Tokiyo:-Agaasimaha Guud ee la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane) ayaa iminka ku sii jeeda magaalada Tokiyo ee dalka Japan, halkaasi oo uu Somalia ugu matalayo shir looga hadlayo Burcad-badeeda.
Mr. Duceysane, ayaa waxa uu yahay shaqsiga kaliya ee Somalia u matalaya Shirkan Caalamiga ah ee ka dhacaya Tokiyo, waxaana uu shirkan socon doonaa 02-06-12.
Puntland, ayaa kaalin firfircoon kaga jirta la dagaalanka Burcad-badeeda, iyada oo dad badan Burcad-badeed ah la soo qaqabatey islamarkaasna qaar la Maxkamadeeyay, qaarna dhaqan celin lagu sameeyay.
Puntlandpost.com