BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Soomaaliya oo ku socota siddii 1991-dii oo kale (Xog Rasmiya iyo Rajo darro)

December 24, 2012 12:27 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Nairobi: (pp)- Warar sugan oo ay Puntlandpost soo xigatay ayaa sheegaya in Soomaaliya 22 sano kaddib ay ku socoto siddii 1991-dii si u dhow, waxaana Soomaaliya inay siddaas ku laabato ka shaqaynaya rag siyaasiyiin ah oo ugu horeeyo Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Culusow.

Geele,C/qaasim, Xasan

Soomaaliya waxaan ku celinaynaa siddii 1991- dii


Puntlandpost oo soo xiganaysa Shirkii Madaxweynaha DF ee Soomaaliya uu la yeeshay dowlada Kenya 3 Casho kahor ayuu madaxweynuhu  dowlada Kenya u sheegay hadafkiisa siyaasadeed, kaas oo ka yaabiyey dowlada kenya , markii danbena markii ay ku wareereen siyaasadiisa ay ka saxiixdeen dhowr qodob oo dowlada Kenya muhiimad gaar ah u lahayd.

Tuhunka Weyn xagee ka jiraa??

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa kulankii uu la yeeshay  dowlada Kenya waxyaalaha uu u sheegay waxaa ka mid ahaa in  dowladiisu ay ka go’an tahay siddii  Soomaaliya ay ugu soo celin lahaayeen 18-kii gobol ee ay Soomaaliya ay ahaan jirtay, maamulada ka jira Soomaaliyana ay baarlamaanka Soomaaliya ay u codaydoonaan inay federaal sii ahaadaan iyo inkale , arrinkaas oo ka yaabiyey dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa Weydiisay madaxweyne Xasan inuu Charterka Federaalka iyo waxa ku qoran uu wax ka yaqaan iyo inkale iyo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay laga soo bilaabo 1991-dii , arrimahaas oo uusan ka jawaabin, kuna adkaatey inuu ka jawaabo, waxayna arrintaan ay cadayn u tahay riyada aan ku dhisnayn waaqiciga ee uu aaminsan yahay Madaxweynaha Df ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin ka soo Jeeda Beesha Daarood oo wax badan ka shifay

Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Daarood oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya  in ay Madaxweynaha marar badan ay ka maqleen hadalo ay ka mid yihiin in Puntland siyaasadeeda aan la qaadan karin ee ku dhisan Federaalka , isla markaana loo baahan yahay in  laga hortago in Maamul kale oo Federaal ah uu ka hirgalo Jubbooyinka, waxayna siyaasiyiinta ay Puntlandpost soo xiganaysa ay xaqiijiyeen in aysan shaki kaga jirin in Madaxweyne Xasan uu ku mashquulsan yahay Siyaasado lug ku leh xag jirnimo & Daarood nacayb, haddaana lala xisaabtamina waqti quman Madaxweynaha,  ay  Soomaaliya ay ka dhacayaan Dagaalo qabiilo ku dhisan oo xiriir la leh kuwii Soomaaliya ka dhacay 1991-dii.

Puntland oo lagu dayayo in la iska horkeeno

Warar kale oo Puntlandpost soo xiganayso ayaa sheegaya in Madaxweynaha & raga siyaasada la ah ay lacago ku bixiyeen , diyaarna ay u yihiin in lacago kale ay ku bixiyaan siddii Puntland qas siyaasadeed looga samayn lahaaa oo ku salaysan iska horkeen u dhaxeeya dowlada Puntland iyo Kooxaha mucaaradka, arrinkaas oo loo adeegsanayo shaqsiyaad dhuuni qaatayaal oo u dhashay Puntland, waxaana Xusid mudan in hadda ka hor siyaasiyiinta mucaaradka midkood laga maqlay inuu saxaafadana uu ka sheegay in dowlada Federaalka ay soo dhexgasho arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland , hadalkaas oo xiriir la lahaanaya in dowlada Federaalka ay Lugweyn ku leedahay xoojinta iyo lacag ku bixinta kooxaha mucaaradka si Puntland looga abuuro qalalaase siyaasadeed , isla markaasna ay u fududaato inaan lagu guulaysan maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka.

Beesha Daarood oo si guud u heshay sirro Xasaasiya

Siyaasiyiinta Beesha Daarood ayaa waqtigan ah kuwo si buuxda u haya warbixino muujinaya in la isku dayayo isla markaasna Xagal daacin loogu samaynayo Baraamijka Federaalisimka , iyo isku dayida la isku dayayo in Puntland la bur-buriyo arrinkaas oo ay ku tilmaameen arrin Maalin cad lagu riyooday, Waxayna siyaasiyiintan qaarkood ay ku tilmaameen isku dayida la isku dayayo in soomaaliya loo horseedo dhibaato ay tahay mid nasiib darro ah, haddii ay arrimaha sidaas ku sii socdaan ay keenayso in Beesha Daarood ka fariisan doonaan ahaanshaha Caasimada ee magaalada Muqdisho, maadaama dowlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata la isku dayayo in lagu dumiyo Soomaaliya  isla markaasma mararka qaarkood  looga shaqaynayo in wax lagu yeelo beelaha Daaroodka, taas oo marka danbe keenaysa in la kala tashado halkaasna lagu waayo Qaran Soomaaliyeed.

Puntland oo si fiican u ulla socota shirqoolada Dowlada Federaalka.

Calanka-PuntlandDowlada Puntland, siyaasiyiinta qaarkood oo aan arrimahan wax ka weydiinay ayaa sheegay in ay wax badan ka warqabaan , isla markaasna ay la sugayaan waqtiga munaasibka ah ee ku haboon ayna  ka hadli doonaan  falalka ay ku kacayso dowlada Federaalka ah iyo inay ka soo horjeedo barnaamijkii Federaalka ee dowlada lagu soo dhisay.

Wasiir kasoo jeeda Puntland oo lagu dayey Su’aalo Maldahan

Wasiirka Maaliyada DF & ishaashiga Caalamiga ee DF, Maxamuud X. Suleymaan

Wasiirka Maaliyada DF & ishaashiga Caalamiga ee DF, Maxamuud X. Suleymaan

Wasiirka Maaliyada, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee DF ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo asbuucii la soo dhaafay laga waraystay Radio Muqdisho oo wax laga  weydiiyey sababta Dowlada Federaalka ah ay u dhex geli weysay arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa Wasiirku sheegay in Puntland ay ka jiro maamul goboleedyo  dowlad federaal ah ku shaqeeya  , iyaga ay u madax banaan yihiin howlhooda gaarka ah , waxaana filayaa buu yiri Wasiirku in dowlada iyo Mucaaradkaba uu ka weyn yahay sharciga u yaal  Puntland, wixii khilaaf yar yar ee jirana ay u taal Isimada Puntland sidda lagu yaqaanay dhaqanka ka jira Puntland, wuxuuna Wasiirku hadalkiisa kusoo gaabiyey in Wax lug aysan ku lahaan karin DF dhanka Puntland aan ka ahayn taageero.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey arrimaha Jubbooyinka ayaa mar kale ku celiyey in dhismaha maamulkaas ay u madax banaan yihiin dadka deegaanadaas degan sidda uu qorayo axdiga kumeel-gaarka ah , wuxuuna Wasiirku meeshaas ka asaaray in Dowlada  Federaalku ay Xaq u leedahay in ay Maamulo u magacowdo deegaanada Jubbooyinka.

maxaa keenaya in la  xagal daaciyo Federaalisimka..

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa qaba sababta Madaxweynaha & raga la siyaasada ah ee la taliyeyaasha u ah  sidda  C/qaasim Salaad Xasan (booy) iyo la taliyihiisa Labaad Ismaaciil Cumar Geelle, ay wataan Fakir ah in Magaalada Muqdisho laga maamulo Soomaaliya siddii waqtigii ay dowladii dhexe ka jirtay Soomaaliya wixii ka horeeyey 1991-dii , oo Jaamacad haddii ay noqoto, Isbitaalo, baasaboor loo soo doonto magaalada Muqdisho, iyagoo meesha ka saaraya wixii dhib ahaa oo Soomaalida kala gaaray laga soo bilaabo 1991-dii iyo wixii ka danbeeyey, waxayna qabaan inay Sharciga Federaalka ay laali karaan , haddii Laaluush & Qabiil loo adeegsado Charter-ka dowlada Federaalka u degsan.

 

Fakirka ay qabaan Xasan Culusow iyo ragga la taliyeshaas u ah waxaysan ka warqabin in Sharciga Federaalka ku qoran uusan u ogolaanayn in Baarlamaan iyo Tirro la laaluusho aan lagu bedeli karin Sharciga Federaalka , waxaana Axdiga Federaalka uu dhigayaa in Shacabka Soomaaliyeed oo dhan oo Afti laga qaado wax looga badali karo sharciga  dowlada Federaalka u yaal.

Meeshaasna waxaa laga dareemi karaa  ama si cad u qeexan in aan si laab lakac oo Caadifad ay ka  dheehan tahay  aan lagu badeli karin Sharciga Federaalka u yaal oo arrinku  diiradaas wax lagu fiiriyey uu ka fog yahay. Waxaa kaloo hab dhaqanka Madaxweyne Xasan Culusow laga dareemi karaa in lugaha la galay  howlo uusan aqoon u lahayn ama uusan qaadi karin awoodeeda  marka laga hadlaayo  Miisaanka hanaanka dowladeed  ee loo dhiibay.

Sikastaba, waxaa siyaasiyiinta aan wararkana ka soo xiganay ay sii xoojinayaan Warar iyo faallooyin ay Puntlandpost marar badan ka qortay dowlada hadda jirta iyo sidda ay u shaqaynayso ugana soo horjeedo in aan wax maamul ah oo federaal ah aysan ka hirgalin deegaanka Jubbooyinka, waxaana taas ka sii daran wararka isa soo taraya ee sheegaya in Puntland dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira ay Lug weyn ku leeyihiin madaxweynaha & ragga la siyaasada ah.

Bal aan eegno in Sharciga  Federaalka in  siddaas lagu bedeli karo , Waqti  ay ku xiran tahay in la helo Soomaaliya oo wada xor ah iyo  shacabka Soomaaliyeed oo dalbada  in loo codeeyo.

Fillo Warbixino kale inshaaálah

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA