BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

NEYROBI : 300 oo qof oo Ajnabi ah Maxkamad la saarayo kadib qaraxii Masjidka

December 10, 2012 10:46 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Neyrobi:-Ciidanka Kenya ayaa oo hawlgal ballaaran sameeyay qaraxii Masaajidka weyn ee Neyroob kadib kaas oo ay ku dhinteen 5 qof dad kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Yuusuf Xassan ay ku dhaawacmeen ayaa gacanta ku dhigey dad gaaraya 300 kuwaas aan heysan wax sharci sax ah oo ay dalka Kenya ku joogaan waxana la filayaa in maanta Maxkamad la soo taago.

Dadkan la qabqabtey ee la Maxkamadeynayo ayaa waxey u badan yihiin Somali kuwaas oo guryahooda iyo dariiqyada Neyrobi laga ka xeystey.

Saraakiil dhanka ammanka oo hadashey ayaa sheegey in goor hore xabsiga la dhigey dad badan oo looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin qaraxyada Kenya oo baaritaan ku socdo dhawaana Maxkamad la soo taagi doono.

Inta badan, dhibaatada u badan ayaa soo gaarta Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya marka uu dhaco qarax, waxaana la qabqabtaa dad badan, waxaana la waxyeeleeyaa ganacsigooda.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA