BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

PUNTLAND iyo Nidaamka Xisbiyada Badan , Qore: Tarabi A. Jama

November 16, 2012 8:21 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Inta badan, mandiqadda Puntland waxaa lagu tiriyaa meelihii ka badbaaday dagaalkii sokeeye ee halakeeyay ummadda Soomaaliyeed muddo ku siman 21-sano. Shacabka Puntland oo qiyaastii dagan dhul baaxaddiisa dherar lagu qiyaaso 1300km, waxayna nasiib u heleen in ay ku beermaan inta u dhaxeysa labada badood ee Indian Ocean iyo Read Sea. In kastoo qaybo ka mid ahi lagu tiriyo xoolo qaybo misana waxaa si wayn loogu yaqaanaa ganacsiga. Waxay mehred u leeyihiin ka ganacsiga kaluumaysiga, beeraha, hargaha iyo saamaha, iyo bagaashka. Somalia oo inta badan lagu tiriyo dad reer guuraa ah, qabaa’ilka daggan Puntland waxay horaantii qarnigii 16naad ku fideen dhulka ismaamulka Soomaaliyeed. Waxayna kaloo xagga koonfureed hoos ugu raaceen wabiga Jubba halkaasoo ay magaaleeyeen goobo badan oo goboladaas ka mid ah; isla markaa, qiyaastii sadex qarni ka hor, waxay aasaaseen magaalada dhacda xeebta ee Kismayo halkaasoo ay kay bilaabeen ka ganacsiga kaluunka, beeraha, iyo bunka.

Qoraa: Tarabi Jaamac

Tan iyo aasaaskii Puntland sanaddii 1998dii shacabka ku dhaqan mandiqadda Puntland waxay ku taamayeen yagleelidda nidaamka xisbiyada badan wallow dowladihii isaga kala danbeeayay xukunka aysan u suurta galin hirgalinteeda sababo jiray awgood. Waxaa in badan soo noqnoqday oo la iswaydiiyaa sababaha hortaagaan isbadalkaa. Dadka reer Puntland siyaabo badan ay isugu howlaan in ay jawaab sax ah u helaan arintaa murugsanayd. Qaar ka mida waxay dibdhacaa u sababeeyaan is badalkii siyaasadeed ee ka jiray koonfurta Soomaaliya khasatan shirarkii dib u heshiisiinta lana mahadiyay kaalintii lixaad ee Puntland ay ka qaadatay.

In kale waxay rumaysan yihiin xil iska saarid la’aanta xukuumadihii hore oo hogaankoodu ahaa mid ciidan inta bandanna baqdin ka qabay is badal siyaasadeed oo dhaca. Qaar kaloo badanna waxayba ku ciladeeyaan awood darida dowladda iyo gacan ka helid la’aanta hay’adaha caalamiga ee taakuleeya isbadallada siyaasadeed ee ka aloosan wadamada soo koraya amaba halakeeyeen dagaalada sokeeye oo is biirsaday.

Balse dooda ugu wayn waxay tibaaxaysaa sarayn la’aanta sharciga ama hareermarka dastuurka dalka, sicirbararka ku dhacay ISIMADA dhaqanka, iyo dhaqaale la’aan baahsan. Arimahaas aan kor ku xusay ayaa dadka aragtida fog u leh siyaasadda mandiqada ku ciladeeyaan hirgalid la’aanta nidaamka xisbiyada baddan. Waa midda koobaade, dastuurku wuxuu ahaa xarigga isku xira umadda reer Puntland. Dastuurku wuxuu ahaa sharciga u dagsan dalka laguna xaliyo howlaha dowliga ah iyo midka umadeed; balse wuxuu si sahala far-iyo-suul uga baxay markii laga door biday talada Isimada, go’aankooduna noqday marjica ummaddeed.

Golaha xukuumadda oo lagu xuli jiray inta badan saaxiibtino, xigto, iyo xigaalo iyagoo inta badan lahayn “karti-iyo-hufnaan shakhsiyadeed” kana yeelan karin aragti fog masiirka dowliga ayaa iyana noqotay caqabad labaad. Waxay intooda badan dhaqan ka dhigteen ku takrifalka hantida dadwaynaha iyadoo dareenkoodu ka badin waayay imisa guri ayaad leedahay, imisa boos ayaa kuu meegaaran, imisaase hay’ado shisheeye kuu dagan yihiin.

Arintan guracani, waxay sababtay in horumarinta sharciyadda mandiqada u dhignaa horay u ambaqaadi waydo lana fahmi waayo ahmiyadda ay u leedahay ummadda dastuur dhab ah oo la helo. Dabacsanaantaas waxay sahashay in laga maago dhamaystirka dastuurka si loo dhaqan galiyo. Ka maagiddaa, waxay sahashay la xisaabtan la’aan iyo nidaamkii dowliga ahaa oo dhaafi waayay magaalooyinka dhaca wadada wayn ee isku xirta Gaalkacyo iyo Boosaaso marka laga reebo meelo yar yar mooyee.

Dhamaystirka la’aanta dastuurka waxay sahashay siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda dhulka laamiga ka fog in aysan xiriir dhow la lahayn dadka ay matalaan. La xisaabtan la’aantaa ka dhex abuurmatay golaha xukuumadda, barlamaanka, iyo shacabka ay matalayeen, waxay horseeday burbur siyaasadeed iyo gobaladii Puntland oo qaar faraha ka baxaan. Taasi waxay kaloo sahashay in shacabkii ku kalsoonaan waayaan nidaamkay wax ka dhisteen. Hareermarka sharciga wuxuu kaloo sababay shaki ku yimid himilooyinkii loo abuuray Puntland ka dib nidaamkii dowliga oo ku koobmay magaalooyinka dhaca laamiga dheer.

Dhanka kale, sicir bararka ISIMADA dhaqanka waxay sahashay dib u dhac ku yimaada mandiqada iyo in uu dastuur saxa yeesho. Waxaa hadal hayn noqotay “ xisbiyo la dhiso wakhti bay u baahan tahay” iyo “waan garanay sharcigee isimada inoo geeya”. Halkii sharciga la eegi lahaa arini waxay ku biyo shubatay “xeer beegtiga iyo isimada ha lala hadlo iyagaa ah hay’adda u sareysa”. Arintan waxay sahashay in la baal maro “Nidaamka Garsoorka”. Sida uu qeexayo dastuurka Puntland qodabkiisa 89aad, fakhradiisa koobaad waxaa lagama maarmaan ah in la dhamaystiro dismaha “Hay’adda Garsoorka Puntland” si marjic ay u yeeshaan doodaha dastuuriga ah. Fakhradda koobaad waxay u dhigan tahay, “Hay’adda Garsoorka ee Punltand waxa ay ka kooban tahay”:

b. Maxkamadda Sare,
t. Maxkamadda Dastuuriga ah,
j. Maxkamadda Rafcaanka,
x. Maxkamadda Darajada Koobaad
Kh . Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka, iyo
d. Xeer-ilaalinta Guud

Waxaa iyana raadkeedii qoyan yahay oo aad loo xasuustaa dagaalkii dastuuriga ahaa oo khilaafkiisu ku bilowday sarayn la’aanta sharciga, “mamadda sare” oo shaqadeedii sida ugu hufan u gudan wayday, iyo Isimadii oo qaybsamay. Waxaa arinta sii murgiyay Isimadii dhaqankaxka qaarkood oo ku milmay siyaasiyiintii beeshooda, Ku takrifalkaa awoodeed waxay sahashay in reer walbaa dhexdiisa is qabto, kala jajabo, boqradaana Isimo cusub.

Arinkaan ugubka ku noqday mandiqada intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, arini waxay noqotay in Isinkii u xuubsiito siyaasi u dhaxeeya xafiisyada dowladda. Taasi waxay sababtay ku kalsoonaan la’aanta hay’adda “Isimada”. Waxaa kalo wiiqmay kaaliintii uu ku lahaa Isinku qabiilka dhexdiisa.

Waxaa bilowday jawi cusub oo tibaaxaya “jifadii” aan Isim lahayn ama miiska wada xaajoodka ee golaha wasiirada iyo xubnaha kale ee mu’hiim ka ah ee dowladda amase u oolin “koofiyad dhaqameed” miiska wada xaajoodka, in sadkeedii dhaafayo sidaa darteedna lagu khasban yahay in la yeesho “Isim” hareer socda kii u dhaxeeyay qabiilka. Arintan waxaa loo sababeeyaa qabiilkii oo batay maaraynta howl maalmeedka qabiilkana qof kaliya uusan ku aadin balse salka ay ku hayso dareen ku dhisan “kala sadbursasho”.

Ku tiirsanaanka ISSIMADA dhanka arimaha dowliga ah waxay sahashay sharcigii oo wiiqmay iyo horimarinta nidaamka xisbiyada badan oo dhib u dhac ku yimid. Waayo magacaabidda xubnaha baarlamaanka iyo kaalinta ay ku leeyihiin wasiirada waxaa dadka badankiis Isimada uga maarmeen hirgalinta nidaamkii xisbiyada badnaa. Waxay in badan oo dadka ka mid ahi ku doodaan in barlamaanka Puntland loo daayo siduu yahay si qabaa’illada qaarkood aysan wax u waayin. Dadkaasi waxay hilmaamsanyihiin in hogaanka xisbiga aysan ku xirnaandoonin ka dhalasho qabiil yar iyo mid wayn ee ay tahay mabda isku xira dad ka dhashay qabaa’ilo kala duwan balse isku afkaara.

 

Ugu danbayn, waxaa soo dhawan mudan urur siyaasadeedka “HORSEED” ee ay dowladdu ku dhawaaqday. Waxay geesinimo galinaysaa dadyowga aaminsan in lagama maarmaan ay tahay in loo gudbo nimaadka axsaabta badan. Waxaan kaloo ognahay in inta aan loo tartamin madaxwayne ku yimaada nidaamka xisbiyada badan loo baahan yahay in wadanka loo diyaariyo. Arintani waxay khasbaysaa :

1. Is diiwaan galinta ururada siyaasadeed si loo ogaado sadexda urur ee ugu codadka badan noqonayana XISBI SIYAASADEED. Shuruudaha xisbiga iyo tartanka oo ah:
a. Lahaanshaha xeer hoosaadka ururka,
b. Madaxda ururka ,
c. Golaha fulinta, iyo
d. Xubnaha ururka ee gobol kasta.
2. Tartanka golaha deegaanka
3. Tartanka xubnaha barlamanka.
4. Tartanka jagooyinka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa

Balse intaas oo dhan waxaa saldhig u ah u samaynta “teesaraha” aqoonsiga qof kasta oo qaangaar ah bixin karana cod si loo gaaro afti dadwayne oo ka dhacda dhamaan gobolada ay Puntland ka kooban tahay. Arintan waxay u baahan tahay kharash badan, wakhti dheer, iyo nabad galyo taama. Madaxda Puntland waxaa dhaqan u noqotay in ay la sugaan bilaabidda xeerarkaan marka xiligoodu gabaabsi yahay kadibna oo halis galin karta is qabqabsi siyaasadeed.

Dastuurka Punltand oo kordhiyay xiliga madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa sida ku cad Qodabka 79aad iyo Lifaaqa 2 fakhraddiisa labaad, waxaa loo maray hab dastuuri ah iyadoo golaha wasiirada, barlamaanka iyo 480 ergo ay ansixiyeen. Iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ama hay’adda ku howl leh doorashooyinka la timaaddo “JADWAL SIYAASADEED” taxana ah oo hagaya “waxa fulaya iyo goorta la fulinayo” si tuhunka ah ku darsi kale meesha uga baxdo. Waxaa iyana mudnaan leh in xeerkii la marsiiyo hab waafaqsan sharciga wadanka u yaal, la xaqdhowro si maamulka Puntland u taabagalo. Arintan waxay yaraynaysaa isbarbaryaaca siyaasadeed ama kicinta dadwaynaha iyadoo loo marayo hab qabiilaysan.

Sidaa daraadeed inta lagu jiro doorashooyinka, Dowladda Puntland waxaa ku khasban tahay dhowridda “xuquuqda Aasaasiga ah iyo Damaanad-qaadka Qofka” sida ku cad dastuurka Puntland. Qodabka 12aad ee Sinaanta Dadka faqradiisa koobaad waxay leedahay, “Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiyadda, hantida, FIKRADDA UU AAMISAN YAHAY, SIYAASADDA, afka iyo isirka”. Sidoo kale, Qodabka 14aad ee Xoriyadda Fikirka fakhraddiisa koobaad waxay leedahay “Qof kasta xor buu u yahay FIKRADIISA WAANA SOO BANDHIGI KARAA”. Faqradda labaad ee isla qodabkan waxay dhigaysaa, “Qofku waxa uu FIKRADIISA ku cabiri karaa qaab HADAL, SAXAAFADEED, QORAAL, MUUQAAL, SUUGAAN, iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan”.

In kastoo Qodabka 16aad ee Xoriyadda Dhaqdhaqaaqa, fakhraddiisa koobaad ay leedahay “Qof kasta waxa uu u madaxbanaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono” misana sida ku cad Qodabka 19aad ee Madaxbanaanida Qofka, fakhraddiisa koobaad waxay leedahay, “Qofka madaxbanaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad kasta oo lagu sameeyaana waa inay sharciga ku caddahay”. Balse u fiirso isla qodabkaas fakhradiisa sadexaad waxay dhigaysaa sidatan: “Madaxbanaanida qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor imaanayn Shareecada Islaamka, xeerarka, anshaxa guud, XASILOONIDA DALKA ama xuquuqda qof kale.

Isku soo wada duuboo ku dhaqanka dastuurka Pultand ma jiro xilli looga baahi badan yahay hadda oo Punland ku socoto nidaamak xisbiyada badan si looga baxo habka guracan ee wax ku qaybsiga beelaha. Haddoo dowladda Puntland ku dhawaaqday uru siyaasadeedkeeda “HORSEED”, waxaa lagama maarmaan ah in la dadajiyo dhamaystirka Maxakamaddad Sare iyo tan Dastuuriga, si wixii khilaafaad ah oo dastuuri ah ay ugu noqoto marjac.

Mahadsanidiin

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA