BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

UK: Ururka Sahal oo bayaan kasoo saaray Madaxwayanaha DF oo diiday dhisitaanka maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka

December 27, 2012 11:16 am GMT - Written by PP - Edited by PP
Print Print

Horudhac

Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigayaa warbixin kooban oo ku saabsan hab dhaqanka madaxwaynaha ee la xiriira hab maamuuska dawlada iyo dastuurka fadaraalka, samaynta maamul goboleedyada iyo talobixin loo jeedinaayo ummadda Soomaaliyeed ee ku nool deegaamada Jubbooyinka.

Madaxwayne Xasan Shiikh oo si cad uga soo horjeestay ku dhaqanka nadaamka Fadaraalka

Sahal.jpgWaxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed la socodsinaynaa in madaxwayne Xasan Shiikh uu todobaadkan magaalada Nairobi si bareer ah uga cadeeyey inuusan raali ka ahayn in la hirgeliyo maamul goboleedka Jubbaland isla markaasna inuu kasoo horjeedo in xiligan lagu dhaqmo nidaamka Fadaraaliga ah ee lagu soo dhisay Dawlada Faradaalka ee Soomaaliya oo asaga lagu soo doortay. Xog si rismi ah looga helay mar Xasan Shiikh dad kula kulmay Nairobi todobaadkan waxuu sheegay in Baarlamaanka la horgeyn doono go’aan fikirkiisa xambaarsan si ay go’aan uga gaaraan baabi’inta samaynta maamul goboleedyada.

Si loo fuliyo go’aankan madaxwaynuhu waxuu ku talo-jiraa inuu isticmaalo awood dawladeed iyo mid hanjabaad hoose, dhaqaale iyo qalqaalin siyaasadeed si uu Baarlammanku u diido samaynta maamul goboleedyada taasoo ka tarjumaysa fikirka guracan ee Xamar yaala. Waxuuna madaxwaynuhu doonayaa in dowladiisu ay noqon doonto dawlad dhexe oo awood leh oo ku baahda dalka oo dhan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, markii Xasan Shiikh uu booqasho ku yimid dalka Kenya waxuu cadeeyey in dawladiisu ay dhowaan magaalada Kismaayo u soo magacaabi doonto maamul ku meel gaar ah oo shaqayn doona muddo saddex bilood ah.

Hadalka Xasan Shiikh waxuu muujinayaa in dawladiisu aysan diyaar u ahayn inay ku dhaqanto sharciga fadaraaliga ah waxaana nasiib darro ah in madaxwaynihii la rabay inuu asagu sharciga ilaaliyo uu horseed u noqdo burburinta nadaamka dawliga ah iyo sharciyada fadaraaliga ah ee ay ku dhisan tahay dawlada Fadaraalka Soomaaliyeed. Hadaba hadaan nahay ururka Sahal waxaan u aragnaa inuu si bareer ah isaga indhatiro ku dhaqanka sharciga fadaraalka ah ee u degsan dawlada Soomaaliya.Waxaan u aragnaa arin ugub ah iyo taariikh mugdi ah inuu Madaxwaynuhu ka dhigto Xasan Shiikh shaqadiisa 1aad inuu ka hortago dad Soomaaliyeed e dagan gobolada Jubbooyinka oo ku heshiiyey nadaam iyo kala danbayn ay ku kala badbaadaan taasoo tilaabo ku dayasho u ah dadka ku nool gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Sidaasi darteed, ururka Sahal ka dib markuu u kuurgalay si dhowna qiimayn ugu sameeyey tilaabooyinka is daba-jooga ah oo meel ka dhaca ah oo Madaxwayne Xasan Shiikh uu wado isla markaasna arkay guuxa siyaasadeed ee kasoo yeeraaya Xamar iyo adeegsiga uu rabo inuu isticmaalo dad dhuuni-qaatayaal ah oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, waxaa noo cad in iftiinka, nabada iyo walaaltinimada oo kasoo ifbaxaaya gobolada Jubbaland oo lagu helay fadliga ilaahay inay madaxwaynaha iyo kooxdiisu ay rabaan inay si kasta uga hortagaan.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed leenahay walaaleyaal boogtii 22ka sano jirsatay oo hadda qolof-satay ayaa madaxwaynaha iyo kooxdiisu ay rabaan inay dib u huriyaan dhibkii iyo colaadii ummadda Soomaaliyeed horey uga soo gudbtay.

Sidaasi ururka Sahal waxuu soo saaray qodobada soo socda:-

1. Waxaan fariin deg deg u diraynaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed inay isku tashadaan isla markaasna ay hirgaliyaan maamul goboleedyada ay degan yihiin gaar ahaan gobolada;
2. Gudiga maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka waxaan ka dalbaynaa inaad guntiga dhiisha isaga dhigtaan isla markaasna aad u dhabar adaygtaan dhib kasta oo idin soo wajahda oo dhidibada u aastaan mamul goboleedka Jubbaland;
3. Waxaan ugu baaqaynaa dadka deegaanka Gobalada Jubboyinka isku tashadaan kana talobaxaan hagardaamada iyo maaweelada dawlad ku sheegta ah ee Xasan Shiikh horjoogaha ka yahay iyo kooxdiisa NGO-yada ku salaysan;
4. Waxaa cad in dadka isku isbahaystay oo horseed ka yihiin madaxwayne Xasan Shiikh, xisbigiisa, Ismail Omar Geele, iyo Cabdisaqaasim Salaad kuwaasoo kasoo horjeeda nadaam iyo nabad lagu waaro oo ka dhalata gayiga Soomaaliya. Fadaraal diid waa dawlad iyo nadaam diid waayo sida ku cad qodobada 38 iyo 40aad ee dastuurka dawlada Fadaraaliga ah shacab kasta oo dega labo gobol iyo wixii ka badan waxay xaq u leeyihiin inay samaystaan maamul goboleed, doorka dawladu waa inay caawiso maamul samaynta;
5. Waxaan si adag uga soo horjeednaa in shirarka iyo abaabulka magaalada Muqdisho ay ka wadaan madaxwayne Xasan Shiikh, xisbigiisa, iyo kooxo yar oo asal ahaan ka yimid gobolada Jubbooyinka oo dhuuni-raac ah kuwaasoo ku midoobay hindise la xiriira in Xamar laga soo magacaabo maamul ku meel gaar ah loo sameeyo Gobalada Jubboyinka;
6. Waxaan beesha caalamka, UN, Arab League, AU iyo IGAD iyo gaar ahaan dawlada reer galbeedka halkaan baaq uga jeedinaynaa madaxwayne Xasan Shiikh ay hal uga soo jeestaan intuusan nabada Soomaaliya iyo Geeska Africa uusan ceel dheer ridin waayo si loo dhiso dawlada hadda jirta waqti badan iyo qarash badan ayaa lagu bixiyey;
7. Haddii madaxwayne Xasan Shiikh, iyo kooxdiisu aysan faraha kala bixin arimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, waxaan horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan gobolada Jubbooyinka, Puntland iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan dawlada Fadaraalka ah taasoo loo aqoosan doono inay ku fashilantay hawlihii loo igmaday;

Bayaankan waxaa soo saaray ururka Sahal

Taariikh: 26th December 201

Sahal Organisation

Kala xiriir: sahalorginternational@gmail.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA