Ogeysiis: (pp)- Waxaa ku geeriyooday Taariikhdu markay ahayd 16.12.2012-ka , wadanka Kenya Allaha u naxariistee Cabdi Yuusuf Hiraabe Geesood oo loo yaqaanay ( Joornaaliiste).
Marxuumka ayaa Ifka kaga tegay 33 qof oo ka kooban waxuu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen. Anigoo ah Axmed Cabdi Yuusuf Hiraabe, waxaana Walaalaha Soomaaliyeed ka codsanayaa in Waalidkay loo soo Duceeyo, Ciddii deyn ku lehna Aabahay Cabdi Yuusuf Hiraabe Geesood oo loo yaqaanay ( Joornaaliiste), ay illa soo xiriiraan aniga oo Taleefankaygu yahay :
Mopil: 00 45 50 12 34 79
Guriga: 00 45 58 5 1 37 40. Denmark
Waxaa dhanka kale, anagoo ah howlwadeenada Puntlandpost illaahay uga baryeynaa Marxuumka inuu naxariistii Jano ka waraabiyo , eheladii, awlaadii iyo qaraabadii uu ka tegayna samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin::: Aamiin.
Puntlandpost.com