Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XARARDHEERE: kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed ah oo xalay ku dagaalamay degmada Xarardheere
Posted to the Web Nov 18, 01:45

Xarardheere (PP) - Laba qof oo ka mid ah kooxo burcadbadeed ah oo xalay ku dagaalamay gudaha degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka kooxahan uu ka bilowday markii ay isku qabsadeen lacag madaxfurasho ah oo laga qaatay Markab nooca kalluumeysiga ah oo laga leeyahay dalka Spain.

Markabka ayaa waxaa la siidaayay kaddib markii uu heshiis hoose dhexmaray xukuumadda Spain iyo kooxaha afduubka ku haystay, iyadoo markabka iyo 36-shaqaale ah oo la socday laga qaatay lacag gaaraysa 3.5.-Milyan Dollar.

"Dagaal aad u culus ayaa dhexmaray kooxahan oo mid ka mid ah ay dhaliishay lacagtii loo qoondeeyay, wuxuuna socday qadar kooban, mana jirto wax heshiis ah oo ay weli labadan kooxood gaareen" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarardheere.

Mas'uulkan wuxuu inaysan jirin wax xiisado ah oo saakay jira degmada, lana wado dadaallo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac, inkastoo koox walba ay ku adkeysanayso mowqifkeeda ku aaddan lacagta Madaxfurashada ah ee ay heleen.

Xarardheere ayaa ah saldhigga labaad ee ugu weyn kooxaha afduubka ka geysta biyaha Somalia, iyadoo dagaalkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo dhexmara, balse ay ka horreeyeen dagaallo kale oo khasaarooyin kala duwan ay ka dhasheen.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Feb 09 MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Feb 09 MUQDISHO: Culummaa'uddiinka Ahlusunna oo daboolka ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay ku jiraan
Feb 09 MUQDISHO: Shabakadda Al-Qaacida oo sheegtay inay qabsanayso marin-biyoodka Baabul-mandab ee badda cas
Feb 09 AFGOOYE: Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu weeraray deg. Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
Feb 09 MUQDISHO: Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo baxay Mareykanka

 

 
INDONESIA IS GOING GLOBAL (Feb 01, 05:00)

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>