Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

JABUUTI: Madaxweynaha Jabuuti oo dardaaran u jeediyay qaybaha dowladda Somalia, kaddib casho-sharaf...
Posted to the Web Feb 16, 01:16

Muqdisho (PP) - Madaxweyaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talooyin iyo dardaaran isla socda u jeediyay Madaxda Somalida iyo mudanayaasha baalamaanka, kaddib qadosharaf uu ugu sameeyay Hotelka Kampisky ee Magaalada Jabuuti.

Geelle wuxuu si weyn uga hadlay khilaafyada maamulada Somalia hareeray ee sababay inaysan Somalia ka bixin dagaalada sokeeye iyo rabshadaha aan dhamaadka lahayn.

"Madaxweyne hortaa waa la soo shaqeeyay, waxaana jiray madaxweynayaal badan, balse adiga waad ka duwan tahay kuwaas, waayo waxaa tahay nin dhallinyaro ah oo lagu yaqaano Diin, laguna yaqaan waxqabad wanaagsan, waxaana lagaa doonayaa inaad dalka Somalia ka samatabixiso dhibaatada" ayuu Geelle kula dardaarmay Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu dardaaran kaas la mid ah u jeediyay ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, isagoo sheegay inuu yahay mas'uul uu dhalay madaxweyne xilkas ahaa, lagana doonayo inuu ka fogaado khilaafaadyadii ragaadiyay xukuumadihii hore, uuna si toos ah ula shaqeeyo Madaxweynaha iyo qaybaha kale ee Dowlada.

"Guddoomiyaha baarlamaanka waxaan kula dardaarmayaa inuu ka fogaado eex, qabiil iyo nin jeclaysi, uuna ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa si waafaqsan sharciga, isla markaana golaha baarlamaanka uu ku boorriyo inay noqdaan kuwo u shaqeynaya dalkooda" ayuu isagana kula dardaarmay guddoomiyaha baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe.

Madaxweyne Geelle wuxuu xildhibaanada baarlamaanka ka codsaday inay dalkooda u shaqeeyaan ayna khilaafaadyada joojiyaan, isagoo ku yiri: "Ha u arkina inaad dhexfadhidaan baarlamaanka Ingiriiska, marka aad doodaha leedihiin ee ogaada inay idin sugayaan dad dhibaatooyin ay soo daashadeen".

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu si aad ah u amaanay Haweenka Soomaaliyeed isagoo ku sheegay inay yihiin kuwa ugu badan ee ay dhibaatadu ku dhacday, ayna yihiin kuwa keliya ee dalkooda samatabixin kara, isagoo kula dardaarmay inay ragooda u sheegaan inay dhibta joojiyaan.

Dardaarankaan ayaa noqonaya mid ka mid ah dardaarano kala duwan oo uu Madaxweynaha Jabuuti u jeediyay Madaxweynayaashii hore ee Somalia sida C/qaasim Salaad Xasan oo xukuumadii uu hoggaaminayay lagu dhisay Jabuuti.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail:
Jantiile@gmail.com

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>