Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Dagaallo socday muddo ku dhow hal saac oo xalay lagu qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidammo Ethiopian ah
Posted to the Web Nov 28, 04:12

Muqdisho (PP) – Dagaal socday muddo ku dhow 1-saac sababayn inta la hubo dhimashada askari ka tirasn Dowladda iyo dhaawaca hal qof oo rayid ah ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Iska-horimaadyada oo xilliyo kala duwan dhacay ayaa kii ugu horreeyay wuxuu ahaa mid ka dhacay Xerada Maslax ee duleedka Deegaanka Suuqa Xoolaha, Warshaddii hore ee Baastada iyo dhismaha Xayle Bariiise oo dhammaantood saldhigyo u ah ciidammada
Ethiopia ee taageera Dowladda Somalia.

Dagaalka oo ahaa mid ku billowday hoobiyeyaal lagu duqeeyay saldhigyadaas ayaa isku badalay in fool ka fool ah oo la is weydaarsaday rasaas aad u fara badan, iyadoo labada dhinac aan la garan karin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray.


Iska-horimaadkii xigay oo ahaa mid isagana dhinacyada badan saameeyay ayaa ka dhacay waddada soddonka iyo waddada warshadaha, waxaana la isku adeegsaday baasuulayaal, bambooyin iyo rasaasta ka dhacda qoryaha fudud iyo kuwa culus, waxaana la xaqiijiyay in askari ka tirsan ciidanka Dowladda uu ku dhintay halka uu ruux kale oo shibil ah uu ku dhaawacmay.

Shacabka Muqdisho ayaa waxay cabsi weyn ka muujiyeen iska horimaadyadii xalay dhacay; waxaan dadkii ku haray goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ay saakay billaabeen inay isaga baxaan halkaas, iyagoo ka baqo qaba in dagaallo kale oo kuwii xalay la mid ay dhacaan.

Ma jiraan wax baaritaan ah oo ay saakay billaabeen ciidammada Dowladda iyo kuwa gacanta ay ka helaan ee Ethiopia, waxaana weerarka lagu qaaday warshadda Baastada uu noqonayaa kii labaad muddo toddobaad ku dhow.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail:
Jantiile@gmail.com


Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Feb 09 MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Feb 09 MUQDISHO: Culummaa'uddiinka Ahlusunna oo daboolka ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay ku jiraan
Feb 09 MUQDISHO: Shabakadda Al-Qaacida oo sheegtay inay qabsanayso marin-biyoodka Baabul-mandab ee badda cas
Feb 09 AFGOOYE: Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu weeraray deg. Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
Feb 09 MUQDISHO: Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo baxay Mareykanka

 

 
INDONESIA IS GOING GLOBAL (Feb 01, 05:00)

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>