ay isticmaalayaan shabaagtii lagula heshiiyay kana kalluumaysanayaan meelihii loo cayimay oo keliya.

d.      Waxa hay’adaha ku shaqada lihi ka taxadiraan inay bixiyaan ogolaansho kalluumaysi dad ajnabi ah oo aanay inoogu jirin wax faa’iido ahi, laguna dhiiri geliyaa ummadeenan shaqada loo baahan in la baro ku tiirsanaanta kheyraadka badda.

e.      Waa in baddeena iyo xeebteena laga ilaaliyaa in lagu soo qubo qashinka, sunta ah iyo gaar ahaan ka ah hadhaaga nukliyeerka.

 

12. Tahriibta,Burcada  badda iyo Barriga

Toban sanno iyo dheeraad waxa xeebaha maamul goboleedka Puntland ka dhoofayay dad Somaaliyeed iyo dad ka imanayay wadamada deriska ah,kuwaas oo naftooda inta badan kuwaaya biyaha udhexeeya Somaliya iyo Yeman,sidoo kale waxa burcad badeedu biyaha ka gaystaan  qafaalasho ay ugeystaan maraakiibta ukala gooshta qaaradaha aduunka si ay uga qaataan madax furasho sharci darro ah sidaas darteed waxa aanu soo jeedinaynaa:-

v      Waa in dadka ka shaqeeya Tahriibta, Burcadbadeeda iyo kooxaha afduubta dadka ajnabiga ah ee Samofalka iyo shaqooyinka uyimid puntland, in loo aqoonsado dambiilayaal ku xadgudbay islaamnimada,Somaalinimada iyo Banii’aadamnimada,lana horgeeyo maxkamad sharci ah.

v      Waa in maamulka iyo shacabka Puntland ay qaadaan tilaabooyin looga cirib tirayo deegaanada Puntland dambiilayaashaas.

v      Cid kasta oo waxyeelo ka soo gaadho naftooda iyo qalabka ay u adeegsanayaan hawslahaas foosha iyaga oo iska hor yimi hawlgalada ay xukuumadu ku cidhib tirayso , haba yaraatee ma jiraan wax loo raacayo ciidamada iyo maamulka.

v      Waa in deegaamada ay ka imanayaan dadkaas tahriibayaasha ah iyo kuwa ay soo marayaanba looga hawl galo sidii loo joojin lahaa.

v      Waa in ay wax ka qabtaan waxgaradka iyo dadweynaha degan deegaanada laga rarayo dadkaas dhibaatooyinka ka dhacaya agtooda.

v      Waa in ay xukuumadu ku dhawaaqdo xilli kooban oo degdeg ah oo ay ku joojiso tahriibta.

v      Waa in xukuumadu si degdeg ah  udhisto ciidanka ilaalinta xeebaha Puntland .

v      Dhammaan hawlahaas aynu soo sheegnay waxa loo baahan yahay inay gacan ka gaystaan hay’adaha kaalmada bixiya, Xukuumada fadaraalka somaliada TFG dalalaka gobolka iyo beesha caalamku.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13.Dhawirsta anshaxa iyo dhaqanka suuban

 

A)Madaxdhaqameedku waxay shirkooda ku Lafo gureen heerka xun ee bulshadu ku sii jeedo dhinaca anshaxa iyo dhaqanka suban, waxaanay ka soo saareen qodobadan:-

 

f.       Waalidka: - in hoos loo eego tarbiyada barbaarinta caruurta iyo la socodka xaaladaha qoyska.

g.      Dadweynaha: - In Ummadu xiil iska saarto wanaajinta dhaqanka iyo ka fogaanshaha wixii anshax xummo keenaya isuna kaashato.

h.      In la sameeyo xarumo dhaqan celinta iyo barbaarinta ah

i.        Xukuumada:- In golayaasha sharci dejintu soo saaraan shuruuc lagu dhawrayo anshaxa iyo dhaqanka suuban.

j.        In la mamnuuco ka ganacsiga gudo iyo debad mukhaadaraadka, Daawashada filimada xun xun, isticmaalka dawooyinka lagu dooriyo jidhka haweenka lana mariyo xeer ciqaabeed adag ka dibna laga qaado liisanka ogolaansha.

k.      In shuruuc adag laga soo saaro meel ka dhacyada diinta sida diin cayga, dibad uwada baxa labka iyo dhediga ee foosha xun.

l.        Waa in la dhiso ciidanka dhawrista anshaxa ( Booliska edaabta).

B) Jaadka :- Jaadku waxa uu bulshada ku hayaawaxyeelo aad ubalaaran , dhaqan ahaan , dhaqaale ahaan iyo horuamar ahaanba ,sidaas darteed waxa loo baahan yahay in la sameyo qorshayaal dhalinta iyo bulshadaba lagaga wacyi galinayo dhibaatadiisa.

 

14.Wada shaqaynta Madaxdhaqameedka ee maamulka,Golayaasha qaranka hay’adaha iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Waxa shirwaynuhu ku heshiiyay:

a.      In Madax dhaqameedku sii laban laabaan wada shaqayntooda, adkaynta nabad gelyada, xal uhelida shaqaaqooyinka iyaga oo ku salaynaya cadaalad iyo dhexdhexaadnimo.

b.      In ay sii xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa cuqaasha, Isimada,salaadiinta, garaadada, boqorada, xukuumada iyo golayaasha qaranka.

c.       In ay sii kordhiyaan wada shaqayn iyo istaageeris dhex marta iyaga iyo cidii ay gacan uga helayaan hawlahan ay ku jiraan sida hayádaha, iyo dadweynaha.

d.      Waxa loo baahan yahay in la abuuro barnaamijyo wada shaqayneed oo dhinaca nabadgelyada ah oo laysku xidhayo odaydhaqameedka, boliska maxkamada iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka .

e.      Waxa aanu ka codsanaynaa xukuumada, dadwenaha iyo hay’idahaha gacan ka gaystaan sidii loo uruurin lahaa dhaqanka, xeerarka, murtida si aanay ulumin ummadan dhaqankeedu.

f.       Waxa loo baahan yahay in laga taageero cuqaasha dhinaca dhaqaalaha, nabadaynta, xalinta khilaafadka,horumarinta bulshada.

g.      Cuqaashu waxa ay isla qaateen in ay yeeshaan dallad guud oo kulmisa, kuna dhisaan kullan ay isugu imaan doonaan bisha April 10 keeda , dhammaan nabadoonada gobolada puntland magaalada Garoowe.

h.      Waxa ayku  yeelan doonaan cuqaashu kullamo gobolada ay ugu diyaar garoobayaan shirkaas ay ku dhisayaan dallada cuqaasha puntlan.

i.        Xukuumada , Hay’adaha iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta hawshan .

 

 

 

 

15.Hirgelinta qodobadan ka soo baxay shirweynaha madax dhaqameedka

 

1.      Xukuumada waxa looga baahan yahay siiba wasaaradaha arimaha gudaha,Amniga, cadaalada iyo dhawrista deegaanka inay la socodsiiyaan masuuliyiinta u joogta gobolada tallaabadan waxtaraysa horumarka ee ay qaadeen madaxdhaqameedku, si ay si buuxda ugu wada shaqeeyaan madaxdhaqameedka iyo maamulada, ciidamada amniga iyo wasaaradaha gobolada.

2.      Xukuumada ,Hay’adaha iyo dadweynahaba waxa looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan joogtaynta, hirgelaynta iyo daba socodka hawshan arin iyo aduunba.

3.      Beesha caalamka, hay’adaha caalamiga iyo deeqbixiyayaashaba waxaa looga baahanyahay lagana codsanayaa inay garab istaagan horumarinta dalka, arimaha bini’aadanimada, xuquuqul insaanka iyo amniga iyo cadaalada.

4.      Waxa loo baahan yahay in dadweyanaha lagu gaadhsiiyo qodobadan ololayaal wacyigalineed oo madax dhaqameedku ugu baxaan dhamaan deegaamada Puntland.

16. Baaq Nabadeed :- Waxa aanu halkan ugu soo jeedinaynaa dhammaan ummada soomaaliyeed:

v    inay ku dhamaystaan khilaafaadkooda si nabad gelyo ah meel kasta oo ay joogaan.

v    Inay uhawlgalaan sidii ay dib ugu dhisan lahaayeen qarankii soomaaliyeed ee ka burburay si ay usoo ceshadaan sharaftoodii , karaamadoodii , iyo dawladnimadoodii,islamarkaana ay hoos u fiiriyaan dhibaatada haysata dadkooda jillicsan , kuwa qaxootiyada iyo Barakaca ku jira iyo kuwa guud ahaan ku daac daraysan dacalada dunida.

v    Dhammaan masuuliyiinta xilka u qabanaysa ummada soomaaliyeed waxa looga baahan yahay inay ku dhaqaan shareecada islaamka , iyada oo la wadaagayao nadaamka fadaraalka ah.

v    Dhammaan madaxa dhaqameedka Soomaaliyeed waxaanu ugu baaqaynaa inay dhistaan dallado ay isugu yimaadaan , isla markaana ay qabsadaan kullan guud iyaga oo la kaashanaya culimada diinta iyo waxgaradka.

v    Ummada reer puntland waxay diyaar utahay inay ka gaysato wax allaale iyo waxii karaankeeda ah sidii looga midho dhalin lahaa himilooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay.

 

Mahadnaq :

v Waxaanu  marka hore umahdnaqaynaa eebbe waxaanu mar labaad mahad naqan balaadhan usoo jeedinaynaa haddaanu nahay madaxdhaanedka  dhamaan dadkii nagala soo qayb galay,kuwii gacanta nagu siiyay helista fursadan qaaliga ah,kaalintii ay ka qaadatay xukuumadu, Hay’ada Hornpeace oo fulisay iyo hayáda UNDP oo maalgalisay

 

 

 

 


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>