Qardho: (pp)- Shir Maalimihii udanbeeyey uga socdey Magaalada Qardho ee caasimada Gobalka Karkaar Nabadoonada Gobalka Karkaar ayaa waxay kasoo saareen qodobo lagu xoojinaayo Amaanka Gobalka Karkaar, Nabadoonada Shirku uga socdey Magaalada oo gaaraayey 25-nabadoon oo ah kuwa sida weyn looga tixgeliyo Magaalada Qardho ayaa ugu dambayntii soo saaray go’aan ka Kooban Sadex Qodob oo ahaa sidan:-
1.In laga wada Shaqeeyo amaanka Magaalada Qardho, Isla markaana aan khal-kahl gelin amaanka Magaalada
2. Inaan Magaalada Lagu qaban karin wax Shir Siyaasadeed ah hadii uusan ongolaasho ka haysan Isimada Dalka.
3. Inaysan Ciidamada Dawladu xiri karin Muuwadin aan wax danbi ah gelin.
Go’aamada kasoo baxay Nabadoonada Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar ayaa la sheegay in loola dan leeyahay sidii loo adkayn lahaa amaanka Puntland gaar’ahaan Magaalada Qardho oo ay Dhawaan Dawlada Puntland ka mamnuucday in lagu qabto wax Shir ah oo aysan go’aamin Isimada iyo Dawlada Puntland, Waxaana go’aamadan soo dhaweeyey dadweynaha Magaalada Qardho iyo Guud ahaan Puntland.
Dhanka Kale Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar waxaa gaaray Madaxweynihii Hore ee Puntland general Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) isagoo halkaas ka bilaabay inuu kulamo la qaato nabadoonada, Laamaha Amaanka iyo Masuuliiyinta Gobalka Karkaar iyo Magaalada Qardho iyadoo la filaayo inuu General Cadde Muuse uu dadkaas kala hadlo adkaynta nabad galyada Gobalka Karkaar iyo Guud ahaan Puntland.
Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost,Boosaaso,PL