BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Burcad badeeddu ballo bay baalaha ku wadataa

June 23, 2011 5:59 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Burcad-badeeddu waa dhibaato la wada garowsaday illaa iyo xiligii ay soo kordhay falalka burcad-badeedda taas oo keentay dhibaatooyin aan la soo koobi Karin, kuwaas oo la oran karo waa kuwo ku mataanaysan burcad-badeedda. Hadaan si kale u dhigno waxaa la arkay in markay burcad-badeeddu helaan lacagaha madax-furashada ay bilaabaan falal aan dhaqan iyo soo jireen ku ahayn bulshada, taas oo ay ka mid yihiin anshax xumo,danbiyo dil iyo dhac isugu jira iyo danbiyo kale oo ku baahay bulshada.

Marka la wareysto dadka inta indheer-garadka ah ama masuuliyad u haya bulshada waxaa kaaga muuqanaya in aysan ahayn wax faa’iido iyo mustaqbal u haya ummada iyo dalkaga. Hadaan dib u jaleecno fikradaha khaldan ee burcad-badeeddu faafiso waxaa ka mid ah in ay yihiin kuwo difaacaya dalka oo siiba ka difaacaya jariifka isla markaasna dhaqaale sharciya ay ka helayaan. Waxaa la oran karaa labadaas marin habaabin waxa ay noqdeen kuwo aan sal lahayn ka dib markii la arkay lacagta ay helaan qaabka ay fasahaadka u keentay, isla markaasna uu san meesha ka bixin jariifka badda iyo in baddeena lagu shubo suntan haraaga nukliyeerka ee wadamada horumaray.

Waxaana cadaatay in ay sii hurinayaan dhibaatada ka jirta badda iyo barigaba oo aan u soo qaadan karno tusaale ahaan ‘Nabadda iyo Aminiga’, oo awal ahaa kuwo la dareen- sanaa in ay adagtay in loo helo si buuxda maadaama dowladdii dhexe ay meesha ka maqantahay.

Burcad-badeedda dhibaatooyinka ay keeneen ama ay ku kacaan waa kuwo si xun u dhaawacaya dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida iyo kan diinta suuban ee Islamka, kuwaas oo sal u ah jiritaanka ummada. Haddaba si loo cadeeyo in burcad-badeeddu ballo baalaha ku wado waxaa iftiimin noogu filan qodobada aan kor ku xusnay.

Bulshadeenu waa in ay isku raacdaa in ay gabi ahaanba ka feejignaadaan dhabaatada burcad-badeednimadu keento maadaama dhana aysan u wanaagsanayn.

 

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA