BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

UJEEDO: Bayaan- Baaq ku socda Puntland. Waxgaradka Beesha (SADE-DAAROOD) ee North America.

December 9, 2012 2:34 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Ku: Baarlamaanka Puntland

Ku: Xukuumada Puntland

Ku: Isimmada Puntland

Ku: Xisbiyada Puntland

Ku: Culuma Udiinka Puntland

Ku: Ururada Haweenka Puuntland

Ku: Waxgaradka iyo Ururada Dhalinyarada Puntland

Ujeedo: Bayaan- Baaq ku socda Puntland.

Bayaan  Beesha Sade Daarood ay ka soo saareen Puntland

Dhamaan Issimada, waxgaradka, Aqoonayahanada iyo dhamaan Shacabka Puntland, waxaan xusuusineynaa in loo baahanyahay in loo istaago midnimada, ilaalinta iyo adkeynta amniga guud ee lama taabtaanka ah ee mandiqada Puntland, iyadoo la fiirinayo xiliga iyo marxalada adag ee uu marayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Kooxaha ama Raga xukuumada kasoo horjeeda ha ogaadeen in Iftiintka iyo geedka weyn ee mandiqada Puntland harsaneyso ay tahay mid ay fiirsanayaan oo ay dugsanayaan dhamaan Beelaha DAAROOD meelkasta oo ay joogaanba, sidaas daraadeed marnaba lama aqbalikaro in la isku dayo bur-burinta iyo waxyeeleynta nabadgalayada Puntland.

Xukuumada uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Puntland Mudane Faroole waxaan u aragnaa in ay ku howlantahay dadaal, horeyna uga soo gudubtay xiliyo adag, isla markaana ay ku tilaabsatay horumar muuqda oo la taabankaro hayeeshee uusan nina sacab saarikarin.

 

Aanagoo og oo dareensan Bugacada ay ku taalo Puntland, hal-sanana uu yahay wax kooban oo aan dheereen, waxaan soo jeedineynaa cidii xukun dooneysa in ay u bahaantahay wakhti ay isku diyaariso sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in wakhtiga sanadka ah dhamaan loowada diyaar garoobo nidaamka doorashooyinka xorta ah ee Xisbiyada badan.

Waxaan aad uga xunahay oo ayaandaro iyo niyad jab ah hadaan nahay waxgardka iyo dhalinyarada Beesha (SADE-DAAROOD) ee North America khaastana USA in aan idaacadaha ka maqalno Rag ku hanjabaya maalin laguma darikaro, saacad laguma darikaro iyo wixii la’mid ah.

Waxaan ragaas cod dheer ugu sheegeynaa in ay ka fiirsadaan kana waantoobaan hadalada aan xadaarada iyo caqligu ka muuqan ee dhaqanka hogaamiye kooxedyada ah (Warlord), xiligii wax burbrunita waa laga soo gudbay, shacabka Puntland waxeyBeelaha DAAROOD u yihiin (Forexample & Rollmodel), mana la aqbali karo in laga leexiyo dhabaha nabadgalyada iyo horumarka ay hiigsaneyso.

Waxaan aaminsanahay rag noocoos u dhaqmaya in calaamad su’aal laga keeni karo Hogaamintooda Barrito. anagoo og in ay joogaan dad badan oo waxgarad ah ayeysan hadana mudneyn in aan ka aamuusno hadaan nahay Beeshe (MAREEXAAN SADE-DAAROOD). Waxaan muxafid iyo mucaaradba u sheegaynaa in aan talada Puntland wax ku leenahay, sidaas daraadeedna ay khasab tahay in aan moowqif cad ka istaagno xiliga kala guurka oo ay nidaam cusub u gureeyso Puntland anagoo codkeena ku taageereyna jiritaanka iyo adkeynta nabadgalyada Mandiqada Puntland.

Xiriiriyahan Aqoonyahanka & Waxgaradka Beesha Sade Daarood

Ibarahim Abdi Galayax

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA