Prof . Maxamed Cabdi Gaandi oo ka kadlay Talevisionka Somali chanel ayaa faah-faahin ka bixiyey Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka, isagoo ku nuux-nuuxsaday in ay meel fiican marayaan qorshaha maamul u samaynta deegaamada Jubbooyinka.
Prof. Gaandi ayaa sheegay in deegaanada Jubbooyinka & Gedo ay degaan qabiilo badan oo soomaaliyeed , ayna ku talo jiraan in qabiilada wada dega ay dhammaantood iska arki doonaan Maamulka laga dhisi doono deegaanada Jubbooyinka & Gedo.
Daawo Waraysiga Maxamed C. Gaandi
Maxmed Cabdi Gaandi ayaa u digay dadlka ka qaylinaya magaalada Muqdisho, isagoo ku waaniyey inay Tooda wanaageeda ka shaqeeyaan , oo aysan ku mashquulin tooda, oo uu ulla jeeday Maamulada laga hirgilinayo Jubbooyinka iyo Gedo.
” Waxaa laga xoreeyey Kismaayo Al-Shabaab, lagama hadli jirin, maxaa looga hadli waayey waayadii hore, maxaase keenay hadda in laga hadlo “?? ayuu isweydiiyey Prof. Gaandi.
Gaandi oo horay u haan jiray Wasiirka gaashaandhiga ee Dowladii kumeelgaarka ahayd ayaa dadaalo badan ka soo maray siddii maamul looga samayn lahaa deegaanada Jubbooyinka, waxaana qorshahaas la ogaa Madaxweynihii hore ee DF ee Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed , isagoo markii danbe uga baxay qorshaas , taas oo keentay inay Siyaasada ku kala tagaan Prof. Gaandi & Sheekh Shariif. Waqtigaas wixii ka danbeeyey Prof Gaandi wuxuu saxaafada ka sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uusan raali ka ahayn maamul u samaynta deegaanada, waana sababta keentay buu yiri in la hor istaago in dadka deegaanadan ka soo jeeda aan raali looga ahayn inay samaynstaan maamulkooda.