|
Jubbaland waa urur cusub oo samafal ah oo caawinaya ummadda soomaaliyeed ee ku nool, GOBOLKA JUBBADA HOOSE iyo nawaaxigiisa.
Ururku ma aha urur siyaasadeed iyo urur xukun doon midna. Ururku wuxuu u shaqeynayaa, waxna u doonayaa ummadda soomaaliyeed ee deggan meelaha aan soo magacaawnay ee kor ku xusan.
Ummaddaas oo dagaalladii sokeeye waxyeeleyeen mudaddii dowladdii dhexe la waayey. Ururku wuxuu ka codsanayaa cid allaale iyo ciddii caawineysa, inay ka caawiyaan sidii waxbarasho iyo daryeel caafimaad loogu heli lahaa carruurta iyo maatada kale, ee ay ku habsateen cudurada iyo waxbarasho la,aanta, oo ay sabab u ahayeen dagaallada sokeeye ee muddada dheer ka socdey gobolkaas iyo nawaaxigiisa. Ururku wuxuu mar walba xaq dhowrayaa, oo ilaalinayaa jiritaanka ummadaas deggan gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigiisa.
Ururku wuxuu balanqaadayaa haddii alle yiraahdo in, wax alaalle iyo wixii samafal ah uu gaarsiini doono gobolka iyo nawaaxigiisa, oo ay ugu deeqaan ummadda soomaaliyeed ee walaalahooda ah iyo kuwo kale, Sida ururada samafalada bixiya, shacab wax ugu deeqa, dowladaha, I.W.M. Ururka fadhigiisuna waa COPENHAGEN caasimada DENMARK.
Wixii faahfaahin ahna kala soo xiriir cinwaanada hoos ku xusan:-
C/O: MULDAGER, 48.D-2-TV 2700 BRØNSHØJ COPENHAGEN DENMARK
C abdi Xasan Abukar (Cabdi Madoobe). Tel: +45-45-662-665.
Cabdiqaadir Kadiye Maxamuud. Tel: +45-44-926-610 E-mail: jubbaorg@yahoo.com
MAHADSANIDIIN DHAMAANTIIN Maamulka ururka samafalka Jubbada hoose |