Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa kuma General Maxamad Nuur Galaal? Qaybtii 1aad
Posted to the Web Sep 24, 15:20

Maxamed Cabdullahi cali
Dhoobley, Jubbaland
Ugudbi Aragtidaada Qoraaga ku saxiixan

Dhoobley: (pp)- Waxaa aad iisoo jiitay maqaal dhowaantaan uu daabacay wiilka aan adeerka u ahay Yuusuf Cali Qammaan  kasoo  Cinwaankiisu uu ahaa muxuu ka biyo diidsananyahay General Galaal? 

Yuusuf Wuxuu kasoo sheekeeyey cududdii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, dagaalkii 1977, Guuldarradii cadowga la baday, iyo ugu dambeyn Sidii uu Cumar Carte Qaalib dharaar cad uu u kala diray ciidamadii qalabka sidey.

 Su´aalaha uu Yuusuf is weydiiyey ayaa kala ahaa:

  •           ujeedada ka dambeysa kala diristii ciidamada qalabka sida ee Cumar Carte Qaalib.  Wey caddahay oo wuxuu ka sheegay shir beeleedkii Boorame 1993, wuxuuna yiri ” waxaan u kala eryey Ciidamadii qalabka sidey ee Soomaaliya,sidey  Soomaaliland uga xorroobi laheyd Soomaaliya inteeda kale!”.

  •          Qodobka xigey oo ahaa yaa kula taliyey wey caddahay, waxaana hormuud ka ahaa General Galaal, si uu fursad ugu helo xasuuq iyo barakicin.

Markaan usoo noqdo maqaalka Yuusuf wuxuu ka warbixiyey oo keliya General Galaal dhagartii uu galay 1991, dhagartiisa markaa wey ka horreeysey oo inta aan ogahay waxey soo bilaabatay 1963 shirqoolkii uu u maleegay Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim.

1963- dii waxaa inoogu yimid qorraxeey Gobolka Ogaden, nin xilligaa naloogu sheegay sarkaal Soomaliyeed kaasoo markaanu eegnay aragiisa aan u qaadan weyney derejeda lagu sheegay,wax heybad ahna aaney  ka muuqan, kana yimid qeybta 26aad ee Hargeysa kaasoo lagu sheegay madaxa sahanka.

Goor Casar gaabad ah ayuu noogu yimid meesha la yiraahdo Maraa-caato oo aan ka fogeyn magaalada Qabridaharre wuxuuna la socday safarro ka yimid xaggaa iyo waqooyi galbeed.
Xilliggaa isaga ah waxaa gobolka ka hanaqaaday halgan hubeysan oo soo bilowday 1959 kaasoo bilowgiisa uu lahaa Naftii hure Cabdi Ugaas Axmed Xaashi, waxaa kaa ka farcmay Ururkii Nasru-Laahi kaasoo ahaa urur qarsoodi ahaa waxaana ummadda markaa Hoggaamiye u doorteen Suldaan Duulane Rafle Guuleed oo markaas ahaa guddoomiyaha gobolka qorraxeey, waxaana xoghaye guud ka noqday Xaaji Cabdiraxmaan Sh. Qaasim oo isna xilliggaa ahaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka qorraxeey.

Suldaan Duulane ayaa ka aasaasay tuulada Maraa-caato Iskaashato beeraley ah, taasoo aheyd ujeeddo badan, ujeeddada dhabta ahna waxay aheyd in la helo meel xarun u noqota halganka kana baxsan magaalooyinka waaweyn, lagu kala warqaato halgankana laga wado.
 
Waxaa xilligaas namadax maray fikirka Soomaaliweyn, ninkii annagga ah ee safar ku gaara Soomaaliya ee soo noqda waxaa la soo dhoweyn jirey sida nin xaramka ka yimid, waxeyna dadka oran jireen hebel nasiib badanaa wuxuu cagta soo mariyey ciiddii xorta aheyd ee Soomaaliya. Ninkasta oo xagga jamhuuriyadda Soomaaliya ka yimaada wuxuu ahaa walaalkeen ama ganacsi ha u yimaado ama daaqsin, waxaanu ilooweyney wixii Dakana ahaa ee guud ahaan qabaa´ilada Soomaaliyeed aanu ka tirsaneyney.

Habeenku nagu soo hoyday Galaal waxaanu ku dhaanteyney  halheeskii Nasrullaahi ee ahaa :
Ninkii Nabi raaca Naar ma mutee----------Allow Nasrullaahi noolee
Waxaa kale oo uu Abwaanku lahaa:
Ninkii Bulugley basaasahayow--------- waa taa banaanada biligleyn

Waxaa maalinkii xiggey soo gaaray xarunta Maraa-Caato Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cadiraxmaan Sheekh Qaasim, waxey shir gaar ah la galeen Galaal maalinkaas oo dhan shir bey lahaayeen illaa habeenkii xilli dambe, subaxii xigey shirka meeshii ayuu ka sii socday ugu dambeyn wuxuu ku qanciyey  Galaal Suldaanka  inuu warqad warbixin Guud ah raaciyo si uu u gaarsiiyo General Daa’uud iyo wasiirka Gaashaandhigga Xaaji Hilowle Macallin, shakiba ma´aysan gelin waxaa qalinka ku boobay Xaaji Cabdiraxmaan wuxuuna qoray shan bog oo carabi ah oo isugu jirtey warbixin guud halganka meesha uu marayo iyo baahiyaha jira, Waxaana Waraaqahaas Saxiix ku duugay Suldaan Duulane Rafle , waxaana gacantaana laga saaray Gen. Galaal.

Suldaan Duulane iyo Xaaji Cabdiraxmaan Qabridaharre ayey dib ugu laabteen, Galaal  habeenkii xigey ayuu guureeyey, wuxuuna diiday in loo wehel yeelo wuxuuna yiri waddadii aan soo maray waan aqaan cidna uma baahni nabadeey, wuxuuna qoraalkii farta ka saaray sahanka Ethiopia oo la socday safarkiisa tan iyo Hargeysa, kuna sugayey duleedka Maraa-Caato sida ay ballantu aheyd.

Saddex maalmood kaddib, waxaa Qabridaharre xilli barqa ah soo Caga dhigatey dayaarad milateri oo ka soo duushay saldhigga Ciidanka Cirka Ethiopia ee Diri-dhabe, waxaana watay ciidamo gaar ah waxayna toos u abaareen xafiiska Guddoomiyaha gobolka iyo kan Maxkamadda gobolka waxeyna ku katiinadeeyeen Xafiiskiisa guddoomiyaha Gobolka qorraxeey Suldaan Duulane Rafle indhaha ayey ka xireen waxeyna baareen xafiiskiisa iyo aqalkiisa, sidaasoo kale waxey xafiiskiisa ku katiinadeeyeen guddoomiyaha maxkamadda gobolka Qorraxeey Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim indhaha ayey ka xireen waxeyna baareen xafiiskiisa iyo aqalkiisa, howlgalkaas oo socday laba saacadood kaddib waxaa loo duuliyey magaaladda Diri-dhabe, waxaana loo sii gudbiyey xabsi dhulka hoose ah oo ku yaal Xero milateri oo galbeedka kaga beegan magaalada Harar.

Toddobaad kaddib Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan sheekh Qaasim waxaa la saaray maxkamad milateri ,waxuuna xeer ilaaliyaha maxkamadda usoo bandhigay  warqaddii uu qoray Xaaji Cabdiraxmaan taasi ayaa noqotay marqaati cad, wuxuuna ka codsaday Xeer ilaaliyaha maxkamadda iney ku xukunto eedeysanayaasha in la daldalo isagoo u cuskaday qodobka ah khayaano qaran, guddoomiyaha maxkamadda markuu sameeyey la tashi, Kiiskana dib u eegay ayuu ku xukumay xukun  dil ah, laguna deldelo meel fagaaro.

Markii ay arrintu sidaa u dhacday waxaa dhacay anfariir waxaa halgankii ku yimid fashil, waxaana madaxdii ururka Nasrullaahi badankood u baxsadeen xaggaa iyo Soomaaliya  waxaana ka mid ahaa madaxdaas: Garaad Makhtal Daahir, Ugaas Aadan-xadiis Maxamad Cumar Ugaas, Majeerteen Ugaas Cabdi, Xirsi Mahad Xasan Bidde iyo rag fara badan oo aan la soo koobi karin.

Haddaba su´aasha meesha taalbaa waxay tahay Galaal muxuu ka faa´iiday dhiigga Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim?sidey Ethiopia isku barteen? maxey Ethiopia u ballanqaaday?

Ula Jeeddooyinka maqaalkan ayaa noqonaya kuwa dadka soomaaliyeed aan kula socodsiinayno waxyaalaha khaldamay iyo dadka sida tooska ah uga danbeeyey dhibaatooyin badan oo la gaarsiiyey dad an waxba galabsan oo bir mageydo ah.
 
Arrimahaasi iyo kuwa kale waxaan ku soo bandhigi doonaa qoraalka dambe.
 
Daabacaada: Puntlandpost.com

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 03 MUQDISHO: Qarammada Midoobay oo sheegtay in xalaadda Muqdisho ay ka duwan tahay sida la sheego
Sep 03 HARGEYSA: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo dib ugu laabanaya Somaliland muddo dheer kaddib
Sep 03 MUQDISHO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Agaasime wasaaradeed
Sep 03 KAMPALA: Xukuumadda Uganda oo soo bandhigtay laba qof oo eedeysane u ah qaraxyadii Kampala
Sep 02 BOOSAASO: Dhismaha golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo Qaban qaabadiisu marayso meel fiican

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>