Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Qaraxyo is xigay oo maanta hareerayay Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo lala eegtay ciidanka Booliiska Somalia
Posted to the Web Nov 25, 06:43

Muqdisho (PP) - Qaraxyo aan la sheegin khasaare ay geysteen ayaa maanta ka dhacay hareeraha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo u muuqday mid ka baxaya xirnaan uu toddobaadyadii ugu dambeeyay xirnaa, waxaaan qaraxyadaan oo gaaraya shan qarax ay ka dhaceen Isgoysyada H/wadaag iyo Bakaaraha.

 

Kooxo aan la garanayn ayaa qaraxyadaan la eeganayay ciidammada booliis DFS oo ku sugan waddooyinkaas ilaalana ka haya, iyadoo kooxaha tuuray qaraxyadaas ay baxsadeen markii ay fuliyeen qaraxyadaas.

 

Ciidanka ayaa waxay ku jawaabeen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, taasoo keentay inay dadkii ku sugnaa goobaha ku dhow halka ay qaraxyadu ka dhacee ay kala firxadaan, waxaana xirmay ganacsigii goobahaas oo ganacsatadu ay dhexda uga jiraan.

 

Waddooyinka laga galo iyo kuwa laga baxo ee bakaaraha oo ahaa kuwo kooban ayay  billaabeen booliisku qaraxyadaas kaddib inay xiraan ayna dadka iyo gaadiidkaba u diidaan inay maraan halkaas, taasoo keentay in dadkii bakaaraha u soo shaqo tagay ay ku xaryinaadaan muddo dheer gudaha Bakaaraha.

 

Xilli dambe kaddib ayaa waxay billaabeen booliisku inay furaan waddooyin kooban si ay dadku uga baxaan, iyagoo feejignaan dheeraad ah muujinayay, dadkuna waxay ahaayeen kuwo cabsi ka qabay inay qaraxyo kale dhacaan.

 

Bakaaraha ayaa dhawaan ka baxay xayirnaan muddo toddobaadyo ah, taasoo ay sababeen dagaallo ka dhacay daafaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana uu u muuqdaan bakaaraha mid dib ugu laabanaya rabashado iyo fowdo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho

E-mail: Jantiile@gmail.com


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Feb 09 MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Feb 09 MUQDISHO: Culummaa'uddiinka Ahlusunna oo daboolka ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay ku jiraan
Feb 09 MUQDISHO: Shabakadda Al-Qaacida oo sheegtay inay qabsanayso marin-biyoodka Baabul-mandab ee badda cas
Feb 09 AFGOOYE: Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu weeraray deg. Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
Feb 09 MUQDISHO: Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo baxay Mareykanka

 

 
INDONESIA IS GOING GLOBAL (Feb 01, 05:00)

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>