Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

BAYDHABO: Maxamed Dheere oo kulan la qatay 5-guddoomiye gobol, kalana hadlay la shaqeynta R.wasaaraha Cusub
Posted to the Web Nov 24, 07:54

Baydhabo (PP) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyeyaasha 5-gobol oo ka mid ah kuwa koofureed ee dalka.

Maxamed Dheere oo ahaa shaqsigii sida weyn ugu ololeeyay inuu xilka Ra'iisul wasaaernimo qabto Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo gabgabadii loo magacaabay xilkaas ayaa ka codsaday guddoomiyeyaasha uu la kulmay inay la shaqeeyaan Ra'iisul wasaaraha cusub iyo dowladda uu soo dhisi doono.

Guddoomiyeyaasha uu la kulmay Maxamed Dheere oo kala ahaa Guddoomiyeyaasha Gobollada Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ayaa waxaa la soo warinayaa inay isku afgarteen taageeridda xukuumadda lagu wado inuu dhawaan soo dhiso Ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Sidoo kale wararka ayaa waxay sheegayaan in Maxamed Dheere uu ka codsaday gudodomiyeyaashaan uu kulanka gaarka ah kula qaatay maanta Hotelka Bakiin ee Degmada Baydhabo inay wada shaqeyn dhexmarto isaga iyo guddoomiyeyaashaas, isagoo sheegay inay ka go'an tahay inuu siiyo Maxamed Dheere ahaa gacanta ay uga baahdaan gobolka uu madaxda ka yahay ee Banaadir.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu ku boorriyay guddoomiyeyaasha uu la kulmay inay ka shaqeeyaan horumarka dalka isla markaana gobollada ay madaxda ka yihiin ay ka ilaaliyaan burburka maamul inuu ku yimaado.

Dheere, ayaa la sheegay inuu weli wado dadaallo uu ku doonayo inuu taageero dheeraad ah ugu soo jiido Ra'iisul wasaaraha cusub ee Somaila Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Feb 09 MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Feb 09 MUQDISHO: Culummaa'uddiinka Ahlusunna oo daboolka ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay ku jiraan
Feb 09 MUQDISHO: Shabakadda Al-Qaacida oo sheegtay inay qabsanayso marin-biyoodka Baabul-mandab ee badda cas
Feb 09 AFGOOYE: Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu weeraray deg. Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
Feb 09 MUQDISHO: Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo baxay Mareykanka

 

 
INDONESIA IS GOING GLOBAL (Feb 01, 05:00)

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>