Sport: (PP)- Kooxda Barcelona ayaa Caawa bar bardhac la gashay Kooxda Villa Real,kaddib markii ciyaarta ay kus oo idlaatay 0:0
Inkasta oo ay Barcelona ay isku dayday inay ka guulaysato kooxda Villa Real ayna dhumiyeen Jaanisyo fiican, haddana waxaa u suurta gashay Villa Real inay Hal dhibic ay ka qaadato kooxda Barcelona oo koobka La liga uga jirta sanadkaan kaalinta Labaad.
Dhanka Kale Real Madrid ayaa 3-1 kaga badisay Real Zaragoza, iyadoo goolasha ay u kala dhiliyeen Real Madrid Kaka, Ronaldo iyo Ozil, halka Real Zaragoza ay keensatay 1 gool oo kaliya.
Kaka oo waraysi siiyey saxaafada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay keentay kooxdiisa, isagoo sheegay inay soo bandhigeen cayaar wanaag ayna filayeen inay badinayaan, wuxuuna dhanka kale sheegay inay isu diyaarinayaan cayaarta danbe ee soo socota.
Real Madrid ayaa la dhaqaaqday Sadex dhibcood , iyagoo ka sareeya kooxda Barcelona 7 dhibcood.
Tababaraha kooxda Real madrid ayaa aad ugu faraxsanaa guusha ay la hoyatay Real madrid, isagoo ka rajo qaba inuu sanadkaan ay kooxdiisa qaado koobka La Liga ee horyaalka dalka Spain.
Gardiolla oo ah tababaraha kooxda Barcelona ayaa caawa ay ka muuqatay niyad jab , isagoo rajaynayey inay afka Ciidda u daraan kooxda Villa Real, laakiinse la galay bar bardhac, iyagoo kala qayb saday dhibcaha.
Daabacaadda: Puntlandpost.com