BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

PUNTLAND: Dastuurka iyo Isbadalka Siyaasadeed

November 8, 2012 9:45 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

“Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”

Waxaa Tiriyay: Cabdullahi Suldaan Timacadde

Barraaruggii siyaasadeed ee ay horkacayeen ururadii xoriyad u dirirka sida Darwiishka iyo SYL waxay sababtay in shacabka Somaliyeed gartaan aaya ka talintooda. Dadka ku abtirsada gobolada Bari, Mudug, Nugaal, Sanaag, Sool, iyo Dagamada cayn waxay hormood ka ahaayeen isbadal doonkaa siyaasadeed ee ku dhisnaa “Somalinimo”. Waxay qayb libaax ka qaateen iska caabinta talada iyo amar kutaaglaynta ninka cad. Waxay u taagnaayeed halqankii Daraawiishta, dilkii Koofil, kacdoonkii “Ha Noolaato iyo Dhagaxtuur.”

Halgan sanado badan qaatay isla markaana geesiyaal bandanna u hureen naftoodii, Soomaalia waxay gashay marxalad ugub ku ahayd inta badan qaaradda Africa. Ku dhawaad toban sano kadib hanashadii dowladnimo ee sanaddii 1960kii, Somalia waxay ku naalootay oo ku barwaaqowday xorriyad dhamaystiran iyo cabir siyaasadeed oo dhaba kuna dhisan saxaafada xorta ah.

Wallow ay jireen ismaandhaaf iyo kala aragti duwanaan dhanka siyaasadda ah misana Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada fara ku tiriska ah ee qaatay nidaamka xisbiyada badan. Xiligaas oo dunidu ku jirtay waxii loo yaqiin “Dagaalkii Qaboobaa”, misana Soomaaliya marna kamaysan daalin raadinta shanta Soomaaliyeed waxayna sidoo kale baal dahaba kaga jirtay u dagaalanka shucuubta la gumaysto.

Ka sokow xisbiyaddii tirade badnaa iyo is barbaryaacii siyaasadeed, dilkii madaxwaynaha dalka: Cabdirishiid Cali Sharmake, wuxuu horseeday ismaandhaaf iyo jahwareer siyaasadeed oo hor leh. Kala qaarnaantaas siyaasadeed waxay ciidanka qalabka sida u sahashay in ay marooqsadaan taladii wadanka. Isbadalkaan cusub oo uu majaraha u hayay Madaxwaynihii hore ee Mahamed Siyaad Barre ma ahanyn mid si sahal ah loo adaroosi karayay. Balse in kastoo shacabka badankiis ku soo dhaweeyeen isbadalka cusub ki kal iyo laabi ku dheehan tahay misana ma rumoobin inta badan himilooyinkii ay ka dhursugayeen.

Dowladdu ugu horaynba waxay qaadatay nidaam ka dhan ah wixii dadka Soomaaliyeed u dhignaa waxayna koobtay siyaasadda iyo saxaafaddda horta ah. Waxaase lagu xasuustaa horumarinta kaabayaasah dhaqaalaha sida dakadaha, laamiyadda, eriboorada. Waxaa kaloo lagu xasuustaa horumarinta sportiga, qorrida Afka-Somliaga, iyo fanka, iyo suugaanta.

Muddo ku siman 21-sano dabadeed, Soomaaliya waxay la daristay nidaam la’aan, colaad baahsan, abaaro, iyo burbur—mid dhaqaale, maskaxiyadeed, iyo siyaasadeedba. Ku dhawaad 2 million oo shacab Somaliyeeda waxay u qaxeen wadamada dariska la ah Somalia iyo daafaha addunka khaasatan wuqooyiga America, Europe, Australia, iyo South Africa ka sokoow intoodii waxbaraso iyo xamaaliba u tagtay wadamada Carabta iyo Aisha. Shacabka ku dhaqan gobolada Bari, Mudug, Nugaal, Sanaag, Sool, iyo Dagamada cayn waxaa lagu tiriyaa in intooda badan ay ka badbaadeed dagaalkii sokeeye marka laga reebo intoodii daganayd koonfurta Soomaaliya khaasatan caasimaddii dalka ee Muqdisho oo la kulmay dilal joota ah, barakac, kufsi, iyo burbur dhaqaale. Waxay si hagar la’aana uga qayb qaateen 12kii shir siyaasadeed ee ay marti galiyeen wadamada dariska iyo caalamkaba danta laga lahaana ahayd in Soomaaliya lagu soo dabaalo nabad, cadaalad, iyo wax wada qabsi balse intooda badan ku dhamaaday fashil.

Ugu danbayn, shacabka dagan goboladaas waxay ka gungaareen faham darrida macnaha dowladnimo ee haysata dadka Somaliyeed badankiis. Waxay qo’aansadeed taaba galinta himiladooda dowladnimo.Waxayna ku tashadeen dhisid dowlad gobaleed ka timaada dadkooda kana uskanta xagga hoose. Iyagoo tixraacaya dareenkooda siyaasadeed, shacabka ku dhaqan deegaanadaas waxay isugu yimaadeen nidaam ka samata bixiya mowjadaha siyaasadeed ee dowlad la’aanta ah ee ka jirta Soomaaliya. Waxay yagleeleen oo dhidibada u aaseen bishii Ogoosto, 1998kii nidaam noociisu ku cusbaa mandaqada loona baxshay Dowlad Goboleedka Puntland–waa nidaan aan ku dhisnayn goosasho ama dhul raadis.

Sanaddii 2001, golaha wakiilada ee Punltand waxay ansixiyeen dastuur ku meel gaar ah. In kastoo la qorsheeyay in afti dadwayne dhacdo sanaddii 2004 nasiib darro ma dhicin sababo la xiriira siyaasaddii Soomaaliya oo subaxba waji cuxub yeelanaysay. Balse bishii Maajo, sannaddii 2007 ilaa Juunyo, 2009 waxaa lagu sameeyay dastuurka Puntland dib u eegis. Dowladda Puntland waxay dib u habayntaan la kaashatay: (A) Shacabka Puntland, (B) Ururadda aan dowliga ahayn, iyo (C) Xeel dheerayaal dhanka sharciga ah oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi. Dastuurka oo soo maray heerar kala duwan ansixiyeenna golayaal kala duwan sida:

1. Golayaasha Xukuumaddii Madaxwayne Maxamud Muuse Xirsi “Cade” iyo tan Madaxwayne Cabdrixman Sheikh Maxamed Maxamud “Faroole”,
2. Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland, iyo
3. 480 xubnood oo ka kala socda dhamaan gobolada ay Puntland ka kooban tahay, ururada bulshada, qurba joogta, iyo shaqaalaha dowladda. Waxaa hareer socday martisharaf isugu jira Isimo, culuma’udin, aqoon yahanno, siyaasiyiin, wafdi ka socday dowlada Kumeelgaarka Federalka Soomaaliya, ururo caalami ah, iyo wadamada daneeya arimaha Somalia.
Haddaba, dastuurka Puntand waxaa bishii Abril, 2012 si kooban u ansixiyay ergo 480 ah oo matalaysa bulshada qaybaheeda kala duwan. In kastoo dadka qaarkiis su’aalo ka qabaan ansaxnimada dastuurka si kooban afti loogu qaaday misana sidan si la mid ah waxaa sanaddii 1950s-kii lagu ansixiyay dastuurkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay yeelatay. Arintan oo aan ugub ku ahayn aduunka kale ayaa didoo kale wadamo kale oo uu hormuud u yahay Marykanka ku ansixiyay dastuurkiisa si kooban bishii Sebtember 1787-dii markii uu xoriyaddiisa ka qaatay dowladda Britain. Fadhigaas ayaa loo yaqaanay kulankii Philadelphia ama “Philadelphia Convention”.

Ugu danbayn, shacbiga Puntland markii ugu horaysay wuxuu yeeshay dastuur leh lix madax ama rukni oo ka kooban 141 qodab iyo laba Lifaaq oo qeexaya “Marxaladda Kala Guurka” iyo “Mudada Xilhaynta Golayaasha Dowladda” sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland ee Soomaaliya qodabkiisa 79-aad(Mudada Xilka) iyo 141-aad (Dhaqangalka Dastuurka).

Sidoo kale Dastuurka Puntland wuxuu ka kooban yahay lix madax oo qeexaya in Punltand ka mid noqoto nidaam dowladeed federal ah oo ku yimaada rabitaanka shacabka. Lixdaa madax waxaa ka mid ah:
I. Mabaadiida Aasaasiga Ah ee Puntland
II. Xuquuqda Aasaasiga Ah ee Dammaanad-qaadka Qofka
III. Dhaqaalaha
IV. Qaab-Dhismeedka Dawladda
V. Hanaanka Maamulka Puntland
VI. Saraynta iyo Dib-u-Habaynta Dastuurka iyo Ku Dhaqan Kumeelgaar Ah.
Dastuurkan oo xeer dowladeed u ah bulshada ku dhaqan Puntland waxaa saldhig u ah:
1. Shareecada Islaamka;
2. Wuxuu nidaaminayana qaab dhismeedka dowladnimo;
3. Wuxuu jihaynayaa xeerarka lagu nidaamiyo howlaha tirade badan ee hay’adaha dowligu ku howlgalayaan; iyo
4. Wuxuu tilmaamayaa xeerarka ay shacabku ku kala danbeeyaan khaastan kuwa tilmaamaya xuquuqdooda iyo waajibaadkooda ummaddeed.

Ki kastaba ha ahaatee, Mudaddi ay Dowladda Punltand ee Soomaaliyeed dhisnayd waxay la kulantay dhibaatooyin is daba jooga oo kaga yimid gudaha iyo dibadda. Dhibaatooyiinkaas oo badankood ka dhashay damac siyaasadeed oo ku wajahan mandiqadda kaasoo iska caabintiisu aysan bulshada reer Puntland u kala harin. In kastoo madaxwaynayaashii soo maray hogaanka Puntland ay ku kala aragti duwanaayeen dhanka maamulka iyo wax qabadka misana waxay ka sinaayeed difaaca dadka iyo mandiqada Puntland. Daruufahaas adag ka sokow, waxay dowlad iyo shacabba si lixaad leh u la tacaalayeen geedisocodka nabadda ee Soomaaliya oo maalinba heer taagnayd taas oo hergalinteeda ay kaga baxday wakhti iyo hanti fara badan oo leh naf iyo maalba. Shacab iyo dowladdba, waxay dhabarka u riteen culaysyo badan oo dadka Somaliyeed badankood u caal waayeen sida geedi socodkii loo yaqaanay Qariidda Nabadda ama “Roadmap”.

Nasiib darrase muddo 14 sano ah, waxaa golaha wakiilada lagu soo dooranayay hab beeleed ku dhisan is ixtiraam iyo wada dhalasho. Dastuurka oo la waafajiyay Shareecada Islamka ayaa ah marjica dowladnimo waxaana uu qabaa in loo gudbo nidaamka xisbiyada badan kaasoo u horseedaya bulshada sinaan, cadaalad, iyo wada noolaasho taam ah.

Haddaba,
1. Waxaa is waydiin mudan nidaamka xisbiyada badan ee Dowladda Puntland ku baaqday ma ahaan doonaa mid ay dowladdu dhexdhexaad ka tahay.
2. Xiliga kala guurka, waa in aad looga fiirsadaa “Xubhana Guddiga Doorashooyinka Rasmiga ah”.
3. Sidoo kale waxaa xusid mudan siyaasiyiinta uu ku jiro damaca siyaasadeed, ma xushmayn doonaan nabadda, kaladanbaynta, iyo xeerarka dastuurka.
4. Siyaasiyiinta Puntland ma yihiin kuwo ka sariiganaya kicinta shacabka iyo bulshada inteeda wax ma garadka ah si ay u xaqiijiyaan hadafkooda siyaasadeed arintuna u noqon geed ninkii harsan lahaa uu jarayo.
5. Si khilaafaadka loogu xaliyo jawi nabadeed, shacabwaynaha Puntland iyo isimadoodaba waxaa xil gaara ka saran yahay in Dastuurka Puntland ee ay ansixiyeen golaha wakiilada iyo 480 ergo kana kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan in la ixtiraamo si loo xaqiijiyo geedisocodka nabadda ee shacabku higsanayeen 14-sano ee tagay.

Baaq iyo Talo Seejeedin:

Waxaan baaq iyo talosoojeedin u dirayaa dhamaan dowladda, siyaasiyiinta, isimada, iyo shacabka reer Puntland. Waxaa ii muuqata saasaanta maalma hore oo tagay. Waxaan ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadda. Iyadoo isha lagu hayo isbadalka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa lama huraana in wixii khilaafaad ah lagu xaliyo wada hadal lagana dheeraado wixii wax u nimaya nabadda. Umadi waxay horumar ku gaartaa ixtiraamka haddba waxii lagu heshiiyay. Waxaan leeyahy waa in la soo dhaweeyaa siyaasiyiinta cusub ee jacel in ay u adeegaan bulshadooda lana dhiira galiyaa. Wixii wax ka badal u baahan ee siyaasiyiinta tabanayaan waa in loo maraa habka dastuurku qabo waana arin qaynuuni ah. Haddii taasi dhici waydo arini waxay noqon “jaantaa rogan” oo muxaafid iyo mucaaradba aysan dani ugu jiri doonin. Shacabka Puntland waa in uu hagaa dastuurka dalka kana dheeraadaan fowdada iyo is dhexyaaca. Isimada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan kaalintoodii nabadeed ee wax ku oolka ahayd lagana faa’idaystaa wixii la soo maray. Majirto xilli nabadda looga baahi badan yahay marakan.

Mahadsanidin,

Faafinta_ Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA