SINGAL MAADAR
(SINGEL MOTHER)
Samatar .M. !0Filasoofi!1
samatar22@yahoo.com
Qaybtii Iaad
Daba-taag hadba intay doc u baartay armaajada dharka
ay ku kaydsato ayeey ka wayday hoos-gashi nadiif ah,
oo ay maanta qaadato. Maanta waa inay baxdaa, waloow
ay tahay xilli aad u qabow, darajada cimiladuna ay
muujinayso tabane toban ah (mines 10). Markay aragtay
waqtigii inuu isa soo gurayo, meel ay ka hesho
hoos-gashi nadiif ahna ay wayday, ayaa markii danbe,
Alle-ma qaade wiilkeedii Tukulush wuxuu armaajada
dalawgeeda ka soo haabtay hoos-gashi sanad iyo bar ka
hor si qaab daran loogu tuuray halkaas.
Waxay ahayd sanad iyo bar ka hor markii
Biciid-Geesoole laga eryey gurigga. Waxaa loogu yeeray
ciidanka amniga oo gurmad degdeg ah ku yimid gurigga,
iyadoo Daba-taag adeegsatay lambarka 911 ka dib
goortuu in muddo ah Biciid Geesoole ku hayey jir-dil,
isagoo mar walba geesihiisa fiiq-fiiqan, ee
taag-taagan hadba doc uga mudayey Daba-Taag. Hanjabaad
iyo hoos-u- dhig qiime dilay nafteedana ku caburiyey.
Daba-taag, oo ay maskaxda ka cuneen carruurteeda
iswada da!/da le!/eg, uuna ugu weyn yahay Tukulush,
waxaa xiga Bakayle iyo Baar-qab oo mataane ah iyo
Dumad, oo ah inanta keliya ee u dhalatay qoyska reer
Biciid-Geesoole?, mise waxaa la oran karaa !0Qoyska
reer Daba-taag!1, maadaama Biiciid-Geesoole muddo
sanad iyo bar ku sugan aanu reerkiisa xataa soo
barriidin. Cajaa!/ib badanaa!
Waxay Daba-taag jirkeeda ku boobtay, intay boorka ka
jaf-jafatay surwaalkii hoos-gashiga ahaa ee uu qaadan
jiray ninkeedii hore ee Biciid-Geesoole, islamarkaana,
iyadoo nafteeda kelinmada iyo murugada la tukubaysa
kula qanbiyeeysa: !0Maxaan sameeyaa, dhar kale oo
nadiif ah ma haysto, qabowgana hoos-gashi la!/aan ma
bixi karo!1 Haddana waxay hadalkii raacisay, waxaaba
taas iiga sii daran, maalin walba dhar ayaan dhaqaa,
dhar aan leeyahayna ma mayrto. Dhib badanaa! Ciriiri
badanaa dunidan, dumarkana u diranaa dunida!
- Hooyo, waa sulwaalki aabbe. Sulwaalki aabbe miyaad
gashanaysaa?, Tukulush ayaa hooyadii weyddiiyey,
isagoo si fajac leh u eegaya hooyadiis. Intaas goortuu
Tukulush xasuusiyey hooyadiis ayeey Daba-Taag ilmo
kulul fow ka soo yiraahdeen labadeeda indhood, ka
dibna intay dib u jeesatay, iyadoo ka qarinaysa
carruurteeda murugada haysata bay mar gacanteeda
jilicsan isaga masaxday.
Saakay aroortii ayeey kacday Daba-Taag, shantii
subaxnimo, quraac karin iyo quraac siin ka dib, weli
waxaa afka ku soo kala haya fulinta hawla badan.
Tukulush dugsiggga inay u dirto, xanaanada inay
Bakayle iyo Baarqab ku hubsato. Dumad inay dhakhtarka
u qaado, soo-adeeg, dhar-dhaq, guri nadiifin, ka soo
qaadida caruurta dugsigga iyo xanaanada carruurta,
halka Biciid-Geesoole oo wax ka dhalay carruurta uu
baashaalayo maqaayadaha shaaha laga cabbo. Meeday
haddaba nafteedii qaaliga ahayd?.
Waa Singal Maadar!, naf iyo xuquuq ma ku leedahay
bulshada?, Ixtiraam iyo tixgelin ma ka dhex mudatay
bulshada dhexdeeda?. Sow bulshada kama doonayso inay
noqoto naag nadiif ah oo udgoon, naag dhalaankeeda
aysan ka muuqan dareen rajo, oo il-daran, naag
caafimaad qabt oo ragga soo jiidata, gurigeedana had
iyo goor cuud iyo catar uu ka soo kahayo! Waa sharciga
aan dhignayna ee Singal Maadarada quseeya, haddii
kale, iyadoo markii horaba Singal Maadar ahayd,
haddaysan raacin xeerarka ay bulshada u dhigtay,
bulshadu waa ay dayrin
Weligeed gaari ma kaxayn Daba-Taag, baraf iyo qabow ay
aragtana waxaa ugu horeeya Maraykan. Dabat-taag waxaa
ka muuqda daal, diif, murugo iyo inay tahay far keliya
ee aan ku filnayn nafteeda, carruurteeda, hawsha
guriggeeda, hadday muujiso dareenkaas culus iyo itaal
daridaas aadanimo, bulshada il-xun iyo yas ayeey ku
eegaysaa, waayo waxay burisay sharciga u qoran Singal
Maadarada, oo ay bulshada u dhigtay.
Waa la qiime tirayaa, sidaa darteed Daba-Taag jabkeeda
waa inay qarsataa. Dhab ahaantii, Daba-Taag, waa ka
adag tahay hawsha aqalkeeda iyo carruurteedaba, ee
waxaa arbushaad saamaysay maankeeda iyo falkeedaba ku
riday qurbaha, gaar ahaan Ameerika, iyadoo la qabsan
weyday cimilada marna aad u qabow, marna aad u kulul,
waqtiyada dalka oo isbed-bedela, afka shisheeye oo
aysan gebigiisaba fahmin, nidaamka wadanka u
shaqaynayo, waxaas oo dhan ayaa khal-khal geliyey
nafteeda.
Intaas waxaa u dheer Daba-Taag xayaawanka u badan
labka ee isugu jira xayaan dib-joog ah iyo mid
guri-joog ah, oo had iyo goor u gaarsanaya, kii ay
gacan weyddiisatana sharuud uga dhigaya inay siiso
abaal marin. Weli Daba-taag iyadoon carruurtii kaxayn
ayaa taleefan soo dhacay:
- Halow, wa!/ayo?, Daba-taag, oo yaaban, kana
welwelsan nolosha iyo xaalada ay ku sugan tahay,
niyadana ka leh Maraykan ma imaadeen, haddaan ogahay
inaan sidan noqonaya, ayaa weyddisay
- Waa Qallanjo, Nayroobi ayaan kaa soo wacayaa,
hooyadaa booliska Kenyaatiga ayaa saakay qafaashay,
waxaa lagaa rabaa lacag degdeg ah, oo hooyadaa lagu
soo furto inaad soo dirto, haddii kale way
tarxiilayaan. Aabbahaana waa sakaraat, degdeg wax ugu
soo dir.
- Aaway hooyadeey hadda? Maxaa ku dhacay aabbana?,
iyadoo aan jawaab helin Deba-taag ayaa taleefankii si
lama filaan ah uga go!/ay.
Markiiba waxaa isbeddelay Daba-taag hormoonada
jirkeeda. Illin kulul ayaa Daba-Taag labadeeda dhaban
ku soo qubatay. Waxaa maskaxdeeda ku bilowday welwel
iyo walaac hor leh, oo ay u dheer tahay dhibka
bulshada iyo culayska nolol maalmeedka Ameerika.
Waxaa intaas u dheer in maanta kowda iyo barka
duhurkii laga rabo maxkamada si loo dhamaystiro
dacwada dheeraatay ee u dhaxaysa iyada iyo ninkeedii
hore Biciid Geesoole. Waxa kale oo laga rabaa inay
farmashiga Wallgren ee ku yaala waddada Franklin, ugu
danbayn shanta galabnimo in ay ka soo qaado dawada
asmada, oo gabadheeda yar oo ay jeceshay ee Dumad ay
si ba!/an ugu baahan tahay. Haddaysan caawa soo qaadin
daawada cudurka neefta, siduu dhakhtarka u sheegayba,
inanteeda Dumad waxay qarka u saaran tahay geeri ama
nolol midkood.
Naxdin iyo walbahaar ayeey Daba-Taag jiq la tahay. Cid
ay ciirsato caawa Alla ma taqaan. Hadday taleefan u
dirsan lahayd Gool-Libaax ee carruurta ayeeydood ah,
islamarkaana dhashay abbahood Biciid-Geesoole, cid
dheg-jalaq u siinayso ma jirto, oo waxaa hortaal
warcelin ah: !0Baarigii aan dhalay ee Biciid-Geesoole,
naagta dugaag duur-joog ah gacanta u gelisay, waxba
kuma darsanayo!
San-ku-neefle oo dhan wuxuu Daba-Taag ugu yeeraa magac
qura, magac laga naxo ee sida ceeb iyo magic-xumi.
Magac tusya inay tahay qof dumar ah ee madax-adag,
inay tahay qof dumar ah ee kulul, qof dumar ah ee aan
gar-qaadan. Waxaa loogu yeeraa !0Singal Maadar!1, oo
mee magacii aabbaheed iyo hooyadeed ula baxeen?.
Magacii quruxda badnaa ee Daba-Taag?! Daba-Taag waa
naag jecel madax-bannaanida, sababta loogu baxshay
Daba-taag ayaaba ah, waayo sida ugaadha dabataagta ay
duurka cidlada ah hadba doc ugu dhiqlayso, xayawaanka
intiisa kalana gees uga cararto, iyadoo dareemayso
inay ka madax bannaantahay xayawaanka oo dhan si la
mid ah ayaa laga dhan-dhansadaa ficilkeeda iyo
maankeedaba. Waa sababta keentay Biciid-Geesoole inay
is-af-garan waayaan.
Waxa kale oo yaab ku riday Daba-Taag bulshada
habar-dugaag iyo habar-guri joog, inta cirka duusha,
inta xamaarata, inta ku nool beri iyo biyahaba waxay
Daba-Taag iyo inta ku jirta xaaladeeda oo kale ay u
soo diraan habaar iyo nacalad kulul, sidii iyadoo
danbi ka gashay oo kale. Amankaag badanaa!, ayeey
niyada iska leedahay mar walba, bal maxaan
galabsaday?. Danbigayga waa Singal Maadar, bulshadana
waa i xukuntay, intay maxkamada i soo taageen.!
Sidoo kale, hadday maanta taleefan u dirsan lahayd
saaxiibteed Sagaaro Minjo-yar, isbitaal ayeey xalay la
gashay wiilkeedii Atoor, mideeda kale Sagaaro
Minjo-yar iyadaaba Singal Maadar ah oo u baahan gacan,
maxay u qaban kartaa Daba-taag!. Waxay dabadeed
goosatay Daba-Taag inay marka hore dukaanka cunada ee
Kaab-Fuudh (Cub-Food) la yiraahdo ka soo adeegato,
carruurteedana kaxaysato, yaa u garab iyo gaashaan ah
oo ay uga tageysaa carruurteeda?, cidna, waa inay
suuqa u jiidaa dhammaantood. Gaarigga carruurta waxaa
is-dhaafay musbaarada isku haya lugta bidix, inkastuu
gaarigga soconayo, haddana wuxuu u baahan yahay in
lugta qariban dib la isugu celiyo.
Si xoog leh, oo ciil iyo caro ay ka muuqato intay
Daba-Taag u soo dhifatay Dumad iyo Baar-qab ayeey
dusha uga tuurtay gaarigga carruurta lagu kaxeeyo,
Tukulush iyo Bakaylana gacanta isqabsada ayeey amar ku
siisay, iyadoo ku qaylinaysa cod qaylo dheer. Waxaa
Daba-Taag maskaxdeeda ka diryaamaya welwelka hooyadeed
iyo aabbaheeda. Ma iyadaaba niyad u haysa carruur inay
u ciidanto. Waxa kale oo maskaxdeeda ka dhex
dhawaaqaya walbahaarka ay ka qabto maxkamada maanta,
oo aanay haysan cid garab fariisata, oo hiil iyo hooba
siisa. Cid niyada u dhista u raacda maxkamada, una
miciinta. Waxay fool-ka-fool maanta u arki doontaa
Biciid-Geesoole, oo aysan arag muddo dhan sanad iyo
bar.
Bannaanka markay u soo baxday Daba-Taag iyo
carruurteeda, waxaa buuxshay baraf tira badan, oo
qarinaya ilaa labadeeda kub ee kuus-kuusan. Gaarigga
carruurta oo la kaxeeyaa xaggeeee joogaa!, Aadana laba
addin leh ayaan jaanta qaadi Karin. Gaaigga carruurta,
oo weliba halaysan, warkiisa iskaba dhaaf! Waxaase, ha
yeeshee, u furan Daba-Taag iyo carruurteeda wadiiqo
yar oo barafka laga xaaray saakaydii hore.
Dukaanka hilib-xalaalka xaafada ku yaala ayeey
Daba-Taag ka sii gadatay hilib ari, xifaayado, cuud
iyo luubaan ay gurigga u shidato, waayo, weli waxaa
Daba-taag maankeeda ka guuxaya shirka gurigeeda lagu
qaban doono toddobaadka soo socda, oo ay odayaasha
qabiilka reer Daba-Taag, reer Garannuug iyo reer Deero
ku yaalan doonaan, halkaas oo lagu jeex-jeexi doono
xaalada Daba-Taag.
Iyadoo marna carruurta ku qaylinaysa, marna
dharbaaxaysa wiilka carruurta ugu weyn ayeey dhabihii
cagta saartay. In yar goortay socdeen ayaa wiilkeeda
Baar-qab oo diidan gaarigga inuu la qaybsadao Dumad
baa mar waxaa u sibkaday labada addimood. Daba-Taag
intay naxdin booday, iyadoo leh !0Bisinka!1, ayeey mar
haabatay wiilkeedii macanaa ee Baarqab. Caku!,
cimilada Minasoota naxariis daranaa, oo u daranaa
weliba hooyooyinka Singal Maadarada ah (hooyooyinka
keligood carruurtooda korsada, aabbe la!/aan). Intay
lahayd bad-baadi Baar-qab ayeey Daba-Taag isbuuratay,
oo beer-beer u fuushay wiilkeedii yaraa.
Inkastoo ay labada low murxeen, dhiigna ka tis iyo tas
leeyahay, haddana marnaba iskama dareemin Daba-Taag,
xanuun iyo dhiig inuu ka qul-qulaya labad jilib, waayo
waa Singal Maadar! Goortay Daba-Taag baraf-jafatay ka
dib, ayeey misna hareeraheeda ka waysay curudkeedii u
weynaa carruurteeda. Tukulush. Xanaaq iyo walbahaar
ayaa soo hujuumay dareemadeeda, oo hadba doc u
qaylisay: Tukulush, war Tukulsh, kumee?, xaggee ka
baxay inkaar-qabaha, oo hadalkii raacisay Daba-Taag,
Is-taaq-furulaah!
Qaylo iyo canaan badan waxay hadba ku hayso
carruurtii, iyadoo Daba-Taag jiidaysa gaariggii
carruurta, garbaha iyo murqahana ka dareemaysa xanuun
uga yimid culaabta gaarigga qaribban oo ay carruuteeda
ku riixayso, niyadana ka leh ka gaar baska u socda
dukaanka Kaab Fuudhka, ayeey mar cag-dhigatay rugta
baska laga raaco. Waxaa markiiba isa soo taagay bas
lamabar 7. Dameer-farow oo ah wadaha baska, isagoo u
muujinaya dareen hoos u dhig ah, naag keligeed
jiidaysa afar carruur ah, ayuu ka furay Daba-Taag iyo
ilmaheeda albaabkii baska.
Goortay horay u fuuleen ayaa xayawaankii baska saarnaa
oo dhan mar shib wada yiraahdeen. Qayladii,
baashaalkii iyo wada-sheekaysigii u socday mar qura
joojiyeen, iyagoo indho kulul Daba-Taag iyo ilmaheeda
ku eegaya, sidii qof gef ka gashay bulshada xayawaanka
ah oo kale.
Daba-Taag waxaa anfariir ku nqoday xayawaanka faraha
badan ee baska saaran, oo sida xun u wada eegaya.
!0Talow maanta ma Alli bari ayeey u socdaan, ayeey
niyada iska tiri!1 Daba-Taag. Cid kama maqna
habar-xayawaan maanta, ha noqdeen kuwa duur-jooga,
kuwa guri-joog iyo kuwa ku nool beriga iyo biyahaba:
libaax, dhurwaa, maroodi, wiyil, shabeel, harmacad,
dawaco, geri, dameer-farow daanyeer, gaduudane,
daba-cadeeye, saangurayo, gisi, doofaar, dooli,
jilbis, abeeso, jebiso, abeeso-lugaley, jeer, yaxaas,
fiid-meer, haad, tuke, xiddig-dhul, xuur, xoor,
gorgor, guumays, eey-duureed, goronyo, diin, qubo iyo
in kale oo badan, oo ay maskaxdeeda qaban weyday.
Iyadoo yaaban ayeey Daba-Taag iyo ilmaheeda degdeg ku
galeen dukaanka Kaab Fuudhka. Dhowr bacood oo raashin
ah iyadoo dan-daaminaysa, qaarna ay ay gacanta ku
wadato, qaar kalana ay ka lushaan madaxa gaarigga
carruurta ay ku jiidayso ayeey rugta baska misna
isa-sii taagtay.
- War watii haddana, Dameer-farow oo wada baskii ayaa
u sheegay Xayawaanka intiisii kale ee baska saarnayd.
Waa Singal Maadar tan! waa ka muuqataa, si fiican
ayeey uga muuqataa dhafooradeeda, fiiri indhaheeda,
fiiri basaasta ka muuqata oogadeeda. Naagaha Singal
Maadarka ah waxaa lagu gartaa !0shaarbo ayeey dibnaha
ku leeyihiin!1, intaas goortuu yiri ayuu qosol baaxad
ku dhuftay. Xayawaankii intiisii kale ayaa mar ka daba
qoslay. Yaan gacan u fidinaya Daba-Taag, naag Sigal
Maadar ah, cidna, iyadaa labkii guri gaystay harcad
bannaanka iska soo dhigtay.
Markay damacday inay carruurtii, gaariggii iyo
cunadiiba saarto baska, ayeey xayawaankii baska
saarnaa uga baxeen, qosol iyo hadalo daac-daacsi ah oo
ay weheliso indha-ku-gub muujinaya !0waxba kuu qaban
mayno!1.
- Waan degdegsanahay, caawa naag Singal Maadar ah
ayaan ballan la leeyahay, naga dhaqso dheh naagta,
immisa saacadood ayeey alaabta soo guraysaa?. Naagtu
ma Singal Maadar baa?, ma keligeed baa?, ma nigaanba
garan, Yaxaas afweyne, ayaa u sheegay xayawaankii
kale. Qosol iyo qaylo ayeey xayawaankii la dhaceen,
waxayna ugu dareen subcis xoog badan.
- Laba gacmood ayaan leeyahay, Ilaahay iima samayn
afar gacmood iyo afar lugood, wuxuu ii sameeyey laba
gacmood iyo laba lugood. Laba gacmood oo aan wax ku
qaado ayuu ii sameeyey, ayeey ku jawaabtay Daba-Taag,
oo si qunyar ah u soo guratay raashinkii uga buuxay
bacaha tirada badan. Daba-Taag intay carruurtii ku
hubsatay baskii dhexdiisa.
- Halkan waa Ameerika, cid-cid caawisa ma leh!,
Daanyeerkii ayaa yiri.
Wixii xayawaan baska saarnaa cidna lug iyo gacan uma
kala furin Daba-Taag, waxaana looga baxay qosol, kajan
iyo jees-jees niyad jab ku noqday iyada iyo
carruurteedaba. Markay salka dhigtay kursigii baska,
ayeey mar soo tuurtay neef xooggan oo tusaysa daalka
ka muuqda oogadeeda. Mar waxaa qosol weyn, oo
qosol-ku-jab ah ka wareegay libaax gar-weyne, isagoo
leh:
-Wadankaan waxaa xuquuqda koowaad iska leh dumarka.
Intaas markuu yiri, waxaa mar ka daba guuxay
xayaawaankii baska la saarnaa oo dhan, iyagoo ku
taageeraya hadalkiisa, oo raacshay: !0Waa kuwa
iska-fura raggooda, booliiskuna iyaga ayuu la jiraa!1,
isagoo mar walba garkiisa weyn iyo foolkiisa meegaaran
ee cayayaanka ku goobtay hadba gacantiisa ku salaaxaya
-Waxaa xuquuqda labaad iska leh wadankan waa eeyga,
xataa annaga xayawaankeena duur-juuga ah xuquuq kuma
lihin, waxaa ugu daray maroodigii, isagoo faantiisa
kor u taagaya qosol iyo kibir darti, iyadoo ay
xayawaankii kale la jiibinayaan. Waa sababta keentay
in naag weliba uu gurigga u joogo eey ama mukulaal, si
ay isaga ilaaliyaan xayaawaanka runta ah, ayuu
raacshay Maroodi faan dheere hadalkiisii.
Diil-diili-moole dameer-farow mar walba oo hadal la
sheegaba hoonka gaarigga ayuu si xoogan uga
dhawaajiyaa, isagoo weliba qoslaya. Daba-Taag, waxaa
ka soo haray naxdin iyo aamusnaan. Waxayba maskaxdeeda
jirtaa hawsha gurigga, dhibka hooyadeed iyo aabbaheed
ee Afrika ku sugan, maxkmada sugays maanta iyo
nolosheeda kale. Ma iyadaaba la haysata xayawaanka ku
dhereg-dhacsanaya nafteeda kurbaysan.
-Xuquuqda saddexaad ee wadankan waxaa iska leh ninka
cad, waxaa yiri dhurwaagii, isagoo malabsanaya,
niyadana ka raba mar inuu cad-goosto Daba-Taagtan
dhaylada ah ee agtiisa ka dhow. Ninka cad sharciga
wadankan isagaa samaystay, soona dejiyey, wuxuuna u
samaystay sharcigan dumarkeena inay nagu diraan, ayuu
ku daray hadalkiisii.
-Waa kuwaa gabdhaheenii waxay noqdeen kuwa naga tagay
iyo kuwa iska raacay gaalada cadcad iyo gaalada
madmadow, waxaa hadalkii dhurwaaga kala booday
Shabeelkii, sidii isagoo aad moodo gabdhaha inuu
leeyahay oo kale. Mar ayaa loo subciyey hadaladii
dhurwaaga iyo shabeelkaba, iyadoo baska uu ka soo
yeerayo huggun xooggan, laguna maa-weelaysanayo
Daba-Taag iyo carruurteeda.
- Intaan wadanka Maraykanka imaan ka hor, jirkayga
wuxuu lahaan jiray harag diilimo qurxoon leh, oo qaali
ah, dunidana laga jecel yahay, oo la isku dilo,
maantana, xataa naagtayda agteeda wax qiime ah kama
lihi. Dhogortaydii qaaliga ahayd, cimiladan qabow ee
barafka ah ayaa ragaasisay, ayuu Shabeel ku
calaacalay, isagoo iska dal-dalmaya.
Waxaa anfariir ku riday Daba-Taag, shaabeel, libaax,
maroodi, dhurwaa, geri iyo xayawaan kale oo iswada
raacsan, bas wada saaran, oo kuhumaya nafteeda.
- Waxaa wadanka Maraykanka xuquuqda ugu hoosaysa leh
ragga mad-madow. Waa nala xasdaa. Annaga haddaan nahay
xayawaan isugu jira habar-dugaag iyo kuwa kalaba,
waxaa nalaga keenay Afrika, dumarkayagii ayaa nalgu
diray, waa kuwaa naga tagaya, waxaa isna la soo booday
daanyeer, oo ay xayawaanka intooda badan ay ku
eedeeyaan inuu aadamiga u dhow yahay, oo la bah yahay,
sidaa darteed maba aaminaan. Daba-Taag waxaa u
cadaatay bah-dilka iyo afkaaraha ay u qabaan bulshada
xayawaanka. Iyadoo Daba-Taag weli sidii u welwelsan
ayeey gurigeeda ku laabatay, waxaana halkaas ku
sugayey ciidanka booliiska, iyadoo lagu soo eedeeyey
carruurta kan ugu weyn inuusan dugsiga imaan mudo
dhowr maalmood ah.
Waa socotaa...