Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

GAROOWE : Shirwaynaha madaxdhaqameedka PL oo laga soo saray baaq ka kooban 16 qodob (SAWIRO)
Posted to the Web Feb 11, 11:04

Garoowe:-Shirwayne ballaaran oo muddo 5 maalmood ah uga socday magaalada Garoowe odayaal dhaqameedka Puntland oo loogu looga hadlay qodobo ay ka midyihiin  ammaanka, Garsoorka, Xuquuqul insaanka iyo dhawrista deegaanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda HORNPEACE ayna maalgalisay UNDP ayaa gabagabadii maanta waxaa laga soo saaray baaq ka kooban 16 qodob oo ka hadlaya dhammaan qodobada kor ku xusan.

 dhaq9____421110588.jpg

Ka hor intaan baaqa la akhrin ayaa halkaasi waxaa ka hadlay Issimo, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiiin katirsan Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Puntland Cali Maxamed Cabdirixmaan (Cali hayaan) ayaa wuxuu sheegay isaga oo ku hadlaya afka dawlada in uu aad ugu faraxsan yahay baaqa laga soo saaray kulankan, wuxuuna sheegay in uu quudaraynayo in maamulka Puntland uu kaalin mug wayn leh ka qaadan doono la shaqaynta iyo ka warqabka odayaal dhaqameedka oo uu sheegay in aysan helin xaquuqihii ay lahaayeen.

dhaq7____966396100.jpg
Nabadoon Khaliif Aw-cali ayaa isagoo ku hadlaya magaca ka qaybgalayaasha shirka ayaa wuxuu mahadnaq ballaaran u jeediyay hay'adihii soo qabanqaabiyay kulankan wuxuuna ka warbixiyay kulamo hore oo uu ku sheegay in ay ahayeen kulamo gogol xaar ah oo ay soo qabteen ku waa soo ka horeeyay ka hor isbadalka ka dhacay Puntland ee lagu doortay madaxda cusub ee Puntland.
dhaq10____759622666.jpg

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa  mahadnaq ballaaran u jeediyay hay’adda HORNPEACE wuxuuna sheegay in siminaarkan uu yahay mid ay gaar u leeyihiin dadka dhaqanka uuna filayo in ay hay’adu ay waxbadan ka qaban doonto Puntland oo ku aadan dhammaan baaqa la soo saaray, wuxuuna codsaday in la hirgaliyo baaqa la soo saaray ee aan meesha looga tagin.

 

Suldaanku guulaha shirka lga gaaray ayuu mid ka mid ah  ku tilmaamay in ay ka mid tahay odayaal dhaqameedka Puntland oo isbartay oo kawada hadlay arimaha muhiimka ah ee dalka, wuxuuna odayaal dhaqameedka ka codsaday in ay kala qortaan teleefoonada si ay u wada xiriiraan haddii ay meel dhibaato ka dhacdo.

 
Suldaanku ugu dambayntii wuxuu Alle ka baryay in uu sharaftii iyo qarankii Soomaaliyeed uu soo cesho dhibaatada dhacdayna wuxuu sheegay in ay tahay mid ay Ummadda Soomaaliyeed ay galeen.
dhaq14____572920310.jpg
Maxamed Ismaaciil oo ka socday hay’adda HORNPEACE ayaa aad ugu mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha wuxuuna sheegay in si diiran oo niyad sami ah ay uga qaybqaateen mudadii uu socday shirku ayna wakhtigooda qaaliga ah u hureen hirgalinta shirka.
 

 

C/rashiid Maxamed Xirsi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland oo kulankan xiray ayaa mahadnaq u jeediyay hay’adihii soo qabanqaabshay wuxuuna odayaasha ka codsaday in markasta la yeesho wadatashi ka dhaxeeya odayaasha dhaqanka.
 
Sawiro-badan
dhaq1____681795267.jpgdhaq2____185133684.jpgdhaq3____815873992.jpgdhaq4____589999540.jpgdhaq6____592553593.jpgdhaq8____595072561.jpgdhaq11____818650074.jpg
Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee odayaal dhaqameedka Puntland ay iskugu yimaadaan oo ay ka soo saaraan baaq noocaan oo kale ah oo ay u wada dhan yihiin iyadoo dhowr jeer oo hore odayaal dhaqameedku ay iskugu yimaadeen kulamo ay ku tilmaameen gogol xaar.

 

Axmed C/salaam (PP)

Puntlandpost,Garoowe

Loole25@hotmail.com


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>