BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

UK: Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee UK Abdirahman Ali Gureye, oo farriin cad u diray mucaaradka puntland iyo website -yada qaarkood.

December 27, 2012 11:21 pm GMT - Written by PP - Edited by PP
Print Print

Ugu horrantii waxaa mahad leh Alle subxaanahu watacaalaa, reer puntland ku mannaystay Nabad, xasilooni iyo horumarkan ay maanta ku jirto iyo kan ay higsan doonto mustaqbalka dhow.

Guddoomiyaha Jaaliyada Puntland ee UK

Guddoomiyaha Jaaliyada Puntland ee UK

Dad badan ayaad moodaa in ay hilmaansan yihiin amaba aysan aad ula socon sida lagu yimid meesha hadda la joogo iyo howshii laga soomaray in mar la arko Puntland oo luga heeda ku istaagtay dhinac walba.

Waxaa muuqata ififaale in dad sheeganaya reer puntland ay mar marka qaarkood ka hormariyaan dantooda shaqsiga ah tan guud ee dadweynaha reer puntland iyo tan soomali weyn, waayo danta reer puntland waa danta ummadda soomaliyeed.

Mucaarad waxaa loo noqdaa in wax lagu saxo, Mucaaradka aan maanta u baahan nahay,  ma ahan wax xumeeye, ee waxaa looga fadhiyaa  in uu noqdo mid wax soo kordhiya , siina wanaajiya waxa hadda la haysto. Sidaa darteed waxaan ka codsanayaa xisbiyada siyaasadeed ee dhawaan puntland laga asaasay in ay aad ugu taxadaraan in ay si dhinac marsan danta iyo maslaxadda puntland wax ku doonaan , ee mar walba  laga hormariyo tan ummadda ka wada dhaxaysa.

Waxaan u baahan nahay taxadar, ka fiirsi qoto dheer iyo in talaabada la qaadayaa in ay u socoto dhanka hufan ee maslaxadda iyo danta reer puntland ay ku jirto. Laab la kac, degdeg iyo kugu dhalatay maanta uma baahnin ee waxaan u baahanay nabad waarta, Horrumar aan kala go’ lahayn iyo in la is weydiiyo ma la joogaa waqtigii loo baahnaa in tallaabo horay loosii qaado.

Nidaamkan xibiyada badani waa is badel soomaaliyoo dhan weli ku cusub una baahan in waqtigiisa iyo fahmid ku filan la siiyo. Haddii la degdego waxaa halis loo noqdaa kufid iyo natiijo xumo. “Miro wanaagsan oo la gurtaa, waxaa ka horreeyey abuur wanaagsan iyo ka dhur sugid”

Maamulka dalka hadda ka jira oo nidaamkan rajeda ah ina galiyey doonaya in uu dalka ka hirgaliyo aan waqti ku filan siinno, si uu dhaxal wanaagsan inoo ka tago howsha uu inoo horseedayna uu u dhamystiro . Qofka xagasha isku dhuftaa isagaa u dhutinaya, ee reer Puntlandow yeynaan xagasha isaga Joogsan oo aynaan dib u dhac isku ridin.

Tan kale waxaan dhaliil u soo jeedinayaa website yada qaarkood oo caadaystay in ay been abuur dacaayad ah oo aan sal iyo raad toonna lahayn qoraan. Waa wax laga xishoodo in la isku been abuurto oo qoraalo aan jirin la faafiyo.

Anigoo tix raacaya qoraalkii dhawaan website Puntland 24 news uu qoray ee been abuurashada ahaa aan dalbadayna in raali gelin laga bixiyo. waxaan u soo jedinaa dhallinyarada wax ku qortay iyo kuwa sameeyeyba in aad isaga ilaalisaan in aad qortaan wax aan jirin iyo been abuurasho waayo sumacad ahaan idiinma wanaagsana adduun iyo aakhiroba. Noqdana mideeyeyaal ee ha noqonina kal geeyayaal waa dantiinee !!!!.

Shaqsiyan Anigu waxaan aamin sanahay dowlad nimo, Horumar, maamul wanaag iyo in wax walba laga hor mariyo xasiloonida, nabadda, kala dan baynta iyo in nidaamku iyo sharciga lagu heshiiyey uu wax walba ka sarreeyo. cid wabla oo isku dayda in ay nidaamka khalkhal galiyaanna tallaabo cad oo sharciga waafaqsan laga qaado.

Maamul waa yimaadaa, waana tagaa, laakiin waxaa mar walba baaqi noqonayaa dadka, dalka , ha laga shaqeeyo midnimadda iyo is haysashada dadka iyo dalka.

Ugu danbayntii waxaan soo jeedinayaa in Dowladda loo daayo shaqadeeda, si ay howlaha badan ee u yaal ay u gudato, dadaalkeedana aan doc faruur loogu samayn, shacabkuna ha ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, hana lagu fara adaygo nicmadda alle weyne khaaska inooka dhigay.

Wabilaahi towfiiq.

Abdirahman Ali Gureye
LondonUK

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA