Shirweynha Dustuurka Puntland
Shirweynaha ansaxinta Dustuurka Puntland wuxuu furamayaa Abriil 15, waxaana ka soo qayb-gelaya 480 ergey oo laga soo xulay dhammaaan gobolada Puntland.
Dustuurku wuxuu qeexayaa in sharcigu cid walba ka sarreeyo, shareecada islaamkuna tahay saldhigga lama dhaafaanka ah ee Dastuurka.
Dustuurka Puntland waa bilowga siyaasad furfuran iyo doorashooyin xor ah.
Dustuurka Puntland wuxuu dadka u ogolaanayaa in ay soo doortaan dadkii hoggaamin lahaa ee qabanayay maamulka dawladda,
Dustuurka Puntland wuxuu qof kasta xaq u siinaya inu u tartamo oo qabto jagooyinka dawladda
Dustuurka Puntland waa dustuur dimoqraadi ah oo la raacayo codka bulshada inta badan, isla markaas ilaalinaya bulshada inta laga badan yahay, haweenka iyo dhallaanka.
Dustuurka Puntland wuxuu caddaynayaa in dadku u simanyahay dhammaan fursada, sida xilalka, cod-bixinta, shaqada, waxbarashada, iwm.
Dustuurka Puntland wuxuu ilaalinayaa karaamada iyo xurmada qof kasta , wuxuuna sugayaa xoriyada qof kasta.