BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

OSLO: Xaflad casha sharaf ah oo jaaliyada puntland ee dalka norway u samaysay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud (Sawiro+ Video))

January 29, 2013 1:02 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Oslo: (pp)- Jaaliyada reer Puntland ee degan dalka Norway casumadiisa Oslo iyo nawaaxigeeda ayaa waxay casha sharaf aad uqiima badan u sameeyen Suldaan Cabdisalan Suldaan Maxamuud Xaaji Nuur oo safar gaban ku yimid casumada Oslo ee dalka Norway.

Daawo Sidii Norwey loogu soo dhaweeyey Suldaan C/salaan

Suldaan C/salaan oo casho sharaf loo sameeyey

Suldaan C/salaan oo casho sharaf loo sameeyey

Casha sharaftaan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa xariiriye ka,ahaa afhayeenka jaliyada PDF ee dalka Norway Ciiro Axmed Hassan (dr ligle) waxana markii ugu horaysay xaflada lagu furay ayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyay Shiikh Axmed Qadar intaas kadibna waxaa xafladii furay gudoomiyaha Jaaliyada PDF ee dalka Norway C/qadir Maxamed jaamac oo isagu suldaanka siiyay warbixinta guud ee ay ku noolyahiin dadka Somaliyeed ee dagan dalka Norway waxuna marti sharafti meesha fadhiday gudoomiyahu u furay cashad   iyo hadalkiiba.

Sawiro Badan

o 1 2 3 4 5 6 7 8 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 23 24 25 26 27 28 30 31 32 33 35 36 37

Intaas kaddibna waxaa laguda galay qudbadahii xaflada oo ku saabsana soodhawayanta Suldaanka iyo bogadinta Suldaanka kuwasoo ku saabsanaa shaqooyinkii badnaa iyo qilafadkii uu kasoo qaybqatay intuu Suldaanku ku sugna dalkeenii hoyo ee Somalïya, Waxaa nasiib wanaag ahayd inaay madasha xaflada casha sharafta ay joogeen marti sharaf badan oo kamida jaaliyadaha kale ee Soomaliyeed iydoona ay dhaman jaaliyada Somali ee ku dhaqan magaalada Oslo rag iyo dumarba si kal iyo laba usoo dhaweeyen Suldaanka.

Dadkii gobtaas casha sharafta ah kahadlay oo isugu jiray rag iyo dumarba ayaa waxaa kamid ahaa.26

1.Gudomiyaha Jaliyada PDF C/qadir Maxamed jama

2. Buraale

3 . Jamac Daankugudle

4 . Xassan Maxmuud Nuur Seed (Xassan Oss)

5. Dr. Daahir Xussen Tooxya

6. C/risaaq Bile (Dhuubane)

7. Caasho Daankuxadle

8.  Xildhibaan: C/risaaq Cali Sanwayne oo kamida galaha denka Telamark oo ah gobol kamida dalka Norway

9. Abwaan: C/siis Yuusuf Maax

10. Nabadoon C/raxmaan Sanyare

36oIntaas kadib ayaa waxaa makaroofanki  i lagusoo dhaweeyay Suldaan Cabdislan Suldaan Maxamuud waxuuna Suldaanku mahad iyo bogadin usoo jeediyay Jaaliyada Soomaliyeed ee dagan dalka Norway waxuuna sidoo kale Suldaanku ku booriyay jaliyada inaay isku duubnadan oo ay iska ilaaliyan tafaraaruqa iyo kala jajabka sidoo kale ayuu waxuu Suldaanku ku gubaabiyay jaaliyada inaay ixtiramaan dadka ay dalkooda martida kuyahiin oo noloshoodii wax kasiiyay in ay kula nooladan dhaqan wanagsan iyo ixtiraam.

31Suldaanka maruu ka hadlayay u badka ama caruurta ku sugan dhulkaan ayuu waxuu u sheegay dadkii casha sharaftaas joogay hadii waalidku uu gabo waajibkii ka saarna caruurtooda in ay caruurtu halis u yihiin in laga qaato caruurtooda, sidaas darteedna waxuu faray inaay caruurta waqti siiyaan oo ay kawarhayaan.

32Suladanku mar uu Jaaliyada kala hadlayay isku duubnida ayuu waxuu ugu maahmahay erayo ay kamid ahayeen  walaalayal Shinidu waxaay malabka ku samaysata wadajir iyo isku duubni waxay ubaxa kusoo gurata oo manka kusamaysa waa isku duubni marka waxaad wanaaga ku gaari kartaan  waa isku duubni hadiinan samayan sida shinida oo kale waxaad noqonaysaan Daqsi daqsiguna markuu isku ururo waxuu abaara ama raadsada nabarka ama qashinka iyo qurunka waxana taas micnaheedu yahay in laysxanto, in laysnaco, in lays dilo iyo inlays xasido.

Mar uu Suldanka dadkii goobtaas fadhiyay uga sheekeyay qilafadkii beelaha ee ay isimadu ku guulaysteen ayuu waxuu soo bandhigay sawiro ku saabsan goobahii uu Suldaanku utagay qilafadka waxana ka xusi karna Buuhoodle,Cagaare, Laag,Xingolol iyo qarkaloo badan oo ay ku dhexdhexadiyeen beelo walaala ah oo wax kala gareen dhamaana waan ku guulaysanay ayuu yiri Suldaanku.

Suldaanka oo Ubaxa la guddoonsiiyey

Suldaanka oo Ubaxa la guddoonsiiyey

Ugudanbayntii ayaa waxaay jaaliaydu Suldaanka gudoonsiisay ubax laagu magac daray ubaxii Nabada waxana gudoonsiiyay labadii gabdhood ee ugu da’da yara oo xaflada joogay,  waxyna xaflada ugu danbayntii casha sharaftii kusoo idlaatay jawi aad u wanagsan.

Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA