BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

SPORT: Chelsea oo xalay Champion League ( Rogoore-yaal 4-3) kaga adkaatay Bayern Munich

May 20, 2012 9:58 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Sport: (pp)- Kooxda Chelsea ayaa xalay kooxda Bayern Munich kaga adkaatay Rigooreyaal 4-3 oo ay guusha ku raaccay kooxda Chelsea.

Chelsea oo guulasatay Champion League

Khubarada ka faalaada Champion League ee xalay faalaynayey Cayaartii dhexmartay Chelsea VS Bayern Munich ayey isla wada qireen in kooxda Bayern Munich ay jaanisyo wanaagsan ay dhumisay ay ku weyday inay Guusha hesho, waxaana xusíd mudan in Bayern Munich goolkii 1-aad ay hesgay daqiiqadii 83-aad, ayna difaacan weyday 10-kii daqiiqo ee cayaarta inay guusha hesho.

 

Guuldarada kale ee Bayern Munich ay ku seegtay Koobka ayaa ahayd kaddib markii Rigoore ay guusha ku raaci kartay Bayern Munich uu dhumiyey Arjen Robben oo xalay Qayb weyn ka ahaa cayaaryahanadii muujiyey cayaar wanaaga , kubada khatar ah-na lugaha marar badan  u geliyey weeraryahanada Bayern Munchen.

Waxaa xusid mudan in Drogba uu Goolkii bar-bardha uu kooxdiisa Chelsea uu u keenay daqiiqadii 89-aad, halka Goolkii ugu danbeeyey ee Rigoore-yaasha, guushuna ay ku raacday Chelsea uu isla isagu u keenay , wuxuu Darogba lagu tilmaamay inuu ahaa ninkii Lugihiisa ku keenay Guusha xalay raacday Kooxda Chelsea.

Waxaa kaloo xusid mudan in Labada kooxood ay xalay soo bandhigeen cayaar wanaag  oo aad u deganayd , isuna muujiyey xushmad wanaagsan.

Bayern Munich, ayaa qaadan weyday guuldaradii ay xalay la dheelmatay , iyagoo kooxda Chelsea nafteeda ay riyo ku ahayd in ay qaado Kooxbka Champion League.

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA