BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Puntland : 19 dal oo laga keenayo Maxaabiis Burcad-badeed ah iyada oo 5-tii ugu horeysey maanta la keeney

December 4, 2012 10:52 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Puntland:-Sida uu sheegey M-weynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole waxaa dhawaan la keenayaa Puntland Maxaabiis Burcad-badeed ah oo laga keenayo 19 dal, kuwaas oo inta u dhiman Xukunooda ku dhameysanaya Xabsiyada Puntland.

Dr. Faroole, waxa uu sheegey in ay u ogalaadeen in Puntland la keeno Maxaabiista arimo bini-aadantinimo si dadka ay ka soo jeedaa, qoysadkooda, qaraabadooda iyo Waalidkoodba ay uga warqabaan oo ay u soo booqdaan oo ay keeni-karaan haddiyado si ay niyaddu ugu wanaagsanaato.

Sida ay Puntlandpost horey u shaacisey, Goordhaweyd ayaa garoonka diyaaradaha ee Boosooso laga soo dajiyay 5 Maxbuus oo laga jeeney dalka Seychelles.

Halka ka daalaco magacyada iyo beelaha Maxaabiista Burcad-badeeda ah ee maanta la keeney Boosaaso.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA