BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Taageerada loo hayo Ururada Siyaasadeed ee Puntland laga dhawaaqay oo sii badanaya (Warbixin)

December 13, 2012 10:07 am GMT - Written by PP - Edited by Hirsi

Deegaanada Puntland oo ay kusii badanayaan ururada Siyaasadeed ee looga dhawaaqay,  ayaa waxaa dhanka kale sii badanaya sidda shacabka Puntland ay ugu heelan yihiin ama u taageerayaan in Puntland ay ka hirgasho siyaasada Multi party System.

Doodo badan ayaa ka dhashay sidda in Puntland ay u baahan tahay mustaqbalka in laha hirgeliyo  Xisbiyo badan oo ku loolama Jagooyinka sare ee dalka , oo meeshaas looga tagó siddii hore ee lagu soo dooran jiray Madaxda dalka oo 66 Xildhibaan oo qabiilo matala ay soo dooran jireen madaxweynaha & Kuxigeenkiisa.

Siyaasiyiin aan badnayn ayaa ka soo horjeestay  barnaamijkaas tan iyo intii ay dowlada Puntland ay ku dhawaaqday in Puntland ay ka hirgelinayo horaanta sanadka 2013-ka doorashooyinka gollaha deegaanka oo la rajaynayo inay ku loolamaan Ururo siyaasadeed  oo badan.

Xisbigii ugu horeeyey waxaa ku dhawaaqay dowlada Puntland , iyadoo maalmo kaddib ay 3 Xisbi oo kale ay saxaafada ka sheegeen inay yihiin Ururo siyaasadeed cusub, waxaana maalmo kaddib haddana ku dhawaaqay xisbigii 5-aad Dr. Saadiq Eenow, isagoo xisbigiisa & himilada uu u leeyahay Mustaqbalka Puntland meeshaas ka cadeeyey.

Waxaa deegaanada Puntland ka bilowday Xamaasad hor leh , maadaama illaa hadda 5 urur Siyaasadeed ay mowqifkooda banaanka soo dhigeen, taas oo cadayn u ah in shacabka Puntland ay taageerayaan barnaamijka xisbiyada badan ee laga sugayo inay ka hirgalaan deegaanada Puntland.

Waxaa kaloo xusid mudan in meelaha lagu qaxweeyo ee ay isugu imaadaan shacabka Puntland uu ka bilowday taageerada & falan qaynta Ururada siyaasadeed ee illaa hadda ka dhaqan galay Puntland,  buuxiyeyna shuruurada lagu noqonayo Urur Siyaasadeed.

Haddaba , ku dhawaaqida Xisbiyada sii caga-xagaynaya 5-ta , waxay Walwal siyaasadeed & niyad jab ku tahay siyaasiyiin aan laga jeclayn masraxa siyaasadeed ee Puntland , kuwaas oo propoganda ka sii dayn jiray saxaafada , isla markaasna ku hanjabi jiray in ay xaaraan tahay Xisbiyada siyaasadeed ee dowlada Puntland ay ku doonayso inay Puntland ka hirgeliso.

Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA