Seychelles:-Sida uu Puntlandpost u sheegey Agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Mr. Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane) waxaa maalinimada bari ah 04-12-12 Boosaaso la keeni doonaa 5 nin oo dhalinyaro Burcad-badeeda ah oo ku jirey Xabsiyada Seychelles kuwaas oo xukunaa inta u dhimana xukunooda ku dhameysan doona Boosaaso.
Mr. Duceynsane, waxa uu sheegey in Puntland ay horey u ballan qaadey in Burcad-badeeda Soomalida ah uu ku xiran wadanka Seychelles la keeni karo Puntland iyada oo aan loo eegeyn qabiilkiisa iyo gobolka uu ka soo jeedo siydaasdarteedna ragan la keeni doono.
Magacyada Dhalinyrada Burcad-badeeda ah ee Boosaaso la keenayo:
1. Abdullahi Mohamed Hussein (Darood/Majeerteen)
2. Salat Mohamed Derie (Hawiye/Habargidir)
3. Ina Mire Muse (Darod/Majerteen/
4. Abdi Ahmed Farah (Darod/Marehan),
5. Abdi Kadir Hashi Awale (Hawiye/Habargidir).
Puntlandpost.com