Sport: (pp)- Louis van Gaal ayaa maalinkii shalay lagu dhawaaqay inuu yahay tababaraha cusub ee xulka Qaranka Holland , kaddib markii xulkii Qaranka Holland ay guuldarro kala kulmeen koobkii Qaramada Yurub ee sanadka 2012-ka.
Tababarihii hore ee shaqada ka tegay Bert van Marwijk ayaa shaqada isaga fariistay, kaddib markii koobkii Qaramada Yurub uu kala kulmay sadex jeer oo guuldarro ah.
Tababaraha la magacaabay Louis van Gaal ayaa ah nin qabiir ah oo Caalamka aad looga yaqaan , isagoo horay u soo qabtay Xilka tababaranimada Xulka Holland sanadkii 2000 illaa 2002-da, isagoo waqtigaas shaqada isaga tegay khilaaf darteed, wuxuu kaloo Val Gaal horay u soo tababaray kooxaha Caalamiga ah ee Ajax, FC Barcelona iyo Bayern München.
Wakaalada Sportiga ee dalka Holland oo warsaxaafadeed qabatay magacaabida Van Gaal kaddib, ayaa sheegtay in Tababare Van Gaal uu yahay shaqsi gaarsiisan ee heer Caalami , iyagoo ku tilmaamay inuu yahay tababare xilkas ah isla markaasna hanan kara masuuliyada Tababaraha xulka qaranka ee Holland.
Puntlandpost, Sport