UK: (pp)- Waxaan halkaan ummadda Soomaaliyeed ugu soo gudbinayaa in dawlada madaxwayne Xasan Shiikh gaar ahaan wasiirada Arimaha Dibada ee Soomaalia ay wado dagaal isir sooc ah oo ka dhan diblomaasiyiinta kasoo jeeda deegaamada Puntland iyo Jubbaland. Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaaya in wasiirada Arimaha Dibada Fowzia Xaaji Adan ay amar ku bixisay in sabab la’aan la badalo Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Hindiya (Amb. Abyan Salah Ladane), qunsulkii safaarada Soomaaliya ee wadanka Cumaan, iyo sidoo kale safiiro iyo qunsulo kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland.
Dhinaca kale, sidaan la socono xiligan Soomaaliya waxaa wax loogu qaybiyaa nidaamka 4.5, sidaasi darteed haddii la ruqsaynaayo safiiro ama qunsulo waa in lagu saleeyaa nidaam cadaalad iyo sharci ku salaysan isla markaasna aan lagu bartilmaamaysan dad kasoo jeeda beelo ama deegaamo gaar ah. Sidoo kale waxaa nasiib darro ah in halkii Fowzia Haji ay u doodi lahayd xaquuqda dumarka ay cadaalad darro kula dhaqanto qaar ka mid ah hablaha ugu dadaalka iyo wadaniyada wanaagsan Soomaaliya sida Ambassador Abyan Salah oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Hindiya isla markaasna uu dhalay mid ka mid ah halgamayaashii SYL.
Sidaasi darteed anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyada haweenka Puntland ee wadanka UK waxaan cambaarayn kulul usoo jeedinayaa cadaalad darrada ka socota Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo dulmiga ay wasiirada Arimaha Dibada Fowzia Xaaji Adan ku hayso safiirada iyo qunsulada kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland.
Waxaan ka dalbanaynaa in maamulka Puntland uu arintan hadal cad kasoo saaro isla markaasna laga hortago dulmiga lagu hayo safiirada Soomaaliyeed sida Abyan Salah iyo qunsulada kale kuwaasoo aan haysan maamul ilaaliya xaquuqdooda iyo sharaftooda.
Ugu danbayntii waxaan jaaliyadaha iyo beelaha Soomaaliyeed ku dhiirigelaynaa inay isha ku hayaan waxyaalaha ka socda Wasaaraddda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo cadaalad darrada lagu hayo safiirada iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradaheena kala duwan.
Marwo Faiza Cartan Boos
Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee UK
email: faiza_boos@live.co.uk