BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

TUBTA TOOSAN ( Mucaaradka Xukun doonka ah & Mucaaradka Isbedel doonka ah)Qore: Tarabi A. Jama

December 30, 2012 7:10 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Ismaandhaafka siyaasadeed ee hareeray inta badan goobaha lagu qaxweeyo, shabakadaha barta kulanka ama loo yaqaan “Internet”, iyo saxaafadda xorta ah sida wargaysyada, idaacadaha, iyo shaashadaha la iska arko ayaa ah kuwa sii murjiyay in si dhaba loo fahmo nuxurka dhabta ah ee Dastuurka Puntland xambaarsan yahay khaasatan kala aragti duwanaanshaha xeerarka qaarkood iyo waliba habraaciisa ku aadan doorashooyinka iyo marxalada kala guurka.

Maqaalo hore:  Nidaamka xisbiyada badan [by, Tarabi]

Dastuurka iyo Isbedelka Siyaasadeed [ by: Tarabi]

Qoraa: Tarabi Jaamac

Qoraa: Tarabi Jaamac

GUUXA DADWAYNAHA: Nidaamka xisbiyada badan ayaa noqday mid xasaasiyad siyaasadeed ka abuuray dhamaan gobolada Puntland. Ka sokow shacabka gudaha ku nool, qurbajoogta reer Puntland ayaa iyagu ah kuwa si joogta ah ugu xiran barta Internet-ka wallow aysan mararka qaarkood helin xog rasmi ah oo la isku halayn karo. Intooda bandanna waxayba isku taxalujiyaan in ay fahmaan fariimaha Dastuurka Puntland oo siyaabo kala duwan loo macneeyo. Xog sugnaan la’aantaasi waxay sii kordhisay adkaanshaha in la helo aragti ka bixin karta sawir dhaba nidaamka xisbiyada badan. Waxaa adkaaatay in si dhaba loo qeexo dadyowga u dhaq-dhaqaaqa ISBADALDOONKA IYO KUWA XUKUNDOONKA AH: ee horay loogu yaqaannay masraxa siyaasadda amase kuba cusuba.
Iyadoo dhab tahay is maandhaafkaasi, misana qormadaan waxaan ku iftiiminayaa muuqaalka uu yeesho qofka u sare kaca qabashada hogaanka sare ee dowliga ah si isbadaldoona iyo midka ujeedada dhabta ahi ka tahay waa markaagiiye CANTUUG.

Waxaa hubanti ah in dadka intooda badani malayn karaan dulucda hadalkayga. Anoo tix galinaya shacabka reer Puntland garashada ay u leeyihiin is rogroga siyaasiyiinta misana inta badan waxaa is dheeha amaba ayba dhib ku noqotaa bulshada qayb ka mid ah kala ogaashaha qofka leh sumadahaa iyo tilmaamahaa aan kor ku soo sheegay. Haddaba, waxaan go’aansaday in aan hoos uga daadago oo wax ka iftiimiyo. Arintani waxay daaha ka rogaysaa in si dhaba loo fahmo MUCAARADKA ISBADALDOONKA AH.

Ugu horayn:
1. MUCAARADKA XUKUNDOONKA:  waa kan bartilmaansada kulankii 480kii mudane ee ansixiyay dastuurka Puntland mar haduusan ku jirin; MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan dhaleeceeyaa dhexdhexaadnimada guddiga doorashooyinka iyadoon lagu hayn faldanbiyeed cad.
2. MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan ka horyimaada hadba maamulada jira markii lagu dari waayo dismaha dowladda; MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan hadba maamulka jira wax ka sheegaa markii jagada laga qaado ama halkii uu rabay loo magacaabi waayo.
3. MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan sallaan ka dhigta beesha uu ka dhasay iyadoo loo macnaynayo in ay ku dulman yihiin maamulka; MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan inta badan yimaada markay doorashadu jirto isagoo ka dhawaajiya himilooyin uusan xaqiijin karin.
4. MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan ilmahiisa wax barasho ugu dirsada wadanka dibaddiisa iyadoo beesha ilmaheeda loo dhiibo Ak-47 si ay u difaacaan; MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan ku mashquula kursiga qabsashadiida iyadoo aan wax ixtiraama loo hayn baarlamaanka, Isimada, iyo bulshada inteeda badan waxay isku waafaqeen; MUCAARADKA XUKUNDOONKA waa kan qiimayn kari waayaa siyaasadda amni iyo midda dhaqan dhaqaale ee mandiqada ka jirta.

DHANKA KALE:

1. MUCAARADKA ISBADALDOONKAWaa kan aragti dhaba ka haysta nolosha dadka soona bandhiga waxqabad ku jaango’an baahida dhabta ah; MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan safaro ku mara dhamaan mandiqadda iyadoo la darsayo xaaladda nololeed ama dhaqandhaqaale ee ka jirta gayiga garowsiyana ka bixiya maamulka markaa jooga waxa uu qabtay.
2. MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan si ka fiirsasha leh u timlaama wixii maamuladii ka horeeyay ka gaabiyeen si loo dhamaystiro ama keena aragti kaga hoboon tan maamulku hayo; MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan ka fogaada kicinta beelaha iyo ku faanidda gobolka si xukun loo helo.
3. MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan leh karti iyo hufnaan hogaamiyeed oo dhab ah; MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan tixgaliya aragtiyaha kala duwan si masiirka umadda aan loo galin khalkhal iyo jahwareer.
4. MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan arki og faldanbiyeedka ka dhalan kara hadal si khaldan looyiri oo leh aragti guracan; MUCAARADKA ISBADALDOONKA waa kan ka gaabsada wararka xaqiiqda ka fog ee ay qoraan barta Internetka danta guudna tixgaliya.
Adaroska siyaasadda Puntland ee nidaamka xisbiyada badan waxay u muuqataa in MUCAARADKA ISBADALDOONKA saldhig ka dhigteen dastuurka cusub. Waxay garwaaqsadeen in Barlamaanka ku yimid rabitaanka ISIMADA akhriyeenna dastuurka Puntland kana doodeen 141-Qodab iyo labada Lifaaq daraasad dheer dabadeedna u codeeyeen meelmarintiisa. Waxay garwaaqsadeen in gudiga doorashooyinka soo xulidda ergada la kaashadeen bulshada salaadiinteeda iyo waxqaradkeeda. Waxay garwaaqsadeen in ergo 480 ahi oo ka kala yimid bulshada qaybaheeda kala duwan (Sida ergada Gobolada, ururada bulshada, qurbojoogta, iyo shaqaalaha dowladda) muddo fadhiyeen caasimadda Garowe si loo fahmo dastuurka Punltand kana doodeen aakhirkii 141-Qodab iyo labada Lifaaq taasoo ugu danbayn cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen dastuurkii. Waxay garwaaqsadeen in ISIMADA ugu tunka wayn Puntland fadhiyeen halkii lagu go’aamiyay dastuurka isla markaana iyagu leeyihiin iclaaminta shirwayne qaran ka sokow dowladda.Waxay garwaaqsadeen in gudiga doorashada yihiin hay’ad ka madax banaan dowladda, ansixiyayna GOLAHA BAARLAMAANKA PUNTLAND leedahayna karti ay wax ku meel mariso. Waxay garwaaqsadeen in la gaaray xiligii laga gudbi lahaa qori iskudhiibka siyaasadaysan ee xukunku ku kaliyoobay qayb ka mid ah bulshada. Waxay garwaaqsadeen in nidaamka xisbiyada badan yahay TUBTA TOOSAN ee looga bixi karo wax ku qaybsiga qabaliga iyo in qofwalbaa codkiisa si xora u dhiiban karo.
Guntii iyo Gunaanadkii, anigoo tixraacaya sumadahaa iyo tilmaamahaa, waxay u egtahay in dowladdu waxuun horumara ka samaysay ku qancinta shacabka nidaaamka xisbiyada badan. Garowsiyahaas wuxuu keenay in ugu yaraan SHAN URUR SIYAASADEED is diiwaan galiyeen qaar kalena dhabada soo hayaan. Si wajiga labaad ee nidaamka xisbiyada badan u taaba galo, waxaa talo soo jeedin mudan in Dowladda Puntland iyo mucaaradka ISBADALDOONKA ahi si toosa ula shaqeeyaan Gudiga Doorashooyinka iyadoo la ixtiraamayo qawaaniinta u dagsan mandiqada. Maamulka Puntland waxaa la gudboon in ay soo dhawayso kala aragti duwanaanshaha salka ku haysa nabadda, isixtiraamka, iyo horumarka. Waxaa xasuusin mudan in dabkii baxaya biyo ku shubid mooyee xaabo ku kordhis lahayn. Maamul iyo mucaaradba hadba xurmada shacabka u hayaan waxay ku xirnaan doontaa inta ay ka dhaqan galiyaan DASTUURKA DALKA.

………………..DHAMAAD…………..

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA